berberatoday.com
Nin Dilaala Mooyee, Dagmadaan Ku Noolahay, Nin Daryeel Yidhaahdaa, Dulibuu Ka Qoranyahay
May 14, 2016 - Written by Berbera Today

Dantii guud ayaa luntay, waxaynu gaadhnay in qof walba dantiisa gaarka ah eegto wax kasta oo ka hor imanayana iska indho tiro. Xukuumadii iyana waxay noqotay mid ku foogan dardargalinta danaha gaarka, waxaana dayac badani soo gaadhay Dantii Guud. Isku xidhnaantii bulshada hoos u dhac wayn ayaa ku habsatay, kadib markii la jaray hablawlayaashii waraabin lahaa wadajirka iyo midnimada umada Somaliland.

 

Xukuumada Kulmiye ee ku timid codka shacabka may noqon mid ka turjunta baahida dhabta ah ee bulshada, waxaanay isku badashay xukuumad ganacsi oo gacanta u gashay koox yar oo cid walba leh oo isku shaqaysanaysa kaliya waxay indhahoodu arkaan wixii dano gaar ahi ugu jirto xataa hadii ay tahay mid qaranka iyo qadiyada somalilandba dhaawacaysa. Aduunka laguma arag Dawlad doonaysa inay hesho maalgashi caalami ah oo hadana dilaalaysa, wax is qabanayana maaha Maalgalin baa rabaa iyo waan Dilaalayaa oo wax la yidhaa (Xaqul-qalin) keena, taasi waxaan leeyahay horumarna masoo wado lamana doonayo wax tar ee kaliya waxay rabaan waxoogaagaa ay ula baxaeen xaqul qalinka oo aan odhan karo waa musuqmaasuqii oo casriyaysan. Waxa loo ham iyo digleeyahayna maaha bulshada baahideeda, ee waa Boorsooyin madhan buuxintooda. Kuna fadhiya xikmadii ahayd Qawda Maqashii Waxna Haw Qaban.

 

Maalmahan danbe waxay bulshadu aad u hadal haysaa Heshiiska lala galay ama ay xukuumadu lasoo saxeexday Shirkada DP World, heshiiskaa waxaan leeyahay waxtarkiisa iyo wax tar la,aantiisa waxa kaliya ee waynu waxa odhan karnaa marka la helo wixii lagu heshiiyay ama la kala saxeexday oo qoran. Heshiiskaasina sharci noqon maayo ilaa la horkeeno Golaha Wakiilada oo ay u codeeyaan, waaba hadii ay keenaan ba’e, Anigu ma qabo inay horkeenayaan waayo kuwii horeba may keenin, Hantidii umada ee la boobay sida Dhulkii danta guud ahayd, guryahii dawlada, Warshadahii Laydhka, Buurta Gacan libaax, Buurta Sheekh, Buurta Siimoodi IWM, mid qudha oo la horkeenay ma jiro mid qudha oo lacagtii wax lagu qabtay iyo meel la mariyay toona lama oga, waa dawlad sharciga u taqaana sida ay raalida ka yihiin, Heshiiskana waa kuwaas oo kale uun Wax Documents ah lama Hayo Proposal ay gudbisay maynu arag, Project kii ay saxeexeen mooyi. Walee waxaan ka baqanayaa inta aynu ka hadlayno Dekeda baa la iibiyay, Airport baa la kireeyay in Somaliland ba laynagu dul iibin, hadii sidan ay kusii socono.

 

Bulsha waynta reer Somaliland waxaan ugu baaqayaa waar dalkii meel halisa ayuu marayaa, xukuumadii waad aragtaan inaan rajo danbe kazoo jeedin wax loo tudhayaana aanu jirin Hunguri iyo Maxaan cunaa xaalku marayo, waxaan leeyahay nabadgalyadiina ilaashada, gacmaha isqabsada wadajirkiina dhawra, wax walba way isku dayaysaa xukuumadani si cimrigeedu usii jiro, xataa hadii ay xal u aragto in lays dilo oo bulshada laysku dhufto oo dhibaato dhacdo way samaynaysaa kolkaa aynu foojignaano cadow badan baynu leenahay meel halooga soo wada jeesto. Waxaan ilaahay ka baryayaa inaynu doorashada nabad qab ku gaadhno oo farteena ku ridno kuna doorano hogaamiye daacad ah oo leh  karti iyo cadaalad taasbaa lagu gaadhi karaa horumar iyo isbadal dhab ah. Waxaan kusoo xidhayaa tuduc ka mid ah maansadii Daba-taxan ee Abwaan Gaariye:-

 

“Cod nimaan ku diro karo

Col hadaan usoo tubo

Wuxuun bay u darantahay

Ka danbaan halkiisii

In loo doorto jecelahay”

 

Alaa Mahad Leh

 

Mohamed Adan Gacayte

Hargeisa/ Somaliland

Gacayte09@gmail.com

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews