berberatoday.com
Akhriso Magacyada”Madaxda Qaranka Iyo Haldoorka Somaliland Ee Loo Diiday VISA-ha Dal Ku Galka Waddanka UK H
May 7, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-waxaa aanu halkan idinku soo gudbin doona qoraal kooban oo aanu ku eegi doono masuulyinta madaxda qaranka iyo haldoorka Somaliland e labadii sanno ee ugu danbeeyey loo diiday VISA-  ha dal ku galka wadanka UK.

Visa

Hore ayaa loo yidhi“Alifkoo Ka Xumaadaa Albaqru Ku Dhibaa”.

umad kasta waxay leedahay xukuumad wakiil uga ah horumarka jidka toosan iyo sixida waxa khaldama,hadaba akhristayaal qormadaydan waxaan uga dan leeyahay in umaddu ogaato halka ay sartu ka qudhuntay iyo in ay xukuumaddu saxdo khaladka weyn ee dhacay gaar ahaan fashilka ku dhacay safaaraadda Somaliland ku leedahay itoobiya iyo sababta madaxda qaranka iyo haldoorka umadda loogu diido helida VISA-ha dal ku galka wadanka ingiriiska.

Hadii aynaan isku tilmaamin khaladaadka waxa dhacaysa in khasaaraha soo gaadhaya masuuliyiinta iyo haldoorka kale ee dal bada VISA-ha UK ,khasaarahaasi oo isku jira mid dhaqaale iyo mid wakhti intaba,kaasi oo sii kordhaya hadii aan wax laga bedelin hanaanka loo dalbado ama loo codsado VISA-ha dalka ingiriiska lagu galo si meesha waxaasi oo dhami uga baxo

Hadaba waxaan mawduucan ku eegaya qaar ka tirsan madaxda qaranka oo iskugu jira wasiiro, xildhibaano, agaasimayaal, Culimo, Ganacsato, Suxufiyiin  iyo haldoorka umadda Somaliland oo labadii sanno ee ugu danbeeyey dhibaato kala kulmay helitaanka VISA-ha dalka ingiriiska

kadib markii safar dheer oo kharash badani ku baxay ku yimaadeen caasimadda dalka itoobiya ee Addis ababa,halkaasi oo ay dawladda ingiriisku ku leedahay safaaradda balse qaybta qunsuliyaddu ay dadka ka xerayso foomamka ay buuxiyaan iyo kharash lacageed oo dhan $4000 oo doolar.

Akhristayaal aniga oo aan soo koobi Karin masuuliyiinta iyo dadka kale ee loo diiday VISA-HA UK iyo sababta loogu diiday waxa aan soo horeysiinayaa qaar ka mid ah dadkaasi magacyadooda iyo darajooyinka ay bulshada kaga jiraan:

No       Magacyo        Darajo

1          Muuse Biixi Cabdi     Gudoomiyaha KULMIYE ahna Murashaxa KULMIYE

2          Cabdilaahi Maxamed Daahir(Cukuse)        Wasiirka X.Xoolaha

3          Cabdiraxmaan Sagal Xubin Gudida Doorashooyinka

4          Maxamuud Maxamed Yaasiin(Dheeg)        Xildhibaan  golaha Guurtida

5          Ibraahim Mahdi Buubaa      Xildhaban ahna Afhayeenka WADANI

6          Siciid Gaani    Xildhibaan Golaha Wakiiladda

7          Siciid cartan   Xildhibaan Golaha Wakiiladda

8          Aamina Maxamuud Diiriye Agaasimaha  Sama-falka Madaxtooyadda

9          Maxamed Cabdi Yoon           Xildhibaan G.deegaanka Hargeysa

10        Cabdilaahi Yuusuf     Maamule ku xigeenka Madaarka Cigaal ee Hargeysa

11        Siciid Raage    Xildhibaan Golaha Deegaanka BURCO

12        Maxamed Saleebaan             Agaasimaha Maalgashiga Wasaaradda Ganacsiga

13        Ifraax  Now    Gu:Xigeenka Ururka Haweenka Heer Qaran ee NOW

14        Axmed Cabdilaahi Cumar(Xamarji)            La Taliyaha Gudoomiyaha WADANI

15        Rooda Axmed Yaasiin           Gudoomiyaha UCID Gobolka SAAXIL

16        Siciid Sheekh Cumar Mulkiilaha Hotel Summer Time

17        Saleebaan dawlad     Mulkiilaha Alla Aamin Pharmacies Ganacsade

18        Nimco Maxamed Geedi         Sacaadadiin Company

19        Fanaaniinta    Xidigaha Geeska oo dhan

Akhristayaal magacyadani waxay ka mid yihiin dad aad u tiro badan oo loo diiday VISA-ha dal ku galka wadanka ingiriiska,iyadoo weliba ay jiraan dad badan oo loo diiday oo aanu magacyadooda halkan ku soo koobi kari weynay

Dhamaan dadkaasi waxa ka baxay kharashaad aad u badan oo iskugu jiray kiradii huteeladda,cuntooyinkoodii iyo tigidhadii diyaaradahaha,waxa intaasi u dheeraa wakhti badan oo ka lumay madaxdaasi iyo haldoorkaasi umadda reer Somaliland mudadii badneyd ee ay joogeen Addis Ababa oo ay sugayeen helida VISA-HA.

Sababta Loogu Diiday?

Hadaba sababta dhabta ah ee loogu diiday masuuliyiintaasi VISA-ha waxay tahay masuuliyad daro ka jirta safaaradda Somaliland ay ku leedahay itoobiya,oo ay kow ka tahay foomka oo laga khaldo dadka habka loogu u buuxiyo waana sababta ugu weyn ee safaaradda ingiriisku ugu diido dadka VISA-ha,u fiirso akhriste dawladda ingiriisku waxay cid kasta u ogoshahay inay siiso VISA-ha dal ku galka kadib marka qofku buuxiyo shuuruudaha looga baahan yahay,hadaba maxaa dhaca marka inta masuuliyiinta safaaraddu foomka u biixinayaan qofka raba VISA-ha?

Kow waxay markiiba khaldaan is waafajinta kharashaadka iyo mudada uu qofku joogayo dalka ingiriiska wuxuu qaban doono,tusaale qof ayey ugu buuxinayaan in kharashka uu haystaa yahay 4000$ mudada uu joogayaana waa afar todobaad oo maalin kaliya mooye inta kale aysan cadeyn waxa uu qabanayo iyo sababta uu u joogayo dalka ingiriiska,u fiirso afarta todobaad waa 24 cisho marka kharashkaasi kuma fila qof aan ehel iyo asxaab midna ku lahayn dalka ingiriiska in uu iska bixiyo kharashaadkiisa iskugu jira seexashada hudheelka iyo cuntadiisa,tani waxay ka mid tahay sababaha loogu diido VISA-ha,

u fiirso safaaradda ingiriisku iskama diido ee qof kasta waxay soo raacisaa waraaq faahfaahin ah oo ay ku cadahay sababta loogu diiday,weliba waaraqdaasi ma jirto qof kaliya oo dadka loo diiday ka mid ah oo la siiyey balse waxa waraaqahaasi qariya masuuliyiinta safaaradda Somaliland ku leedahay caasimadda itoobiya ee Addis Ababa waxana masuuliyiintaasi kow ka ah Safiir ku xigeenka Ayaanle Salaad Diiriye,waxana uu u yidhaahdaa masuuliyiinta qaranka ee VISA-ha loo diiday way ku diiday safaaraddu VISA-ha oo kaliya.

Akhriste u fiirso dhamaan masuuliyiintan loo diiday maaha qaar loogu diiday dhaqaale yaraaan ama(low income) balse waxa loogu diiday waxa weeyi shaqo xumi iyo xilkas la’aan haysata masuuliyiinta safaaradda Somaliland iyo aqoon daro iyaga laftigooda haysata habka loo buuxiyo foomka,iyadoo iskaga nasiibiya buuxinta foomka,akhriste u fiirso dhibaatadani waxay bilaabantay wixii ka danbeeyey markii uu xilka safiirnimo iska casilay Adan Nuux Dhuule iyo Aqoonyahankii  Ciise Cabdi Ismaaciil ee Buuxi Jiray oo ka tegay shaqadii uu safaaradda u Hayey oo hada ku nool dalka ingiriiska,hadaba xiligaasi maxa dhacay,wakhtigaasi waxa jira qof kasta oo reer Somaliland ah oo doonaya VISA-ha dalka ingiriiska waxa waraaq rasmi ah raaci jiray codsiga qofka dalbanaya VISA-ha safiirkii wakhtigaasi Adan Nuux Dhuule waraaqdaasi oo ay ku cadeyd Recommendation Letter oo cadeynaysa in qofkaasi yahay masuul ka socda Somaliland isla markaana safaaraddu ay damaanad qadayso masuuliyadda qofkaasi,wakhtigaasi muu jirin qof kaliya oo loo diiday,waxa kale oo jiray ninkaasi lagy magacaabo Ciise Cabdi Ismaaciil in ay safaaraddu u tababartay habka loo buuxiyo foomamka.

Masuuliyad darada safaaraddu waxay sababtay in masuuliyiintii qaranku waji gabax kala kulmaan inay ku hamiyaan inay farxadaha iyo xusaska waaweyn ee 18 may iyo 26 june ay kala qayb galaan dadkooda ku nool qurbaha,iyadoo mushkiladda weyn ee ay sameeyaan masuuliyiinta safaaradu ay tahay iyago dadka VISA-ah doonaya ku yidhaahda marka foomka la xeraynao ku dara basaboorada,u fiirso oo sharci maaya in qofka laga xereeyo BASABORKA laakiin waa cadibaad masuuliyiinta safaaraddu ugu talo galeen dadka doonaya VISA-ha waayo marka qofka laga xereeyo VISA-ha dee waa in uu sugo ilaa inta lo soo jawaabayo ileyn dalkii kama bixi karo,e marka waa khaladaadka masuuliyiinta safaaraddu ay ka galaan dadka, sidoo kale arimahani waxay sameyn ku yeelatay inay dhankoodana niyad jabaan qurba-joogta Somaliland ee u ololeeya aqoonsiga Somaliland ee beesha caalamka ,iyadoo sidoo kalena uu hoos u dhacay xidhiidhkii safaaradda Somaliland ay la lahayd safaaradda ingiiriska ee Addis Ababa.

Talo Soo Jeedin:

Akhrsitayaal anigoo aan ujeedo kale ka lahayn qoraalkan balse kaliya ay ujeedaydu tahay toosinta maamu xumada ka jirta safaaradda Somaliland iyo khaladaadka hore u dhacay waxaan soo jeedinayaa oo aan ugu baaqayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) madaama oo uu qaranka ka masuul yahay in uu hoos u eego masuuliyad darada weyn ee ku dhacday safaaradda Somaliland ku leedahay Addis Ababa,waxana muhiim ah in la sameeyo xafiis u gaar ah dadka doonaya VISA-ha isla markaana qof aqoon yahan ah lo magacaabo oo weliba lagu tababaro hanaanka foomamka loo buuxiyo,sidoo kale waa in diwaan loo sameeyaa dadkii hore loogu diiday iyo kuwa danbe si ugu yaraan dawladda Somaliland ashkato u hor dhigto dawladda ingiriiska,in sare loo qaado aqoonta shaqaalaha hada jooga safaaradda oo u muuqda qaar aysan dhisneyn aqoontoodu,in qorshe sax ah lagu maamulo safaaradda.

Qore: Rashiid Axmed Ismaaciil(Rashiid Rashto)

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews