berberatoday.com
Jananka Booliska Oo Ka Hadlay Cutub Waajibaad Gaar Ah U Carbisan Oo Dhoollatuskooda La Soo Bandhigay
May 6, 2016 - Written by Berbera Today

Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan Waxaa Uu Sheegay In Ciidankan Loo Tabobaray si Ay U Yaraadaan Khasaaraha Nafeed Ee Ka Dhasha Rabshadaha Oo Ay Ciidani U Qalabaysan Yihiin La Tacaalistoodaciidanka rabshadaha ka hortaga.jpg3

Hargeysa(Berberatoday.com)-Taliska Guud ee ciidanka Booliska jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shalay ku soo bandhigay xarunta ciidanka birmadka ee magaaladda Hargeysa cutub ka tirsan ciidanka booliska oo loogu tallo-galay inay ka hawl-galaan rabshadaha.Ciidankan oo aad u tabobaran waxa lagu qalabeeyay agab casri ah oo loogu tallo-galay inay kaga gaashaantaan xilliyada rabshaduhu dhacaan, kuwaasi oo iskugu jira qalab ay ku xidhanayaan madaxa iyo jidhka oo dhan iyo qalab ay iskaga dhigayaan shiidka. waxa kale oo cutubkan cusubi ay halkaasi ku soo bandhigeen carbis la xidhiidha sida ay u hawl-galayaan iyadoo uu goob joog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan. Isagoo ka hadlayay goobta ayuu Taliyaha Booliska Cabdilaahi Fadal Iimaan sheegay inuu ciidankani yahay qeybtii u horeysay ee ay ugu tallo-galeen inay ka hortagaan rabshadaha iyo qaska ka dhasha mudaharaadyadda. “Waxaan maanta [shalay] soo bandhigayaa ciidankii ka hor taga rabshadaha kuwoodii u horeeyay oo aad u qalabaysan. Aad iyo aad ayaan ugu faraxsan nahay ciidankan qaranka oo dhammina wuu ugu faraxsan yahay oo bulshadda Somaliland-na wax weyn ayay tari doontaa oo ciidankan ayaa wixii rabshado ah ka hawl geli doona,”ayuu yidhi Sarreeye guuto Cabdilaahi Fadal. Taliyuhu waxa uu sheegay in ciidankan loo tabobaray la tacaalista rabshaduhu ay yaraynaynayso khasaaraha nafeed ee ka dhasha rabshadaha. Somaliland mar kasta oo rabshado ka dhacaan waxa ka dhasha inay dad rayid ahi ku naf waayaan ka dib marka dadka mudaharaadyada dhigayaa ay dhagxaan la dhacaan ciidammada ammaanka.

 

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews