berberatoday.com
Wasiirka Ganacsiga Iyo Maalgashiga Caalamiga Oo La Kulmay Wefti Ka Socda Baanka Adduunka
May 11, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Iyo Maalgashiga Somaliland Eng Xuseen Aadan Cige ayaa xafiiskiisa  ku qaabiley wefti ballaadhan oo ka socday Baanka Aduunka (World Bank), oo ujeedadiisu tahay sidii uu wax ula qaban lahaa wasaaraddani.

shirka3Shirka 1Weftigan ka socday baanka adduunka ayaa waxa uu ka koobnaa khubaro iyo aqoonyahanno ka tirsan World Bank oo u kuur galayey sidii Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga looga taageeri lahaa xagga Aqoonta iyo Adeegsiga ICT-ga iyo sidii loo hirgelin lahaa loona  taabo gelin lahaa xarunta Diwaan-gelinta Adeega Ganacsiga ee Wasaaradda (One Stop Shop Business Registration). Mashruucani wuxuu  wax weyn  ka tari doonaa horumarinta  hawlaha ay Wasaaraddu Qaranka uga masuulka tahay, gaar ahaan xagga fududaynta Adeegyada Ganacsiga iyo Xeerarka Maalgashiga kuwaasoo lagama maarmaan u ah Maalgashiga Caalamiga ah ee uu dalkeenu u baahan yahay.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga wuxuu warbixin faahfaahsan weftiga World Bank-ka ka siiyey goobta isteraatijiga ah ee ay Somaliland ku taallo taasoo ah marrinka ugu muhiimsan ee uu maro Ganacsiga Caalamku. Wasiirku waxa kale oo uu ka weftiga ka socday Baanka Adduunka uga warramay fursadaha ganacsi ee dalka ka jira iyo  khayraadka dabiiciga ee dalka ceegaaga ee u baahan in la Maalgashado. Sidoo kale Wasiirku wuxuu ka warramay heerarka ay JSL soo martay iyo caqabadaha ay ka soo gudubtay iyo sida ay JSL haatan diyaarka ugu tahay uguna  baahan tahay xidhiidh ganacsi iyo mid Maalgashiba. Kulanka uu Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashigu la yeeshay Baanka Adduunka waxa ku wehelinayey Agaasimaha Guud, Agaasimaha  waaxda Ganacsiga iyo Agaasimaha waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda. Kulanka ayaa wuxuu ku soo dhamaaday is-afgarad ay labada dhinac isla qaateen in Mashruucan loo bilaabo sida ugu dhaqsaha badan leh ee ugu macquulsan.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews