berberatoday.com
Dawlada Norway Oo Wiil Somaliya Kala Noqotay Dhalashada Wadankaas Iyo Sababta Keentay Akhriso
May 20, 2016 - Written by Berbera Today

Norway Oo Soomalida Dhalashada Wadanka Kala Noqotay

Oslo(Berberatoday.com)-Mahad Abib Mahamud oo ah muwaadin soomaaliyeed oo Norwey degenaa mudo 16 sano ah, ayaa 22 april ee sanadkan lagala noqdey dhalashada wadanka Norwey, laguna amrey inuu wadanka si iskiis ah isaga baxo ugu danbeyn 20 bisha may ee sanadkan. UDI-da ayaa sheegtay inay heshay fariimo qarsoodi ah oo sheegaya in Mahad uu kasoo jeedo Jabuuti oo uusan ka imaanin Soomaaliya. Inkastoo dowlada Norwey ay Mahad kala noqotay dhalashada wadanka, hadana wali ma hayso cadeymo sax ah oo sheegaya inuu asal ahaan Jabuuti ka yimid. Taas oo aan suurtagalineyn inay wadanka xoog uga bixiso maadaama aysan wali cadeyn halka loo celinayo.

Mahad ayaa isaga oo 14-sano jir ah yimid Norwey sanadkii 2000, waydiisteyna magangalyo. Mudadaas 16 sano ee uu Norwey daganaa waxa uu sameeyay horumar nololeed oo aad u balaaran. Waa aqoonyahan bartay Bio-ingeniør kana shaqeeya isbitaalka ugu weyn wadanka ee Ullevål, Oslo. Waxa uu leeyahay xaas, iyadna haysato dhalashada wadanka, caruur iyo waliba guri. Xaaskiisu waxay sidoo kale wadanka timid xili hore, waxa ayna u shaqeysaa kommunayaha Oslo. Shan qof oo kaliyah ayaa leh aqoonta mahad, wadanka Norwey oo dhan. Isbitaalka Ullevål ayaa taageero weyn u muujiyay, sheegayna inuu yahay saaxiib agtooda qiimo ku leh. UDI-ayaa sheegtay inay mahad wadanka ka saarayso si abid-ah, micnaheeduna ay tahay in hadii isaga iyo reerkiisa oo dhalashada wadanka haysta ey rabaan inay isku meel ku noolaadaan ay dagaan meel kale oo aan Norwey aheyn.

Wargayska Klassekampen oo warbixin dheer ka diyaariyay xaalada Mahad ayaa waydiiyay UDI-da sida ay ku ogaadeen inuu Mahad ka yimid jabuuti. Waxayna sheegeen inay baaritaano ku sameeyeen sida uu markii hore wadanka ku yimid, luuqadiisa, waraysiyadii uu ka bixiyay qoyskiisa, warbixino ay ka heleen internetka iyo telefoono, meelaha uu lacagta u diray iyo waliba safaro uu ku tagay wadanka Jabuuti.

Wargayska ayaa markale UDI-da waydiiyay sababta ay u rumaysan la yihiin cadeymaha uu soo bandhigay oo sheegaya inuu asal ahaan soomaaliya ka yimid. Waxa ayna ku jawaabeen in kadib bur-burkii dowladii Soomaaliya ay lumeen dhamaan faylalkii cadeyn jiray inuu qofka Soomaaliya ka yimid, sidaas dardeedna aysan jirin feyl sax ah oo la tixraaci karo, marka la rabo in qofka la cadeeyo inuu dhalasho ahaan Soomaaliya ka yimid. Sidaas darteed hadii ay jiraan cadeymo kale oo sheegaya inuu qofku meel kale ka yimid, ay ka xoog badanyihiin cadeyn walbe oo Soomaaliya ka timaado xiligan.

Dhismaha UDI ee Oslo

Dhismaha UDI ee Oslo

Mahad dhankiisa sheegay in dadka soomaaliyeed ee qurbaha ku nool ay wax caadi ah u tahay inay maal gashadaan wadamada dariska ah Soomaaliya,sida jabuuti oo kale. Waxa uuna intaas ku daray in uu yeeshay cadow badan sababo la xiriira fikirkiisa siyaasadeed, maadaama uu qabo fikir ah soomaali weyn. Cida warbixinta qarsoodiga ah siisay UDI-da ay tahay cid fikir-siyaasi ahaan isaga kasoo horjeedo. Inay UDI-da cadeyn ka dhigato waxyaabo ay internetka kasoo uruurisay, waxay ku tusineysaa inaysan sifiican wax u baarin oo ay walbe qaataan. Warbixinada aan ka helnay internettka ayaa sheegaya in Abiib uu ahaa madaxwenaha maamul goboleedka Saylac iyo lughaya ee Soomaaliya. Sanadadii 2012 ilaa 2013 ayaa mahad iyo maamulka uu madaxweynaha ka yahayba ahaayeen kuwo aktiv ka ah, jaaliyada soomaaliyeed ee Norwey. Mahad ayaa kulan maxkamadeed la yeelanayo dowlada Norwey, waxa uuna rajeynayaa in uu wadanka sii joogo, oo aan laga saarin inta aan laga gaarayo maxkamada.

Dowlada Norwey ayaa horey u sheegtay inay baaritaano ku hayso ilaa 100 oo soomaali ah oo ay uga shakisantahay inay kasoo jeedaan wadamada dariska la ah Soomaaliya, balse isku dhiibay soomaaliya inay ka yimaadaan. Waxa ayna isugu jiraan kuwa dhalashada wadanka qaatay oo wadanka daganaa mudo badan iyo kuwa haysata sharciyada yar-yarka ah.

Xildhibaan Baashe Muuse oo kamid ah xildhibaanada golaha deegaanka ee Oslo sheegay in ilaa hada ay inuu ka warqabo dad soomaaliyeed oo tiro ahaan gaaraya 15 qof oo lagu dhaganyahay. 10 kamid ahna la rabo in lagala noqdo dhalashada wadanka. Waxa ayna dadkan u badanyihiin dad wadanka sifiican ula qabsaday, shaqo iyo deegaana ku leh. In hal mar la dhaho waxaa la idinkala noqdey dhalashada wadankana ay keeni karto dhaawac maskixiyan ah, maadaama ay nolosheeda inta badan ku qaateen halkan.

Xildhibaan Baashe Muuse

Xildhibaan Baashe Muuse

Baashe oo u waramayay klassekampen ayaa sheegay in uu booliska Norwey uu lasoo baxay qaabab yaab badan oo wax lagu baaro. Dadka qaar ayaa ayaga oo shaqadooda kujiro loo soo diray boolis dharcad ah, dadka qaarna waxaa la baaray cinwaanka facebooguuda, ayada oo lagala soo xigtay macluumaad. Halka dad kalena waraysi lala yeeshay iyada oo uu goobtu joogin turjumaan, dadkana qaarna telefoonada laga xareeyay, si aysan xiriir u sameyn. wuxuuna intaa ku daray in ay caruurta halkan ku dhashay ay mudanyihiin in ilgaar ah lagu eego, maadaama uu qanuunka guud ee caruurta uu sidaas dhigayo.

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews