berberatoday.com
Berbera”Dhalinyaro Koox Koox Isulaynaysa Ka Bilaabantay Iyo Ciidamada Booliska Oo Aan Wali Umaara Helin Dagaalka Dhalinyarada+Arday Dugsiga Cabdisalaan Itaxaan Kaga jiray Oo Lagu Weeraray Iyo Dhaawacyada Soo Gaadhay
May 21, 2016 - Written by Berbera Today

Berbera 1Berbera(Berberatoday.com)-ilaa iyo todobaadkan horaantiisii ayaa waxa magaalada berbera isku laynaayay dhalinyaro koox koox isu ugaadhsanaysa kuwaas oo kasoo kala jeeda xaafadaha Shacabka iyo Moosko ilaa hada si dhaba looma oga sababta ay dhalinyaradani isku laynayaan iyo waxa ka dhexeeya. waxse iyagu intii awoodooda ahayd la tacaalay Ciidamada booliska Berbera oo aan ilaa hada ku guulaysan inay dhalinyaradaas dagaalka isku haya soo wada qabqabtaan oo xabsiga dhigaan soo afjaraan dagaalkaas.

Dhalinyarada islaynaysa ayaa waxa la sheegay inay sitaan faashash iyo midiyo kuwaas oo la sheegay in qaar kamida dhinacyada dhalinyarada islaynaya uu dhaawacyo kasoo gaadheen maalmihii uhoreeyay ee dagaalku bilaamay meel lagu daweynayana aan ilaa hada la ogayn inta dhaawacoodu leegyahay.

Galabta casarkii ayaa waxa la sheegay in laysku weeraray dugsiga sare ee Cabdisalaan Secondry School oo kuyaala agagaarka Xabaashii Madaxweyne Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal halkaas oo dhalinyarada dagaalamaya qaar kamidi kaga jireen itaxaankii dugsiyada sare oo ka bilaamay Gobolka Saaxil waxaana la sheegayaa inay ku dhawacmeen afar kamida dhalinyaradaas itaxaanka ufadhiday oo gacmaha iyo dhabarka lagaga dhuftay faashash iyo midiyo sida uu noo XAqiijiyeen sadex kamida dhlinyaradaas dhawacu soo gaadhay oo lakala yidhaa Magacayadooda Fu, aad Cabdi Xudhun, Axmed Cabdillahi Koojaar iyo Cabdicasiis Maxamed Cali sadexdan wiil ayaa kamida ah dhalinyarada lagu weeraray dugsiga Cabdisalaan Secondry School iyuaga oo Galabta kujira itaxaankii. 

Geesta kale waxa habeenkii xalay iska horimaad ka dhacay xaafada shacabka gaar ahaan agagaarka Xarunta haayada Sos ee Berbera halkaas dhalinyarada xaafadaha moosko iyo shacabku isku farasaareen waxaana halkaas khasaare ka soo gaadhay sida la sheegay mukhaayado goobahaas kuyaala oo la burburiyay wixii agab yaalay dadkii fadhiyayna laga eryaday oo dhalinayarda isdilayaa isla jiidheen, ciidamada Booliska Berbera oo habenkii xalay goobtaas gurmad ahaan uyimi ayaa kala eryay dhalinyaradaas balse ma jiraan cid ay ka qabteen oo xabsiga loo taxaabay sida ay noo xaqiijiyeen goob joogayaal aanu wareysanay.

Dhacdooyinkan ayaanay ilaa hada ka hadlin Masuuliyiinta Gobolka Saaxil iyo degmada Berbera oo arinkani khuseeyaa sidoo kale Ciidamada booliska Berbera ayaan iyaguna wax wara kasoo saarin weerarka dhalinyaradu isku hayaan ilaa hada.

 

Waxa anu goor dhaw idiin soo gudbin doonaa muuqaalo aanu kasoo duubnay dhalinyarada dhawacantay ee dugsiga lagu weeraray iyaga oo itaxaankii kujira.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews