berberatoday.com
Xukuumadda Oo Ka Hadashay Shir Dareen Dhaliyey Oo Maalmihii U Dambeeyay Ka Socday Badhan & Soddomeeyo Askari Oo Ka Soo Goostay Maamul-Gobolleedka Puntland
May 12, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Somaliland, ayaa ka hadashay Shir dareen dhaliyey oo Maalmihii u dambeeyay ka socday Degmada Badhan ee bariga Gobolka Sanaag, kaasi oo ay qayb ka ahayd dhismaha Maleeshiyo-beeleed doonaya inay si gaar ah isku maamulaan.

Warka BadhanShirkan oo u dhacay Hab-beeleed, hasa-yeeshee la sheegay inay Weheliso Siyaasad laga hagayo Magaalada Muqdisho, ayaa Xukuumadda Somaliland oo Warbaahintu wax ka waydiisay sheegtay inaanu shirkaasi ahayn mid waxyeelaya Nabadgalyada Somaliland, maaddaama oo Ciidamo Milletariga Somaliland ahi ku sugan yihiin Badhan.

Wasiir ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye oo Shalay Saxaafaddu waydiisay waxay Xukuumaddu Shirkaasi kala socdaan, ayaa ku jawaabay, “Shirarka Badhan ka socda Uma Aragno inay Somaliland wax yeelanayaan, Badhana Ciidan baa noo jooga, Maamul baa jooga, markaa ilaa hadda wax Somaliland wax yeelaya ma aragno..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, oo uu ka hadlay Ciidamo dhawaan ka soo goostay Maamul-gobolleedka Puntland, kuwaasi oo uu sheegay inay Hargeysa soo gaadheen, “Ciidankaasi waa Ciidan diiday Maamulkaa (Puntland) siday doonto ha u dhacdee, markaa Hargeysa ayay inala joogaan.”

Ciidanka Puntland ka soo goostay, ayaa Tiradooda lagu sheegay Taliye iyo Soddomeeyo Askari oo Hubkoodii sita, inkasta oo aan la ogeyn Dawladda Somaliland Hub ka dhigis ku samaysay, Maaddaama oo ay Caasimadda ku sugan yihiin sida uu Wasiir ku-xigeenka Amnigu sheegay.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews