berberatoday.com
Xukuumadda Somaliland oo Si Adag Uga Jawaabtay Hanjabaad Ka Soo Yeedhay Dawlada Dalkaasi Somaliya
May 12, 2016 - Written by Berbera Today

guul finalSafaaradaha Somaliland dalka dibadiisa ay ku leedahay oo wakiil qaranka uga ah adeegyada kala duwan ee qaranku uga baahdo dalalkaasi,hadaba waxaan doonayaan in aan qormadan ku soo qaato sida ay u kala dheereeyeen safaraadaha Somaliland ku leedahay dalka dibadiisa,iyadoo mid kasta ay dadaal ugu jirto inay tan kale ka dheereyso ,hadaba hadii aynu ku horeyno waxqbabadka baaladhan ee ay sameysay safaaradda Somaliland ku leedahay dalka jabuuti ayeynu ka xusid karna iyadoo dib u habeyn ku sameysay xarunta safaaradda oo ay masuuliyiinta safaaradda Somaliland ee jabuuti oo uu hor kacayo safiirka Somaliland u fadhiya halkaasi mudane Maxamed Warsame ay ka dhigeen xarunta safaaradda dhisme casri ah oo la jaan qaadaya dhismayaasha kale ee safaaradaha kale ee halkaasi ku yaala,sidoo kale wuxuu sameeyey Mudane Maxamed Warsame dib u habeyn iyo tayeyn dhinaca shaqaalaha ah,sidoo kale wuxuu ka qayb qaatay xoojinta xidhiidhka Somaliland iyo jabuuti iyadoo masuuliyiinta safaaraddu suurto geliyeen in wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire uu la kulmo madaxweynaha dalkaasi oo si heer sare ah ku qaabilay isla markaaana waftiga Somaliland iyo madaxweyne Geelle ka wada hadleen xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhaxeeya labada dal.
Sidoo kale safaaradda Somaliland ku leedahay dalka Kenya ayaa iyaduna muujisay dadaal weyn iyadoo isku xidhay jaaliyadda reer Somaliland ee k u dhaqan dalka Kenya,waxa kale oo ay hormuud ka ahayd safaaradda Somaliland ku leedahay Kenya in waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayey gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biix inay la kulmaan madaxda safaaradaha reer galbeedku ku leeyahay dalka Kenya wasiirka arimaha dibadda ee dalka kenya,kulamadaasi oo labada dhinac ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka Somaliland iyo beesha caalamka,waxana uu kulanku ku soo dhamaaday jawi wanaagsan iyo is afgarad buuxa,waxana kulan muhiima iyo qiimo ugu fadhiya laba dal ahaa kulankii ugu danbeeyey ee waftigu la yeeshaa wasiirka amuuraha dibadda ee dalka kenta Marwo Aamina Maxamed jibriil oo qalbi furan ku soo dhaweysay waftiga uu hogaaminayey gudoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi oo ay ku wehelinayaan wasiirka arimaha dibadda ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire iyo safiirka Somaliland u fadhiya dalka Kenya Cabdilaahi Cabdi Cali (Dhakaar),waxa lagu balamay in iskaashi labada dal ah la sameeyo.
Hadaba safaaradda Somaliland ku leedahay dalka itoobiya caasimadiisa Addis Ababa ayaa waxay gabi ahaanba ku fashilantay hawshii ay qaranku u haysay oo ay ka doorbiday inay ku shaqeysato xarunta safaaradda oo kaliya,tusaale ahaan wasiirka arimaha dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo markii shanaad safar ku yimid caasimadda dalka itoobiya ee Addis Ababa ayaa waxa u suurta geli waayey in uu kulan la yeesh dhigiisa arimaha dibadda dalka itoobiya sababtuna waxay tahay iyadoo safaaraddu ka gaabisay inay dardar geliso hawlaha ay qaranka u hayso,iyadoo ay xusid mudan tahay in meesha safaaradda ay jirto oo kaliya musuq maasuq baahsan iyo maamul xumo tii ugu liidatay,inkasta oo dad badan oo kala duwani ay baaqyo badan ka soo saareen in xukuumadda Siilaanyo wax ka qabato fadhiidhnimadda safaaradda Somaliland ay ku leedahay dalka itoobiya ayaa taa bedelkeeda Madaxweyne Siilaanyo in uu wax ka qabto ha joogtee wuxuu safiir iyo safiir ku xigeen uga dhigay laba nin oo isku beel ah oo isku xil qarinaya,wakhtiganna fadeexado iyo maamul xumo ayaa la soo darsay safaaradda Somaliland ku leedahay dalka itoobiya.

 

 
Qore: Rashiid Ahmed Ismail(Rashiid Rashto)

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews