berberatoday.com
Gudoomiye Cali Guray Oo Ka Hadlay Wareejinta Berbera Oo Qalinka Lagu Duugay”..Sida Loo Wareejiyo Hantida Dadwaynuhu Waa Isku Mid Goor Madow Meel Madow Dilaal Madow Xaaraan Madow”Cali guray
May 9, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-gudoomiye ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga Ucid muj. Cali guray ayaa khiyaamo qaranka ku tilmaamay wareejinta dekedd Berbera oo wararka laga helaayo waftiga madaxweyne siilaanyo sheegaya inuu qalinka ku duugay wareejinta dekedda berbera oo laga kireeyey shirkad laga leeyahay dalka imaaraadka oo magaceeddana lagu sheegay DP Wald. Muj Cali oo qoraal uu soo saaray waxa uu ku Yidhi.
“.. Waxay u dhawdahay in saxeexani yahay kii mashaariicda horumarinteed eh kii wareejinta dekeddu mee yaase saxeexay ma Madaxwaynaha mise Maareeyaha Dekedda tollow. Sidaa  loo wareejiyo hantida dadwaynuhu waa isku mid goor madow meel madow dilaal madow xaaraan madow hunuhunuu iyo hadal madow. Mee dhulkii iyo guryihii dadwaynuhu? Bal soo arag Xaafadda Booli Qaran ee Indian linekii hore. Goor la kala qaatay iyo meel lagu kala qaatay yaa ogaa? Waleese amma la iskaga daba teg oo waxay noqon Halkii daabac lala maray hadaan raacdo dabagelin ama Allayleh docdeenii ha goblamo dadwaynuhu. Imika arinkani maaha hadba sida ay danta dadwaynuhu ku jirto ee waa hadba siday ugu badinayso Wiilka Sodoga loo yahay ee Imaaradka la dhigtay iyo cidda dhigatay. Waxay maraysaa:
HAL LA QALAY RAQDEEDAA
LAGU SOO QAMAAMOO
LABA WALIBA QAYBTEED
QORAXDAY KU DUBATEE
QALALAASIHIIBA
RUUXBA QURUB HALEELEE
QOSOL WUXU KA JOOGAA
QUBANAHA DAMBEEYEE
WELI QABA HAMUUNTEE
BUURAHA QOTADA DHEER
KA ARKAAYA QIIQEE
Garo oo waa daba goosigii ugu dambeeyay
NIN QATAABSADA
NIN QADHAAB HELA
NIN ISKABA QADA
HA LA QALABSADO
Yaa isu joojinaya”?.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews