berberatoday.com
Ciidan Isugu Jira Somali, Mareykan Iyo Amison Oo Maanta Weerar Ku Qaaday Deegaanka Bariire
May 19, 2016 - Written by Berbera Today

Muqdisho(Berberatoday.com)-Ciidanka Kumaandooska Somalia,  AMISOM iyo Ciidamo Mareykan ah, ayaa saakay weerar qorsheysan ku beegsaday deegaanka Bariirre ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howl-galkan, ayaa waxaa ka qayb qaadanayay Diyaarado kuwa Qummaatiga u kaca ah ee Helicopters-ka, waxaana dagaal muddo socday uu dhexmaray Al-shabaab iyo ciidamadan huwanta ah, iyadoo la sheegay in Al-shabaab Bariirre laga saaray.

Hay’adda Nabad-sugidda Somalia ayaa sheegtay in ciidamada Gaarka ah ee Komaandoosta Danab iyo kuwa AMISOM ay qaadeen Weerar qorsheysan, ayna howlgalkan ku qabsadeen Saanad ciidan iyo Sarkaal ka tirsan Al-shabaab.

Sidoo kale, Warkan ayaa intaas ku daraya – in Ciidammadaan huwanta ah ay kusoo furteen weerarkaas maxaabiis Al-shabaab ugu xirnayd Saldhigga Bariire, inkastoo tiradooda aan la sheegin.

Dhanka kale, Dadka ku nool Bariirre ayaa sheegaya inay maqlayeen duqeymo diyaaradaha qummaatiga u kaca ay fuliyeen, iyadoo ciidamada wadajirka ayaa howl galka kaddib kasoo laabtay deegaanka.

Al-shabaab oo dhankeeda ka hadashay, ayaa sheegay in ciidammo isugu jira Mareykan iyo AMISOM ay Weerar ku soo Qaadeen Deegaanka Bariirre, laakiin ay iska-difaaceen, mana bixin faahfaahin intaas ka badan.

Ugu dambeyn, Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay iska-horimaadka, iyadoo uu ku soo beegmayo howl-galkan iyadoo dhawaanahan hawlgallo noocooda ah ay qaybo ka mid ah Soomaaliya ka fuliyeen ciidammada kumaadoosta Somalia iyo ciidammo Mareykan ah.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews