berberatoday.com
Sool”Booliiska Oo Aasay Meydka Ruux Aan La Aqoonsan Oo Laga Helay Duleedka Galbeed Ee Laascaanood
May 5, 2016 - Written by Berbera Today

Laascaanod(Berberatoday.com)-Alle ha u Naxariistee Meydka Qof Rag ah oo la aqoonsan, ayaa Shalay laga helay Deegaan 15KM dhanka Galbeed ka xiga Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Warka MeydkaMeydka Ruuxan aan la Aqoonsan, ayaa waxa Goobta laga helay Tagay Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Sool, Saraakiil ka socota Xeer ilaalinta Gobolkaas iyo Masuuliyiin kale oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Sool.

Taliyaha qaybta Booliiska ee Gobolka Sool, oo halkaa ka hadlay, ayaa yidhi, “Waxaanu halkan ku aaseynaa (Goobtii laga helay) Nin Alaabta uu sitay markaad eegto aanu u aqoonsanay inuu ahaa Nin Waalan (Xanuunsanaya), Muddo dheerna uu Meydkiisu meesha yaalay. Waxa uu sitay Koobabab, Daasado iyo Boqol iyo Guntiimood oo waxay yihiin aan la garanayn, laakiin ah alaabta Dadka Xanuunsanayaa qaataan. Meydku wuu Googo’ay, Timuhu way Bideen (Rifmeen), Bahalna ma cunin.”

Meydka Ruuxan Maamulka Sool iyo Ciidanka Booliisku u aqoonsadeen inuu ahaa Ruux Madaxa ka xanuunsanaya, ayaa markii hore waxa Meydkiisa arkay Dad meel u dhow ka qaadayay Ciid iyo Qoryo sida uu sheegay Sarkaal ka tirsan Booliiska oo halkaa ka hadlay.

Sarkaalku wuxuu sheegay wuxuu sheegay in Dadka Meydka arkay ee u soo sheegay uu u soo uray Meydka oo marayey Marxalad uu ku dhashay Dirxi.

Booliska oo gudanaya Waajibaadkooda, ayaa Marxuumka aasay, ka dib markii ay ka qaadeen Sawirro isla-markaana ay ka reebeen Calaamado kale oo ehelkiisu hadday arkaan ku garan karaan.

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews