Daawo Muuqalka”Shirkada Daabacad Casriga Ah Ee Salgal Jet Oo Xarun Weyn Ka Furatay Berbera Iyo Shacabka Reer Saaxil Oo Baahi Weyn Uqabay
May 10, 2016 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Shirkada Casriga ah ee Sagaljet ayaa ka furtay Xarun weyn oo dabooli doonta baahidii dhinaca Dabacada kala duwan ee Berbera amaba Guud ahaan Gobolka Saaxil.
Habeenkii Xalay ayaa xaflad balaadhan loogu qabtay daahfurka shirkada Daabacada Sagaljet hoolka shirarka ee Yovenco waxaana kasoo qeyb galay Masuuliyiinta Heer Gobol, Heer Degmo iyo Maamulka Sare ee Dekeda Berbera iyo waliba marti sharaf kaloo aad utira badan oo kamida shacabka reer Berbera iyo ganacsatada kala duwan.