berberatoday.com
Qoysas Ku Dhaqan State-House-ka Hargeysa Oo Guryahooda Daad Buux Dhaafiyey, Carruurta Oo Loo Daad-gureeyay Jaararka Iyo Xaaladdooda
May 12, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Qaar ka mid ah Qoysaska Danyarta ah ee ku dhaqan Xaafadda State-House-ka ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa soo waajahay Duruufo Nololeed oo qalafsan, ka dib markii Guryahii ay ku noolaayeen ay Daadadka ka dhashay Roobabka Gu’ga ee Sida xidhiidhka ah uga Da’aya Hargeysa.

Warka State-house-kaQoysaskan oo Warbaahintu booqatay, ayaa sheegay inay ku sugan yihiin Xaalad Adag, maaddaama oo iyaga oo horeba noloshoodu u hooseysay Guryihii Cooshadaha ahaana Roobabku ka waxyeeleeyeen, isla-maraana qaarkoodna uu burburiyey, qaarkoodna Daadadku ugu galeen Xilli Carruurtu huruddo, taasi oo keentay inay Baro-kacaan.

Canab oo ka mid ah Hooyooyinka Xaafadda ku nool oo Saxaafadda la hadashay, ayaa ka warantay dhibaatada haysata Dadka halkaa ku dhaqan, “Xaafaddan waxa ku nool dad jilicsan oo aan waxba haysan, waxa la yidhaahdaan xaafadda isku raranta, roobki Doraad da’ay guryo badan oo ay deggen yihiin dad jilicsan ayuu ka galay, qaar baa dadkii guryihii dhex fadhiya oo soo kici kari waayay oo biyihii dhex fadhiy, qaarna waa kuwaa dibadda u soo baxay.”ayay tidhi, waxayna intaa ku dartay inay jiraan Dad aan Guryahooda Saddexda Wakhti Waxba Dabka saaran, “Dadkani waxba haystaan, awood ay wax ku qabsadaana ma laha. Wallaahi Guryaha qaar oo dad jilicsani ku nool yihiin ayaan saddexda wakhti midna dabkooda waxba saaran. Laakiin Alle ayay leeyihiin.”

Xaliimo oo ka mid ah Hooyooyinka uu guryahoodii daadku galay, ayaa iyada oo ilmo-yar dhabta ku haysa ka warantay Xaaladda ay ku sugan yihiin, waxayna tidhi, “Xalay (Habeen hore) maanu seexinno oo aanu jiifsano, sidiibaan u soo jeednaa, Waayo? Guryahayagii daadbaa galay oo Dhoobaa ka buuxda, sidaa daraadeed, Dawladda waxaanu leenahay noo soo gurmada oo gurmad na soo gaadhsiya waxaanu nahay dadkiina oo jilicsan ayaanu nahaye.”

Hooyadan oo hadalkeeda sii wadata, ayaa sheegtay, “Carruur Xalay (Habeen hore) jaarka ayaanu seexinay.” Ayay tidhi.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews