berberatoday.com
Qaybtii 2aad XOGTA IBRAAHIM IIDLE SALEEBAAN OO LOO MAGACAABAY GUDOOMIYA MAXAKAMADDA SARRE EE QARANKA SOOMAALIYEED;
May 20, 2016 - Written by Berbera Today

Waxaan qaybtii koowaad kaga waranay, si aad u kooban, xogaha aan aruurinay ee ku saabsan Ibraahin (Keyse) Iidle Saleebaan labadii beri ee ugu horeeyay ee uu magacawnaa. Waxaan helley xoga kale oo aad u tira badan oo taageeraya ama faahfaahinaya xogihii aan sida kooban u sheegnay. Waxa kale oo aan helay xoga faahfaahsan oo la xariira xubno (ganacsato iyo siyaasiyiinba) oo kamida kooxaha Ibraahim ay isku xiran yihiin xogahaana waxaan kusoo gudbin doonaa taxanaha qaybihiisa soo socda. Haddase aan wax yar oo faahfaahin ah ku darro xogihii aan horey aqristeyaasha ugu gudbinay;
Ibraahim xiligii uu garyaqaanka guud u ahaa Somaliland, waxa uu ka shaqeeyay sidii la isu hortaagi lahaa xeerka la dagaalanka argagixisadda oo horyaala baarlamaanka Somaliland mudo lix sano ah. Xili kasta oo xubno baarlamaanka Somaliland ka mid ahi soo jeediyaan in xeerka laga doodo, agendaha kalfadhiyaddana lagu daro, si loo ansixiyo, waxa ka shaqayn jiray in arintaasi aanay dhicin gudoomiye ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Somaliland, Cabdulcasiis Maxamed Samaale (xogtiisa gadaal ayaan kasoo gudbindoonaa), Ibraahim Iidle (mudadii uu garyaqaanka guud ahaa), xubno xukuumadda ku jiray, xubno baarlamaanka ah, sharikado iyo ganacsato.
Xubno ka mida baarlamaanka Somaliland waxa ay noo xaqiijiyeen in shirgudoonka golaha iyo xubnaha ugu firfircoon golaha ee arimahaa soo jeediya lasiin jiray lacago farabadan si xeerkaa aan loo ansixin. Ibraahin xiligaa waxa uu kaga jiray kaalin firfircoon, waxa uu u kala gudbinjiray laaluushka ama qarashka fududaynta xubanaha baarlamaanka iyo sharikadaha iyo ganacsatada lacagta bixiya. Waxa uu qoraal talabixin ah oo uu u gudbiyay wasiirkii madaxtooyada ee xiligaa, Xirsi, ku sheegay in aan lagu degdegin ansixinta xeerka la dagaalanka argagixisadda isaga oo aad isugu deyay inuu sababeeyo. Xirsi oo arintaa ay kawada shaqaynayeen waxa uu ahaa masuulkii ka dalbaday Ibraahim in arintaa uu sidaa uga soo talabixiyo qoraalna kusoo gudbiyo.
Arrintaa waxa dhaqaale badan ku bixiyay, Shirkaddaha Telesom iyo Hormuud (iyo kuwa kale oo aan xaqiijinta warkooda ku gudajiro) oo cabsi gaara arintaa ka qabay. Sida ay sheegeen xubno maamulka shirkadahaa xogagaal u ah, waxay aaminsanyihiin haddii xeerkaa la ansixiyo in uu ku qasbayso in ay la shaqeeyaan xukuumadda marka ay baarayso telefoonada argagixisada ama ay rabto in ay ogaato meelaha ay joogaan ee kahadlayaan ama ay rabto xukuumadu inay dhegaysato hadalkooda. Xogaha aan ka helay bulshada caalamka waxay sheegaysaa in hadda shirkadahaasi ay argagixisadda u fududeeyaan marka ay masuuliyiinta dowlada fedaraalka iyo kuwa Somaliland basaasayaan ama rabaan inay ogaadaan meelaha ay joogaan iyo waxa ay ku hadlayaan. Waxa la xaqiijiyay 2001 in Shirkadii Barakaad (Telesom, Golis iyo Hormuud) ay basaasijirtay oo duubijirtay telefoonada iyo moobilada madaxtooyadda Somaliland, taas oo ku kaliftay madaxwaynihii Somaliland ee xiligaa Mr. Cigaal inuu keensado isgaarsiin u gaara madaxtooyada. Waxa kale oo la xaqiijiyay in moobilada argagixisadu adeegsadaan data-dooda laga masaxo system-ka sharikadahaan, si aan loo helin (arimahaa gadaal ayaan ka faahfaahindoonaa).
Ibraahin waxa uu TELESOM u ahaa la taliye sharci oo ka qaata mushaaro joogta ah. Waxa uu kala taliyay keenida cable-ka “fiber optic” loo yaqaan oo ay ka keeneen dalka Cumaan. Sida ay TELESOM sheegtay waxa uu u qoray qoraal, si rasmi ah uga soo baxay xafiiskiisa, oo uu ku sheegay in ay keeni karaan cable-ka “fiber optic” oo ay sharcidaro tahay in cid gaara loo xiro. Waxa kale oo uu u qoray qoraal talabixin ah xukuumadda oo uu kula taliyay in aan cid gaara loo xirin keenida “fiber optic” oo arintaasi ay dhibaato ku keenayso ganacsatadda islamarkaana suurtagelinayso in isgaarsiinta Somaliland laga kontoroolo Jibuuti iyadoo aan lagala tashan Somaliland (ganacsadaha Somaliland monoboliga ugu xirtay keenida “fiber optic” ayaa ah Soomaali Jibuutiyaana). Ibraahim Iidle ayaa la taliye sharci iyo fududeeye u ahaa TELESOM ilaa maalinkii uu kasoo tegayay Somaliland.
Xogaha aan helay qaybtii koowaad kadib, waxa kamida, xubno wasiira ah oo aad ugu dhow madaxwaynaha Soomaaliya, mudane Xasan Sh. Maxamuud, waxa ay noo xaqiijiyeen in cida isku xirtay Ibraahim Iidle Saleebaan iyo madaxwaynaha uu yahay nin magaciisu yahay Axmed Sh. Cabduraxmaan Sh. Bashiir. Axmed oo kasoo jeeda beesha isaaq, aadna ugu xiran madaxwaynaha iyo xubnaha kale ee damujadiid, waxa loo diray inuu soo raadiyo cidii lagu bedeli lahaa Abukaate Caydiid oo kasoo jeeda beesha isaaq islamarkaana ah cid fulinkarta danaha laga rabo. Axmed oo hadda ah howl-wadeenka Premier Bank dhinaca Somaliland, Ibraahim waxay arday kawada ahaayeen Suudaan sanadihii sagaashanaadkii, islamarkaana waxay kawada tirsanaayeen koox ururwaynihii al-qaacido ku xirantay ka hor aasaaskii ururka al-shabaab. Axmed isagoo kaashanaya xubno dowlada soomaaliyeed masuuliyado kala duwan u haya oo Suudaan ay arday kawada ahaayeen, waxa uu ku guulaystay kalsoonida madaxwaynaha iyo la taliyeyaashiisa in uu keeno ciddii uu rabo (waxa isku xiray Axmed iyo madaxwaynaha gadaal ayaan ka faahfaahindoonaa). Axmed, shirkada telesom iyo ganacsade (aan warkiisa gadaal kasoo gudbindoono) waxay si wada jira uga shaqeeyeen sidii Ibraahim Somaliland looga soo ambabixinlahaa iyo inay ku qanciyaan madaxwayne Xasan Sh. Maxamuud inuu arimaha aad u dedejiyo iyaga oo ka cabsanayay in arintu ka fashilanto oo madaxwaynaha iyo xubnaha ku xeerani war fiican helaan oo ka joogsadaan magacaabista Ibraahim Iidle.
Ibraahim Iidle oo ay reer hoose isku yihiin gudoomiyaha bangida dhexe ee Somaliland, waxa uu Axmed ka taageerayay furitaanka Premier Bank qaybta Somaliland, waxaa uu ka qaadanjiray qidmad lagu magacaabay “qidmad la talin sharci” waxaana uu la shaqaynayay ilaa maalinkii uu kasoo tegayay Somaliland.
Xogta aan ka helay Axmed oo kooban, (xogtiisa oo faahfaahsan gadaal ayaan kasoo gudbindoonaa), Axmed Sh. Abduraxman Sh. Bashiir, waxa uu ka tirsanaanjiray ururkii Al-itixaad, Suudan wuxuu ku bartay shareecada qaybta dhaqaalaha la xiriirta, waxa uu ka mid ahaa koox soomaali ah oo ururwaynihii alqaacido ku biirtay ka hor aasaaskii al-shabaab, waxa ay wada xiriiri jireen Usama binu Laadin oo gurigii uu kadeganaa Khartuum uu ugu tegi jiray. Xiligii uu kusoo laabtay Somaliland 1998, waxa uu u shaqeeyay shirkadii Barakaad, waxa uu ahaa kuxigeenkii Axmed Cabdi Godane (oo ahaa maamulaha iibka “Sales Manager”), Axmed Cabdi Godane waa hogaamiyii Al-shabaab ee la dilay 2014. Axmed waxa uu kamid ahaa kooxdii xiligii danbe aasaastay ururka al-shabaab oo ay ka mid ahaayeen, Axmed Godane, Ibraahim Afgaani, Nuur Faarax, Axmed Kayse iyo kuwa kale. Axmed Godane iyo Axmed Sh. Abduraxmaan waxay ahaayeen saaxiibo isku aragti ah, isku da’na ah, waxay iyagoo wadajira, masaajidada hargaysa, dood lagaleen wadaadadii kasoo horjeeday fikirka alqaacido. Waxa uu kooxdaa u qaabilsanaa dhinaca maaliyada ama dhaqaalaha. Waxa uu ku laabtay Suudaan, khartuum 2001, kadib markii loo magacaabay wakiilka dahabshiil ee Suudaan, arintaa oo ay ka shaqeeyeen xubno ka tirsan kooxdaa (oo aan gadaal ka faahfaahindoono). Axmed waxa uu qaatay jinsiyadda iyo baasaboorka Suudaan, wuxuu Suudaan ka aasaasay shirkado, waxa uu ururka al-shabaab ka caawin jiray tahriibinta lacagta iyo dhalinyarada, waxa uu safaro dhaadheer ku maray wadamada bariga Africa gaar ahaan, Uganda, Kenya, South Sudan, etc. Dalka Uganda wuxuu booqday waxyar kahor qaraxyadii al-shabaab la beegsaday dalkaa. Waxa uu marwalba safar ku tegi jiray wadamada Yaman iyo Imaaraadka Carabta. Xogaha qaar waxay sheegayaan, marka uu Yaman tago inuu booqan jiray gobolada koonfureed dhulka ay joogaan ururka Al-qaacido. Waxa asxaabtiisa ugu dhow aaminsanyihiin in ilaa hadda uu al-qaacido kala shaqeeyo dhinaca dhaqaale abuurka oo ah ta keentay inuu ka mid noqdo aasaasayaasha bankiga Premier, share aad u wayna ku yeesho, iyadoo aan lagaranayn meesha dhaqaalahaasi ka yimi.
Aqristeyaasha waa mahadsanyihiin, qaybaha haray waxaan ku dadaalaynaa inaan si degdega ugusoo gudbino aqristeyaasha. La soco….

Prof. Cabdi Cali Axmed
London, England Email: cilmi01@yahoo.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews