berberatoday.com
Haddii Xilalka Loo Dhiibi Jiray Dhaxal Nin Reebaaya,Oo Dhaqanku Uu Sumad Lahaa Waayo Lagu Dhaato.Wuu Dhalan Gadiyay Oo Wakhtigu Dhaawac Samihiiye.Dhagar Qabaa Hogaan Loo Xushaa Dhawr Qof Gawracaye.Gabayga DHEELi Iyo Abwaan Xiis Maxamed Cilmi(Shanfool)
May 6, 2016 - Written by Berbera Today

DHEELI Gabayga dheeli wuxuu soo baxay 5.may.2016. Waxaa curiyay abwaan xiis maxamed cilmi shanfool

Haddii xilalka loo dhiibi jiray dhaxal nin reebaaya,

Oo dhaqanku uu sumad lahaa waayo lagu dhaato.

Wuu dhalan gadiyay oo wakhtigu dhaawac samihiiye.

Dhagar qabaa hogaan loo xushaa dhawr qof gawracaye.

Dhac ninkaan aqoon looma diro taytal dhumuc weyne,

Dhurwaabaa la yidhi xoolihii dhoobigood noqo’e,

Dhibaatiyo ninkii nabar qabee dhiig ka soconaayo,

Dhiidhiitibaa lagu shubaa lagu dhibeeyaaye,

Dhakhtaradu dawada ay baxshaan qaar dhintow jira’e,

Iskuulada waxaa dhiga beryahan nimaan wax dheerayne.

Dhirta lama daryeeloo iyana dhuunibaa galaye,

Dhuxul iyo waxaa laga shitaa xaabo dharigeede,

Culimada dharkeedii iblays waysku dherershaaye,

Budh cad-baa wacdiga laga dhugtaa laga dhegaystaaye,

Beentuu ku dhaartaa masuul booli dhaansadaye,

Hablii dhawrsanaan jiray hugii qaar dhigtaa jira’e,

Haldoorkii dhismaha guur lahaa wayska dhebendaade,

Waxaa uu wakhtigu kaga dhacaa qaadka uun dhilo’e,

Dhulka lama fashoo tacab ma jiro ruux u dhididaaye,

Maraakiib cuntada dhacay sidaa dhooban daasyada’e,

Tijaarteenu waxay soo dhuraan dhuuxa shay dila’e,

Dalka waxay usoo dhoofiyaan dheef ah fool jariye,

Dhankooduu ka yimi cuduradaa dhawrka nooc ahiye,

Dhalinyaro xishoodkii ka tege dheemanta ahaaye,

Dharka gaaladiyo waxay xidhaan maro ah dhuudhuube,

Inamadu dhafoorkay timaha dhinac ka xiiraane.

Dhaashiga haweenkana wajigu Milil la dhiig roorye,

Dawaa laysku dhoobaa jismiga lagu dhameeyaaye,

Markii waalidkii dhalay dayacay raace dhalanteede,

Dhadig iyo haweenkii intuba dhiiri galin waaye.

Waxa shaashadaha laga dhugtaa lagu dhaqaaqaaye,

Dhawaaqyada ciyaartii murtida laysma dhaafsado’e,

Dhaantadi waxaa loo bedelay dheesha reer yurube,

Dadku kama dhegaystaan abwaan waano Dhaxalkeede,

isaguna dhankiisuu gaboo dhabar jab weeyaane,

Mar haddii dhamaanteed bulshadu dhoohan wada qaaday,

Waxba yaanan dhiilada qod qodin dhacan dadkeeniiye,

Dhidibada ALLOOW noo adkee dheelibaa jira’e,

\DHAMAAD…………. ABWAAN XIIS MAXAMED CILMI SHANFOOL.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews