berberatoday.com
Madaxwayne Siilaanyo oo Shacabka Caasimadda La Wadaagay Dabaal Daga Xuska Sanadguuradda 25-aad Ee Qaranimadda Somaliland
May 18, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxwaynaha Somaliland mudane axmed maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta xuska munaasibadda 18 may kula dabaaldagay xuska shacabka caasimadda

siilaanyomunaasibadan oo ahayd mid si heersare ah loo soo agaasimay islamarkaana ay ka soo qayb galeen madaxdan sarsare ee qaranka oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha somaliland mudane axmed maxamed maxamuud siilaanyo, gudoomiyaha maxkamadda sare, Shirgudoonka golayaasha baarlamanka somaliland ayaa kagu qabtay xarunta qasriga madaxtooyadda somaliland horteeda

waxaana wadada wayn ee hormarta xarunta qasriga madaxtooyadda somaliland gaardis ku maray qaybaha kala duwan ee bulshadda sida ardayda dugsiyadda, kuwa jaamacadaha, degmooyinka caasimadda iyo ciidamadda kala duwan ee qalabka sida iyagoo salaan siinayay madaxwaynaha qaranka oo madasha ku sugnaa

madaxwayne siilaanyo oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay munaasibadda sanadguurada 25-aad ee qaranimadda somaliland ayaa ka hadlay arrimo doora oo ay ugu waawayn yihiin qaranimadda Somaliland iyo baaq culus oo uu u diray beesha caalamka kaas oo ku aadanaa sidii ay qarankan rubuc sano jirsaday u siin lahaayeen aqonsi caalamiya

madaxwayne siilaanyo waxa kale oo uu ka hadlay ahmiyadda marsada berbera ugu jirto qaranka Somaliland isagoo sharaxaad ka bixiyay heshiiskiii maalgalineed ee dhex maray xukuumadda Somaliland iyo shirkadda DB World

ugu damabayntii madaxwaynaha Somaliland waxa dhambaal hambalyo ah u diray shacabka Somaliland ee dalka iyo dunida daafaheeda ku nool isagoo sanadkan sanadkiisa u rajeeyay guul iyo gobonimo

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews