berberatoday.com
Faysal Waraabe Oo Guddida Diiwaangelinta Amarkooddii Dhegaha Ka Furaystay, Magacaabayna xilalka Cusub+ Bulshadda oo Indhaha Ku Haysaa Tallaabadda Gudida Diiwangelintu ku Abaal-mariso Iyo Muranka Ucid…
May 5, 2016 - Written by Berbera Today

gudiHargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa si caddaan ah ugu gafay amarkii Gudida Diiwaangelinta Ururadda Siyaasadda Somaliland kasoo saareen, hakinta khilaafka xisbiga Ucid, mudada ay gacanta ku hayaan dacwadda loo gudbiyey. Hase-yeeshee Gudoomiye Faysal waxa uu shalay warbaahinta ka sheegay inuu aqbalay go’aankii kasoo baxay guddida Diiwaangelinta Ururradda Siyaasadda, balse waxa uu mar kale caawa soo saaray tallaabo kamid ah, kuwii hore looga joojiyey, inay ku kacaan labada garab ee khilaafka xisbiga Ucid u dhexeeyo oo ay kala hoggaaminaayan Musharraxa Madaxweynaha iyo Gudoomiye Faysal.

Amar diidan uu Gudoomiye Faysal ku dhaqaaqay ayaa dib usoo istaadhaysaa muran markale ka dhex bilaabma labada garab ee xisbiga Ucid oo hadda dacwaddooda lagaga garnaqaayo Hay’adda Ururrada Diiwaangelinta, sidoo kale, Bulshada Somaliland, taageerayaasha xisbiga Ucid, iyo masuuliyiinta xisbiga ee dhaliila siyaasadda Faysal ayaa indhaha ku hayaa tallaabada Gudida Diiwaangelinta ka qaaddo sharci Jebinta Faysal Cali Waraabe iyo fulin la’aanta amarkii Guddida Diiwaangelinta, waxana Hay’adda Diiwaangelinta laga filayaa inay tallaabo adag ka qaaddo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe iyo shaqsiyaadka kooban ee ugu sacab tumaaya burburinta Xisbiga Ucid.

Haddaba akhri halkan hoose ka eeg War-saxaafadeed uu soo saaray Gudoomiye Faysal oo uu ku magacaabay Masuuliyiin la sheegay inay kamid ahaayeen Xisbiga xukuumadda ee Kulmiye, kuwaasoo uu ku tolay xilal gacanku rimis ah.

Hoos ka eeg;

JAMHUURIYADDA SOMALILANDREPUBLIC OF SOMALILAND

Xisbiga Cadaaladda Iyo DaryeelkaUCIDJustice and Welfare Party

حزب العداله والرأفة

Address: Tell. 528866 / UCIDparty2020@gmail.com. “Area” shacab Deg/koodbuur.

Date: 5/05/2016

Ref/UCID/XDH/128/2016

Ujeedo: Xilal-Magacaabis

Gudoomiyaha Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka UCID Eng.Faysal Cali Waraabe waxa uu magacaabay xilal dalka gudihiisa iyo debadiisaba ah, ka dib markii uu Latashaday guddida fulinta isla markaana uu arkay baahida loo Qabo buuxinta Jagooyinkan. Waxa uu magacaabay masuuliyantan hoos ku xusan.

Dalka gudihiisa:

1. Cabdishakuur maxamed Ismaaciil Ku Xigeenka Xoghayaha Dhalinyarad Iyo Ciyaaraha

2. Xasan Cabdiraxmaan Warsame Xoghaya Abaabulka iyo Wacyigallainta ee G.Maroodi-jeex.

3. Saleban Sicid Raygal Gudomiyaha garabka dhalinyarada togdheer

4. Mukhtaar Maxamed Jamac Xidhiidhiyaha gobolka togdheer

5. Cumar Ibrahim sicid Xoghayaha dagmada Buuhoodle

6. Jamaal Ibrahim maxamed la taliyaha gudomiyaha ee arimaha ganacsiga

Laamaha Dibada:

1. Aadan Siciid Nuur Ku xigeenka Gudomiya Qaarada yurub

2. Idiris Axmed Cali (XUBIN) Ku simaha Gudoomiyaha Laanta UK

3. Cabdi-Maalik Maxamed ducaale Xoghayaha Laanta UK

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid

Eng. Faisal Ali Waraabe

 

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews