berberatoday.com
Madaxweyne Siiraanyo Iyo Muqarabiintisii Oo Wali Dubai U Jooga Kala Basrinta Lacgtii Xaqul Qalinka Iyo Masuuliinta Shirkadii Wax La Kala Saxeexday Oo Durtaba La Yaabsan Musuqmaasuqa Baashe Morgan
May 12, 2016 - Written by Berbera Today

13133323_961966530583867_2248822669333138181_nDubai(Berberatoday.com)-Madaxweyne Siiraanyo oo ay weheliyaan xaaskiisa Aamina Waris , wiilka uu soddoga u yahay ee Baashe Cawil iyo  intii muqarabiinta qoyska madaxtooyada aheyd  ayaa wali ku sugan magaaladan Dubay si ay u kala habeeyaan lacagtii 15-ka milyan ee doolar ee ay shirkadd Dubai Ports World u bixisay xaqul qalin ahaan ka dib markii ay maalinti doraad heshiis ay kula wareegayaan maamulka dakedda Berbera la saxeexdeen dawladda Somaliland.

Wafdiga madaxweynaha oo Dubay soo gaadhay Axaddi dhaweyd si ay uga qaybgalaan xafladii saxeexidda heshiiska ayaa waxa ka soo horeeyey oo Dubay sii joogay wasiirada Madaxtooyada, Maaliyadda,Khaarajiga iyo Qorsheynta iyo waliba Agaasimaha Dekadda Berbera iyadoo sadexda magacyadoodu u dambeeyaan ay shalay dalka ku soo laabteen.

 

Aamina Waris iyo wiilka ay sodohda u tahay ka sakow waxa iyaguna diyaaraddi madaxweynaha Dubay keentay la socday Guddoomiyaha Kulmiye iyo labada wasiir ee Duulista iyo Xanaanada Xoolaha oo aan ilaa hadda la ogeyn muraadka ay u yimaadeen Imaaraatka.

Wararka ka soo baxaya shirkadda DPW ee martida loo yahahay ayaa tibaaxaya in durtaba uu Baashe Cawil ka codsaday inay isaga u dhiibaan  shantii milyan ee $ ee lacagtii xaqul qalinka looga qoondeeyey in lagu soo iibiyo Taagga jiidaa maraakiibta iyadoo uu Baashe qaar ka mid ah masuuliinta shirkadda  faq ugu sheegay inuu Taagga ku heli karo 2 milyan $ isagoo soo jeediyey in macruuf loo sameeyo si uu sadexda milyan ee hadhayna u qaato maa daama uu shakhsiyan qayb libaax ka qaatay dadaalkii suuragaliyeye heshiiska dhex maray Somaliland iyo DPW.

Sida aanu war sugan ku helnay masuuliimta shirkadda DPW ayaa gaashaanka u daruuray soo jeedintii Baashe Cawil ula yimid iyadoo ay u sheegeen inay khibrad iyo aqoon badan u leeyihiin  arimaha dekadaha iyo hawlaha maraakiibta oo ay iyagu gacantooda ku soo iibin doonaan Taag casri ah oo u la isku halayn karo.Hasa yeeshee markii uu Baashe Cawil taas ku qanci waayey ayaa masuuliintii shirkaddu cabasho gaadhsiiyeen ganacsadaha caanka ah ee Cabdiraxmaan Boore oo la taliye uu ah DPW waxaanay wafdiga u fareen in shirkaddu ogolayn in loola yimaaddo arimo musuqmaasuq .Waxase hadal ka jooga sida loo kala xasaysan doono tobanka milyan ee hadhay ee wafdiga gacanta laga saaray.

 

 

 

Xigasho Haatuf.net

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews