berberatoday.com
War Deg-deg Ah”Madaxweyne Siilaanyo Oo Dekedii Berbera Ka Iibiyay Shirkad Maafiya Ah Iyo Muuse Biixi Oo Goob Joog Ahaa Halka Lagu Xaraashayay Marsadii Berbera+Xaalada Ka Dhalan Karta
May 9, 2016 - Written by Berbera Today

13092052_961965847250602_956566582351885132_nDubai(Berberatoday.com)-wararka laga helayo waftiga Madaxweynaha Somaliland ee ku sugan dalka imaaraadka carabta ayaa lagu soo waramayaa inuu saxeexay wareejinta dekeda Berbera, iyaddoo la sheegay in lagu wareejinaayo Shirkad laga leeyahay dalka imaaraadka oo lagu magacaabo Dubai World oo aan cago adag ku taagnayn laguna tilmaamo inay tahay shirkad ay leeyihiin maalqabeeno mukhaadaraadka ka shaqeeya oo maafiya ahi.

Sidoo kale dhinaca Somaliland ayaa wareejinta dekeda ee shirkaddan shisheye waxa dhinac ka ahaa oo goob joog ahaa Musharraxa xisbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo saxeexay ku duugay iyo wiilka uu Madaxweyne Siilanyo sodoga uyahay ee ah wakiilka somaliland ee dalka isutaga imiraatka carabta Baashe Cawil(Baashe Morgan)

 Kulanka madaxwaynaha iyo boqorka Imaaraatka Sheikh Khalifa bin Zayed  ayaa goobta uu heshiiska ka dhacay waxa dhinaca somalland goob joog ka ahaa wasiirka arimaha dibada Dr Sacad Cali Shire  Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi Maareeyaha Dekeda Magaalada Berbera Eng Cali Xoor Xoor iyo Safiirka Somaliland ee Dalka Imaaraatka Carabta Baashe Morgan oo Madaxweyne Siilanyo sodg uyahay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in madaxwaynaha iyo waftigiisu Dekeda Berbera kireynteeda kasoo qaateen lacag dhan 30,000000 $ Sodon Milyan oo lacagta mareykanka ah waxaanay sheegeen masuuliyiinta shirkada Dekeda Berbera laga xaraashay inay Dekeda Berbera galin doonaan 50,000000 $ konton milyan oo lacagta doolarka maraykanka ah Sadex sanadood kadib hadiiba uu heshiisku hir galo, Sadexda Sanadooda ayaa la sheegay inay shirkada Dekeda laga iibiyay darsi doonto qaabkii ay shaqaalaha faraha badan ee Dekeda ka shaqeeya ay meesha uga saari lahayd iyada oo ugu horeyn keeni doonta qalabka wax roga waxna rara ee loo yaqaano badhaha oo meesha ka saari doona shaqaalaha Muruqmaalka ah ee Dekeda Berbera oo dhamaantood meesha ka bixi doona sidoo kale waxa iyagana gabi ahaanba laga dareerin doonaa Dekeda shaqlaaha Pirolka ah ee ka shaqeeya afiisyada iyada oo la sheegay in heshiiska ay ku jirto in ay shirkadu keensan karto shaqaale hindiya oo xafiisyada uga shaqeyn doona.

Heshiiska laguma cadayn mudada uu heshiiskaasi shaqayn doono waan ala qariyay waxse ay warar xogogaali sheegayaan in mudo 20 sanadooda ka badan la qoodeeyay inay Dekeda Berbera shirkadaasi haysato maamulkeeda iyo maalka ka soo baxaba.

Waxa ilaa shalay ilaa caawa laga dareemayaa magaa;lada Berbera dhaqdhaqaaq lagu diidanm yahay iibinta Dekeda Berbera iyada oo habeenkii xalayna ay shaqaalaha muruqmaalka ah ee dekeda Berbera shaqo joojin sameeyeen iyaga oo diidan in Dekeda Berbera saylad la dhigo oo la iibiyo waxaana laga yaabaa inay arintani ay keento kacdoon dadweyne oo guud ahaan Gobolada dalka ka dhaca.

13178613_961965657250621_1122337768176403836_n

cali x

13124865_961966387250548_1125901046452672659_n

13178967_961966273917226_5444834713104108241_n

13178613_961965657250621_1122337768176403836_n

13166089_961965977250589_389522465066758733_n

13165838_961966490583871_6758428503568852845_n

13166070_961966410583879_264452955546677499_n

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews