berberatoday.com
Ganacsade Cabdiraxmaan Boore Oo Cadeeyay Doorkii Uu Ku Lahaa Heshiiskii Dekada Berbera Ee Xukumadu Dafirtey.
May 14, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Cabdiraxmaan Boore, ayaa qoraal uu baahiyay wuxuu si aan toos ahayn ugu cadeeyay doorka uu ku lahaa heshiiska dekedda Berbera ee Imaaraadka Carabta, isagoo siyaasiyiinta Somaliland ee heshiiska diidana u soo diray farriin.

boore company

Dawladda Somaliland ayaa hore u sheegtay inaanu Cabdiraxmaan Boore wax lug ah ku lahayn heshiiska dhex maray Imaaraadka Carabta iyo Somaliland ee ku saabsan dekedda Berbera, waxaanu wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, sheegay in goobta heshiisku ka dhacay oo ahayd hotel ay ahayd madal cid waliba tagi karaysay balse aanu Mr. Boore ku lug lahayn heshiiskaas.

Hase yeeshee Cabdiraxmaan Boore oo u muuqda inuu is cadaynayo lugta uu ku lahaa heshiiska ayaa
wuxuu farriin qoraal ah ku baahiyay barta uu ku leeyahay twitterka, waxaanu mashruucan heshiiska dekedda Berbera ku tilmaamay mid muhiim ah u Somaliland, isagoo siyaasiyiintana ugu baaqay inay taageeraan. Qoraalka uu Boore ku qoray bartiisa twitterka ayaa wuxuu ku yidhi sidan “Maanta ma’aha maalintii kala aragti duwanaanshiyaha asxaabta siyaasadda. Horumarinta dekedda Berbera ayaa leh mudnaanta koowaad ee Qaranka, waana in ay midaysaa Somaliland oo dhan.” sidaas ayuu ku yidhi qoraalkiisa.

Ganacsade Boore, ayaa waxa ay cadaawadi ka dhaxaysaa dawladda Djibouti oo uu u dhashay, waxaanay isla galeen maxkamado kala duwan. Dawladda Djibouti ayaa ganacsade Cabdiraxmaan Boore ku eedaysay inuu hanti gaadhaysa 150 milyan oo dollar ka dhacay dalka Djibouti.

 

 

 Source: Geeska.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews