berberatoday.com
Taliyihii Booliska Qaybta Gobolka Sanaag Ee Puntland Oo Isu Soo Dhiibay Dawladda Somaliland Iyo Tibaaxo Weriyey In Loo Ballanqaaday Mansab Kalsooni Leh
May 7, 2016 - Written by Berbera Today

Gaashaanle Sare Axmed Siciid Maxamed (Axmed Gegoroor) Iyo Guuto Uu Hor kacayo oo Khamiistii dorraad isa soo dhiibay, Habeen Horena Burco U Hoyday, Xalayna Hargeysa U Soo Guureeyey

newsCeerigaabO(Berberatoday.com)-Ciidamo ka soo goostay maamul goboleedka Puntland ee Somalia, ayaa isku soo dhiibay Somaliland, kuwaas oo uu hogaaminayo Gaashaanle Sare Axmed Siciid Maxamed (Axmed Gegoroor) oo ahaa Taliyihii Booliska maamulkaasi ugu magacawnaa Gobolka Sanaag.

Ciidanka ka soo goostay maamulka Puntland, ayaa maalintii Khamiistii ina dhaaftay isku soo dhiibay maamulka Gobolka Sanaag ee Somaliland, kuwaas oo la sheegay in ay  ciidan badan yihiin, isla markaana uu wato Axmed Gegoroor, kaas oo ciidanka uu wato kaga yimid deegaanka Xiingalool ee bariga sanaag, isaguna uu soo gaadhay magaaladda Ceerigaabo.

Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Axmed Cabdi Jaamac Falaay iyo Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Sanaag, ayaa Ciidanka oo   sheegay in ay dhinaca Hargeysa u soo wadaan Sarkaalkan hogaaminaya ciidanka isku soo dhiibay Somaliland, kuwaas oo la sheegay in ay habeen hore soo gaadheen magaaladda Burco oo ay u soo dhaafayaan dhinaca magaaladda Hargeysa oo ay ku soo jeedaan.

Gaashaanle sare Axmed Gega roor, ayaa  wararka ay sida ay xalay baahisay  Somalilandrise.com oo wargeyska HUBAAL warkan kasoo xigtay  tibaaxo aan sugnayni weriyeen in dawladda Somaliland u ballanqaaday xil sare in loo magacaabo, kaasi oo aan la xaqiijin nooca xilkaasi yahay iyo halka uu noqon doono, wallow ay tibaaxahani weriyeen in aanay ka durugsanayn deegannada gobolka Sanaag, lagana yaabo in loo dhiibo xilka taliyaha qaybta booliska ee bariga Sanaag.

 

 

Xigasho Hubaal

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews