berberatoday.com
Ardayda Reer Somaliland ee Jaamacadaha Itoobiya oo Cabasho Ka Muujiyey Habka ay Ula Dhaqanto Safaaradda S/land ee Addis Ababa.
May 5, 2016 - Written by Berbera Today

Akhriste aniga oo magacaygii yahay Sahra Maxamed Muuse kana mid ah ardayda wax ka barata jaamacadda AFRICA ee magaaladda Addis Ababa waxaan cadeynayaa in ay jirto cabasho weyn oo ay ardayda reer Somaliland ee wax ka barta jaamacadaha dalka itoobiya ay ka qabaan habka masuuliyiinta safaaraddu ula dhaqmaan ardayda reer Somaliland gaar ahaan xiliyadda ay ardaydu qalin jabinayso,iyadoo ay jirto in mar kasta oo ay ardaydu qalin jabinayso oo ay isku daydo in ay sameystaan gudiyada qabaan qaabiya xafladda qalin jabinta ayey soo fara geliyaan masuuliyiinta safaaradda Somaliland ku leedahay caasimadda dalka itoobiya ee ADDIS ABABA,waxaana si gaar ah ardaydu uga cabanaysaa safiir ku xigeenka safaaradda MR Ayaanle Salaad oo isagu ah shakhsiyadda dhabta ah ee soo fara-gelisa isagoo leh dan gaar ah oo dhaqaale,tusaale ahaan sanadkii hore waxa dhacday fadeexadii WATERGATE oo kale iyadoo uu sameystay safiir ku xigeenku koox arday ah oo uu ku shaqeysto isla markaana uu ku fushado dano gaar ah,waxyaabihii dhacay sanadkii hore waxaa ka mid ahaa lacago badan oo kooxdani ka ururisay ganacsato kala duwan ee suuqa BOLE ee magaaladda Addis Ababa,iyadoo lacago badan oo la ururiyey la waayey meel ay mareen kadib markii la musuqay,waxa kale oo dhacday in ganacsato aan reer Somaliland ahayn laga ururiyey lacago badan iyadoo weliba qaar ka mid ah ganacsatadaasi kale iyo koox dii uu sameystay safiir ku xigeenku mr Ayaanle uu gacan ka hadal ku maray kadib markii ay dadkaasi ganacsatada ahi ku doodeen in aysan ahayn reer Somaliland waxa qaadhaan looga ururiyaana ay tahay khalad,sidoo kale lacago badan ayaa waxa laga ururiyey masuuliyiinta xukuumadda Somaliland sida wasiirkii Qorsheynta qaranka haatana ah wasiirka Arimaha dibadda Dr Sacad Cali Shire,Maayarka Caasimadda Haregysa iyo masuuliyiin kale,waxaasi oo lacag ah waa la musuqay,hadaba nuxurka cabashada ardaydu waxa uu xanbaarsan yahay in dawladda Somaliland ay arintan soo fara geliso oo ay ku amarto safiir ku xigeenka Safaaradda Somaliland ee Addis Ababa Mr Ayaanle in uu faraha ka qaado amuuraha iyo qaban qaabadda xafladda ardayda.

 
By: Sahra Maxamed Muuse
Email:Sahralaki1@gmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews