berberatoday.com
Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee Secja Oo Xukuumadda Ugu Baaqay Inay Joojiso Dacwadaha Ciqaabta Ah Ee Wargeys-yadda Ogaal, Hubsad, Codka Shacabka,Xog-ogaal Iyo Xayiraadda Haatuf+Ururadda Xuquqal Insaankana Baaq Culus U Diray
May 4, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.net)-Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Secja waxa uu Hambalyo kal iyo lab ah u dirayaa Wariyaasha heeganka hadh iyo habeen ugu jira dalkooda Hooyo iyo tabinta macluumaadka kala duwan ee Bulshaddu baahan tahay, sidoo kalena waxaynu warbaahinta Caalamka kala siman nahay damaashaadka iyo xuska maalinta qaaliga ah ee 3-May-2016-ka, maalintaasoo ah mid ay hana-qaaday Xoriyaddaa Saxaafadda adduunku. Hase-yeeshee, weli waxa Somaliland ka jira dib-u-dhac mudooyinkii u danbeeyey kusoo badanayaa dalkeena Hooyo, kuwaasoo dhaawac gaadhsiiyey horu-socodka hanaanka xoriyatul qawlka. Iyaddoo Jamhuuriyadda Somaliland mudadii 25-ka sannadood ahayd ee ay jirtay Warbaahintu sameysay dedeel iyo koritaan ku fadhiya waayo aragnimo xeel-dheer oo marba mark ka danbeysaa sii koraayey, haddana tan iyo waqtigii Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo hoggaaminta dalku gacanta ugu jirtay waxa soo noq-noqonaayey dhibaatooyin iyo tacadiyo tiro badan oo ay u geysatay Saxaafadda, iyaddoo mudadii 6-da sannadood iyo dheeraadka ahayd ee ay jirtay xad-gudubyo ku sameysay in ka badan 300-oo Wariye. Sidoo kale, waxa dhacday in Wariye Axmed Muuse (Sakaaro) sannaadkan isagoo ku jira hawl-maalmeedkiisi shaqo Jidh Dil loogu geystay Gobolka Togdheer, iyaddoo ay ilayo hadda weli maqan yihiin dadkii wariyaha kula kacay falka foosha xummaa. Waxa kaloo isla sannaadkan magaaladda Burco lagu xidhay Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo aanay Ciidamada amaanku waaran maxkamadeed iyagoo sita xidhin walow markii danbe xukuumaddu sii daysay. Waxa kale, oo isla sannaadkan magaaladda Burco lagu xidhay wariye ka tirsan Shabakadda Hadhwanaag. Intaa uun kuma koobna xadhiga xaqdaradda ee aan sifo sharci loo marin ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo kula kacday Warbaahinta taban-taabadda uga baahnayd, waxa kamid ahaa Wargeys-yo kala duwan oo kasoo bixi jiray gudaha Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, kuwaasoo ka kooban Shan Wargeys albaabada loo xidhay, qaarkood kuwasoo ay ka qufushay Xafiisyaddii, halka kuwo kalena ay Xayiraad kusoo rogtay, qaarna ay soo baxan,hase-yeeshee ay ku socoto Dacwad kaga timi Madaxtooyadda sida Wargeyska Ogaal oo hadda Madaxweynaha iyo Marwadiisu dacwad kusoo oggeen iyo sidoo kale, Wargeyska Waaheen oo isna Wasaaradda Warfaafinta dacwad kusoo ooggeen. Waxa kaloo, Xukuumadda Somaliland Xayiraado sharciga aan waafaqsanayd kusoo rogtay saddex Wargeys, kuwaasoo kala ah Wargeyska Hubsad, Codka Shacabka iyo Xog-ogaal, iyadoo aan la garanayn sababta iyo dariiqa xaqiiqadda ku saleysan ee Xukuumaddu Xoriyaddii uga qaaday Hay’addaha Warbaahineed, waxa kale, oo isna sannaadkii labaad Xukuumadda u Xayiran Wargeyska Haatuf oo kamid ah Wargeyska aas-aaska u ahaa korinta Saxaafadda Somaliland, ay si toosa ugu awood sheegashay xukuumaddu, xayiraad-na kusoo rogtay Wargeyskii iHaatuf, Somaliland Times iyo Haatuf al-carabiya iyo weliba Xaruntooddii. Haddaba, Xukuumadda Somaliland ee uu Madaxweynaha ka yahay Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Secja ka codsanayaa inuu sida ugu dhaqsaha badan Xoriyadooda ugu soo cliyo, isla markaana joojiyo Dacwaddaha Hay’addaha Warbaahineed ee dhawrka waqti xaadirkan ka socotoa Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex. Ururka Secja waxa uu Madaxweynaha farrayaa inuu dhawro xuquuqda muwaadiniinta iyo sidoo kale, tan Xoriyatul qawlka ee Somaliland kusoo caano maashay. Madaxweyne Taarikhda wanaagsan ee Saxaafadda dalkeenu leedahay waxa kugu waajib ah inaad dhinacaaga dhisto oo aad u muujiso dhiri-gelin, laakin inaad noqoto Madaxweynihii Somaliland soo maray ee ugu Saxaafad xidhista badnaa, uguna Hay’ad warbaahin xidhis-badnaa waa sumcad madow ee mudada ku hadhay waxanu ka Codsanaynaa inaad dhisto saxaafadda, xoriyadoodana usoo celiso, kuwa xidhan iyo kuwa aad dacweyseen dhammaantood. Gabo-gabaddii mudada sannaadkan bilowga ah iyo kii hore ee dhammaaday intaba Ururka Caalamiga ah ee Suxufiyiinta Somaliland Secja waxa uu heegan ugu jiray sidii loo cidhib tiri lahaa khaladaadka ka yimmaada Suxufiyiinta, waxananu kullanno iyo xog-wareysiyo kala duwan la yeelanay Wariyaasha kala duwan eek u nool magaalooyinka dalkeena, kuwaasoo intooda badani yihiin kuwo ku shaqeeya durufo adag iyo weliba xaaladdo qalafsan, una dulqaataqadaf kastaa oo kaga yimmaada xukuumadda, waxanan u Faaideynay aqoon iyo xirfad saxaafadeed, taasoo yareysay khaladaadkii ay geli jireen Suxufiyiintu. Sidoo kale, Ururka Suxufiyiinta Secja waxa waajib ka saran yahay soo nooleynta taarikhda hal-doorka Saxaafadda Somaliland, waxanu sannaadkan Ururka Secja si rasmi ah u dhemeystiray Berked Biyood loogu Tabarucay Marxuum Maxamed-rashiid Muxumed Faarax oo ahaa shaqsi isku darsaday karti, aqoon iyo geesimo uu Saxaafadda Somaliland kur ugu qaday. Haddaba, Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Secja waxa uu Gudoomiyaha Maxkamadda Sare xasuusinayaa inuu ka shaqeysiiyo Xeerka Saxaafadda oo uu dhaqan-geliyo, kana dhiggo mid u dhexeeya Suxufiga khalad galay iyo Xukuumadda labadaba, waxanan Hay’addaha xuquuqal insaanka ugu baaqaynaa inay si dhaqso ah usoo faro-geliso cabudhinta Saxaafadda Somaliland xukuumaddu ku haysto, sidoo kale, Hay’addaha caalamiga ah waxan ka codsanaynaa inay ka qaybqaadato horumarinta Saxaafadda, isla markaana la shaqeyso Saxaafadda Madaxa-banaan iyo Ururka Secja oo ah kan metella Warbaahinta Xorta ah, xaalad kastaa oo timaadana heeganka ugu jira sidii uu difaaci lahaa. Alla Mahad-leh.

 

Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Secja

Yaasin Jaamac. Hargeysa/Somaliland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews