berberatoday.com
Tahriibka ayaa Sabab u Noqday In Uu Saxiibkay Gaaloobo!!!
May 4, 2016 - Written by Berbera Today

Tahriibka ayaa Sabab u Noqday In Uu Saxiibkay Gaaloobo!!!
waa qiso dhab ah kuna murug galinaysa Ku dhacday aniga oo ah Pre-Dr Suubiye Xsn Suubiye iyo nin aanu sxb ahaan jirnay
Waa malin murugo naxdin argagax iyo cabsi alle igu beertay
Suaashaydu waxa ay tahay walidka somaliyeed
Ee ubadkooda dhulka gaalo u diray maka war hayaan
Waxa ay ku sugan yihiin??????
Waxaa jiray will aanu saxiibo isku dhaw ahayn isla markaana aanu ku wada noolayn wadankeena hooyo gaar ahaan casimada Hargeisa.
Muddo ka dib waxa saamaysay masiiba tahriibka wuxuuna go’aansaday inuu tahriibo waanu anbabaxay,Waxa aanu ku kulanay wadanka Ethiopian casimadiisa adiss-ababa halkaas oon ku noolahay kana barto cilmiga cafimadka waxa uu ila joogay saddex malmood , isaga oo iga diiday wano iyo talo aan uga soo jeediyey talabada uu ku socdo oo ah tahriib isla markaana naftiisa uu ku waayi karo, ima uusan maqal waa uu sii socday xagaa iyo sudan iyo libiya muddo kadib waxa uu gaadhay yurub waxaanu ii sheegay inuu yoolkiisi gaadhay.Mudo markay ka soo wareegtay waxa uu iishay inuu ku khasaaray imanshaha yurub, nolosha yurub aanay ahay mid haqabtirikarta baahiyihiisa, dani kubadayse ayuu ku joogay yurub.
Hadaba qisada murugada argagaxa iyo naxdinta leh ayaa u dhacday sidan hoose ku xusan:-
Waxa ila soo hadlay saxibkay isaga oo aad u murugaysan waxa uu iisheegay inuu ayamahanba arin iga qarinaayey lkn hada uu rabo inuu ii cadeeyo si aan ugu taageero ama aa ugu diido
waxa uuu iisheegay wax maxkaxdayda ka awood waynaaday naxdin argagax iyo cabsi alle igu beeray
Hadalkii na dhex maraya ayaa ahaa sidan:-
♧ salaan kadib waxa uu iisheegay Wax uu iisheegay
Inuuu ka baxay diinta islamka noqdayna qof illahay ka kufiriyay qaatayna diinta cristanka isla markaana uu iska diwan galiyey kiniisad ku taala wadanka uu joogo isaga iyo dhalinyaro kale oo somali ah.
Isaga oo ii sababaynaaya
waxa uu iisheegay= iinuu lacag badan ka helaayo
Dhoofa maraykan ah helaayo
Daryeeel aduunyo iyo nool fiican uu helaayo
♧ Waxaan waydiiyey= Ma aaminsantahay inaad diinta xaqa ka tagtay Naxriista alle aad ka fogaatay?
♧ Wax uu igu jwb = haa lkn duruufta ayaaa igu
qasabtay waayo noloshan ayaan dhibsaday
☆ Waxaan suaalay = deeqda alle ayaa bixiya aduunyaduna waa ibtilaa iyo imtixaan inaad samirto miyaad awoodi wayday?
♧ Wax ugu jwb = samirka ayaa iga batay oo wax badan ayaan samraayey
☆ Waxa aan suaaalay=ma ogtahay inay aduunyadu tahay ayaamo
Ma aduunyada ayaad ka dooratay aakhiro ?
♧ Waxuu igu jwb = sxb ayaamaha aduunyada ayaa rabaa inaan raaxo ku qaato
☆ Waxaan suaalay = ma u sheegatay walidiintaadii?
♧ Waxuu igu jwb = maya waayo way iga naxayaan
Inay inkaari igu dhacdo ayaan ka baqayaa
☆ Waxaan suaalay = walidka intaad ka baqayso
Allah ku abuuray cabsidiiidu miyaanay kugu jirin
In ciqaabta alle ka wayn tahay cadhada walidka ma ogsoontahay

♧ waxuu igu jwb = haa lkn naxriista alle waa mid waasac ah diinta islamkana qalbiga ayaan ku hayn
Lkn hada tan cusub ayaan baranayaa si aan aduun ugu helo
waxaanu iga codsaday inaan u xil qariyo cidna aan u sheegin ceebtiisa
☆ dadka inta aad ka ceeb qarsanayso alle miyaanu ku arkay alle ayaa ugu mudun in laga xishoodo
Waxaan isku dayey inaan u caqli celiyo waaniyo diinta macaankeeda wax uga tilmaamo balse dhag jalaq iimuu sii waayo nin meel u caday meel ka madow , isagoo ku qanacsan go’aankiisa ayuu sheegay talo iyo wano u baahnayn waayo waxa uu qaatay dariiqii saxda uula muuqday kaa soo ah inuu ALLAH ka kufiriyo.
♤ suaal danbe maan waydiii waayo waxaan ogaaday inaanu kala nahay laba qof, muslim iyo gaal ah
Waxaan u sheegay inay halkaas ku dhamatay walaltinimadi iyo saaxiibtinimadiiba hore noga dhaxaysay,
Markaan damcay inaan walidkiisii oo wadank ku noola la xiriiro, ima aysan aaminin waanay beeniyeen warkaygaa iyaga oon hubsan.
Hadaba arintani waa masiibo diineed uu keenay tahriibku , una baahan wacyi galin iyo dhalinta yaryar ee dhulka gaalada loo diraayo in la joojiyo.
Ma ogsoontahay inuu gaalku kugula jiro dagaal hoose oo diineed kuna cadow yahay diintaada iyo dhaqankaaga, walidiinta waxaan farayaa in laga foojignaado dhibatadan soo korodhay ee dhibteeda wadata,qofkasta oo muslim ahna waxa saaran waajib ah inuu difaavo diintiisa xaniigiyada ah,
ALLE ha laga cabsado isagana haloo noqdo.
♡♡♡Subxanaha Allahuma yaa muqalibal quluub sabit qulubana cala dinikal islaam♡♡♡♡♡

 
By: – Dr Suubiye Xasan Suubiye
Email:Samiir_neyo@hotmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews