berberatoday.com
Heshiiska Dubai: Bilowga Kala Mudhuxsiga Danaha Somaliland Iyo Jabuuti, Cadhada Geelle, Farxadda Boore Iyo Daymadda Itoobiya
May 12, 2016 - Written by Berbera Today

Heshiiska Dubai: Bilowga Kala Mudhuxsiga Danaha Somaliland Iyo Jabuuti, Cadhada Geelle, Farxadda Boore Iyo Daymadda Itoobiya

“DP World iyo Cabdiraxmaan Boore oo qaaday talaabo halis ku ah Ismaaciil Cumar Geelle”

Dubai iyo Kulankii xalay ee ganacsade Boore iyo Xubnaha Weftiga Somaliland

Maxaa la saxeexay? Xukuumaddu maxay sheegtay? Maxaa qarsoon?  doorka uu ku lahaa Cabdiraxmaan Boore waa noocee?

 

Hargeysa(Berberatoday.com)-Ganacsadaha reer Jabuuti ee Cabdiraxmaan Boore oo ay aad isu hayaan Madaxweyne ismaaciil Cumar, isla markaana dhawaan kaga guulaystay xukuumadda Jabuuti dacwad ay ka garnaqaysay maxkamad ku taala Ingiriiska, ayaa la sheegayaa inuu gacan wayn ku lahaa heshiiska ay Dubai ku kala saxeexdeen Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadda DP World. Sidoo kale heshiiskani wuxuu durba sababay isbedel ku yimi xidhiidhkii labada xukuumaddood ee somaliland iyo Jabuuti.

Mar wax laga waydiiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacad Cali Shire jiritaanka warkaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi;  “Heshiiska waxa wada galay Somaliland iyo shirkadda Dubai World, heshiis cid kale khuseeyay muu ahayn. meeshu dee Huteel bay ahayd, qof walibana wuu iman karraa, waxaanan aad iyo aad ugu kalsoonahay, rajaynayaana inaga iyo Jabuuti xidhiidhka inaga dhexeeya oo ah runtii mid qaali ah oo taariikhi ah in aanuu waxba yeelayn.” Maareeyaha Dekedda Berbera Cali Xoorxoor oo isna BBC wax ka waydiiysay in Cabdiraxmaan Boore lug ku lahaa heshiiska ayaa isna sheegay in ay heshiis la galeen shirkadda DP World, balse aanuu arag meel Cabdiraxmaan Boore heshiis lagula galay iyo meel uu ugu yimi toona.

Jawaabahaa  kooban ee Wasiirka iyo Maareeyaha Dekedda ka sokow wargeyska Indian Ocean ayaa faafiyay war uu cinwaan uga dhigay, “DP World iyo Cabdiraxmaan Boore oo qaaday talaabo dhan ka ah Ismaaciil Cumar Geelle.”

Dhanka kale talaabadan xukuumadda Somaliland qaaday ee ay heshiiska kula gashay DP World ayaa xukuumadda Jabuuti u aragtaa mid halis ku ah, isla markaana waxa durba soo baxaya warar tusmaynaya in Jabuuti si wayn uga cadhootay heshiiskaa. Sidoo kalena ay bilowday dagaal diblomaasiyadeed oo dhan ka ah Somaliland, una aragto in Somaliland soo dhawaysay cadawgeedda, gaar ahaan Cabdiraxmaan Boore oo ah ganacsade dibad meer ka ah jabuuti tan iyo markii uu ka baxsaday dalkiisana dagaal adag oo dhan kastaba ahi uu ka dhexeeyo Ismaaciil Cumar Geelle.  halka dhanka Somaliland ay dadka ka hadlay qaarkood u soo dhaweeyeen heshiiskan sababo la xidhiidha Jabuuti buu lid ku yahay. Dhanka kale siday tibaaxeen xoggo uu wargeyska Ogaal ka soo xigtay illo ku sugan Dubai, Ganacsade Boore oo hore gadhwadeen uga ahaa heshiiskii Jabuuti iyo DP World ku kala laabteen ee cadaawada dhexdooda ka abuuray, ayaa la tilmaamay inuu heshiiskan cusubna door wayn ku lahaa, isla markaana waxay ilahaasi tibaaxeen in xubnaha weftiga Somaliland ee weli ku sugan Imaaraadku ay kulan la yeesheen xalay ganacsade Boorre, siiba Gudoomiyaha Kulmiye iyo xubno wasiiro ah. Hase yeeshee ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya jiritaanka kulankaa iyo warar si toos ah iyaga uga soo baxay toona.

Cabdillaahi Geeljire oo hore wasiir uga ahaa xukuumadda Siilaanyo, haatana ka mid ah siyaasiyiinta muxaafidka ah ayaa isna hadal uu siiyay warbaahinta ku sheegay, in reer Somaliland ay aad uga xumaadeen qaabkii Jabuuti loogula dhaqmay hab maamuus ahaan madaxweynaha Somaliland hoolkii foolladaynta Ismaaciil Cumar Geelle gudihiisa. Sidoo kale masuuliyiin xilal ka haya xukuumadda Somaliland ayaa laga dareemayay in khilaaf hor lihi ka dhex curtay Somaliland iyo Jabuuti.

Dhanka kale aragtida Itoobiya ee la xidhiidha heshiiskan ayaa warar ay faafiyeen shabakadaha wararka internetka ee afsoomaaliga ku warama qaarkood sida somalilandtoday, tibaaxeen inay tahay mid togan, isla markaana ay Itoobiya lafteedu la gashay Imaaraadka heshiis kaabaya kan ay wada galeen Somaliland iyo UAE. Sidoo kale  Maareeye Cali Xoorxoor oo BBC wax ka waydiisay bal inay iska hor imanayaan heshiiskii ay dhawaan Somaliland la gashay Itoobiya oo ku saabsanaa isticmaalka Dekedda Berbera iyo in kale wuxuu xusay, in aanay iska hor imanayn ee uu sii kaabayo uun sidii dekedda Berbera awood ugu yeelan lahayd adeegga Itoobiya.

Maxaa la saxeexay? Ka hor saxeexa maxaa dhacay? Weftiga Somaliland ee Imaaraadka tegay miyay isku qabteen xaajadda? Haday isku qabteen maxaa laysku qabtay? Wixii laysku qabtay maxaa lagaga heshiiyay? xaqiiqadda heshiisku waa noocee? Xukuumaddu maxay sheegtay? Maxaa qarsoon? , doorka uu ku lahaa Cabdiraxmaan Boore waa noocee? doorkuu ku lahaa Baashe Cawil waa noocee? lacagta xaqu qalinka ee la qaatay jeebkay ku dhacday?, waqti intee le,eg buu ku fuli karaa?  faa,iiddada uu u yeelan karo dalku maxay tahay? Su,aalahaa iyo qaar kale oo badaniba waxay qayb ka yihiin waydiimaha jawaabtoodu weli laalan tahay ee ka shaafiyaya dadka ogaanshaha runta,  iyo  wuxuu Ogaal ku eegi doonnaa falanqaynta cadadyada dambe hadba wixii ka soo kordha mawduucan.

 

 

 

 

Xigasho Ogaal

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews