berberatoday.com
Xisbiga Kulmiye Oo WADDANI Ku Eedeeyay Inuu Ka Soo Horjeedo Horumarka Dalka, Kuna Xidhiidhiyey Soomaaliya
May 16, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Xisbiga KULMIYE Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, ayaa soo dhaweeyay Heshiiska Xukuumadda Somaliland iyo Shirkadda Caalamiga ah ee DP World ku wada gaadheen Maal-gelinta Dekedda Berbera.

Warka KULMIYE - CopyMujaahid Kaahin oo Shalay Saxaafadda ugu warramay Magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kale ka hadlay Cambaareyn uu Toddobaadkii hore Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed uu Xukuumadda ugu jeediyay Heshiiska Maalgelinta Dekedda Berbera ee ay la saxeexatay Shirkadda DP World, waxaanu sheegay in hadalka Axmed Muumin Seed uu caddayn u yahay in Xisbiga WADDANI uu ka xun yahay Horumar Somaliland gaadho, isagoo tilmaamay in Hadalka Guddoomiye ku-xigeenka WADDANI uu la mid yahay hadal Cadaawadi hageysay oo Dawladda Soomaaliya kaga hadashay Heshiiskaasi.

Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed oo Arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi, “Mowqifka uu Xisbiga WADDANI iska taagay Maalgelinta Dekedda Berbera waxay tilmaamaysaa in Xisbigaasi ka xun yahay horumarka Somaliland iyo Cidda soo aaminaysa.”

Guddoomiye ku-xigeenka KULMIYE, waxa kale oo uu sheegay, “Waxaana la yaable inay isku mid yihiin Mowqifka uu WADDANI Iska Taagay Maalgelinta Dekedda iyo Mowqifka Soomaaliya iska taagtay, taasina waxay ina tuseysaa in Dawladda Soomaaliya iyo Xisbiga WADDANI ay Arrimaha Siyaasiga ah iyo Maal-geshiga Somaliland.”ayuu yidhi.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews