berberatoday.com
Madaxweyne Siilaanyo Oo Lagu Qanciyey In Uu Meel Mariyo Ruqsadii Uu Bixiyey Wasiirkii Uu Xilka Ka Qaaday Ee Xadhiga Internet viper Optic Badda La Soo Dhigay
May 7, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Shirkadda Isgaadhsiinta Telesom ayaa si rasmi ah ugu Guulaysatay inay hesho Ogolaanshaha Adeega Internet-ka badda hoostiisa mara ee G2A, kadib markii ay dhawaan keeneen Markab Sahamin ah oo dhawaan soo dhigi doona xadhiga sida Internet-ka xawaarihiisu dheereeyo, kaasoo ay ka faa’iidaysan doonaan dalalka Somaliland, Ethopia iyo Maamul Goboleedka Puntland.

tel

G2A-Consortium-MembersGuusha shirkadda Telesom ka gaadhay mashruucan waxa u sahlay xirfadda iyo waayo aragnimada ay u leeyihiin Adeegyada Isgaadhsiinta ee ay shirkaddu muddada dheer ku soo jirtay, iyo iyadoo Heshiiska ay la gashay shirkadaha Omantel oo ah shirkadda Isgaadhiista Qaranka ee dalka Cummaan iyo shirkadda kale ee Xtra Communications Inc. oo ah shirkadda iibisa adeegyada iyo qalabka isgaadhsiineed ee xarunteedu tahay dalka Maraykanka taasoo ka dhigaysa inay suurtogalinayso Internet-ka ugu baaxada weyn barriga Afrika.

Dedaalka shirkadda Telesom waxa uu ahaa mid muuqda tan iyo markii Xukuumadda Somaliland iyo Golaha Wakiiladdu Ansixiyeen in Kooto loogu xidho shirkadda SOMCABLE adeega Internetka loo yaqaano Fibre Optic-ga, kaasoo markii ugu horaysay ay shirkadaasi ka hirgalisay Hargeysa isla markii Ruqsada loo siiyey-ba, hase yeeshee Telesom mar-na kamay caajisin inay iyana si uun ku suurtogaliso inay jabiso Heshiiska ay Xukuumadda Somaliland kula gashay mudada 25-ka sano ah.

Telesom iyadoo kaashanaysa shirkadaha  Ethio Telecom iyo Golis Telecom oo itoobiyna iyo Puntland ka kala jira waxay horaantii sanadkan shaaca ka qaadeen inay sanadkan suurtogalinayaan inay Dalka Cumaan ka soo qaadanayaan Fibre optic-ga, waxaanay balanqaadkoodaas kaga dhabeeyeen toddobaadkii hore kadib markii Markab kuwa Sahanka oo laga leeyahay Dalka Imaaraadka Carabtu uu soo gaadhay biyaha Badda Berbera, kaasoo ay ku baraarugeen qaar ka mid ah masuuliyiinta Xukuumadda Somaliland iyo Dawladda Jabuuti, waxaana mar kaliya Oogsaday khilaaf huursanaa oo ka dhex qarxay Xukuumadda Somaliland iyo shirkadda SOMCABLE, kaasoo ku so oaf-jarmay in xilka laga qaado Wasiirkii Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland iyo Taliyihii ciidanka ilaaladda Xeebaha.

Hase yeeshee tan iyo markii uu qarxay eelkii qarsoonaa ee ay xukuumadda Somaliland qarsanaysay waxa soo baxaya in Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Ogolaansho rasmi ah siiyo shirkadda Telesom, kadib markii la ogaaday inay xukuumadda Somaliland qayb ka ahayd imaashaha Markabkan, isla markaana la danbabasay baaqiga kooxdii qaybta ka ahayd inay Telesom si sahlan ugu Guulaysato qorshaheeda.

Sababaha xilka qaadista labada masuul ayaa loo aanaynayaa inay ahayd talaabo lagu soo af-jarayey in Eedo gasho meelo kale, hase yeeshee waxa cad in ay qoorta u dhigteen suurtogalinta mashruuca Telesom oo muddo dheer laga soo shaqaynayey.

 

Wasiir Abgaal waxa la sheegayaa in uu sifo sharci ah u maray siinta Ruqsada ay Telesom ku keentay Markabka, isla markaana uu la tashaday Garyaqaanka Guud ee qaranka kaasoo meesha ka saaray sharcinimada Kootadii Golaha Wakiiladda, halka Taliye Xiirane oo fuliyey Amarka wasiirka, isla markaana uu hor istaagay amarkii la faray ee ahaa in uu soo xidho Markabka, kaasoo haddii uu fulin lahaa Somaliland ku keeni lahaa jahawareer siyaasadeed oo cagta galiya Dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta oo qayb ka ah mashruucan.

Inkasta oo su’aalo badan la iska weydiinayo halka ay sartu ka qudhuntay iyo waliba saamaynta uu mashruuca Telesom ku yeelan doono Mandaqada, hadana waxa muuqata cida uu saamaynta ugu xun ku yeelanayaa inay tahay shirkadda SOMCABLE iyo mataankeeda Jabuuti, hase yeeshee waxa soo baxaya ifafaale sheegaya Jabuuti inay mar walba la socotay xaaladda isla markaana ay olole kale ugu jirtay inay iska caabido awood sheegashada Telesom.

Shirkadda Isgaadsiinta Jabuuti waxay bilowgiiba heshiis kale la gashay shirkaddo ay ka mid yihiin Telesom, Somtel iyo shirkaddo kale, kuwaas oo ay ku midaysay hindisaha shirkadd kale oo la yidhaa DARE, kaasoo ay gadh-wadeen ka tahay isla markaana ay tartan kula gali doonto Adeega Fibre Optic-ga.

Shirkadda Isgaadhsiinta Jabuuti waxay ilo wareedyadu sheegayaan halkii ay kaga gorgortami lahayd muran iyo khilaaf dhex mara dhigooda Telesom, Ehtio Telecom iyo Golis Telecom, inay kulan deg deg ah kooxdeeda ugu qabatay caasimadda Jabuuti, si ay iyana dhinacooda u dar-dar galiyaan inay keenaan xadhig ka weyn kii hore ee SOMCABLE.

Tartanka shirkaddahan oo u muuqda kuwo kala ololaysanaya, hadana dhinac wax u wada wada ayaa saaxadda ku soo kordhinaya Adeeg ay mandaqadu in badan u haraadanayd oo ah Internet-ka xawaarihiisu dheereeyo, kaasoo wax ka tari doona baahida ay kaga dib dhacsan yihiin dunida horumarka ka gaadhay Isgaadhsiinta casriga ah.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews