berberatoday.com
Mulkiilaha Tv-ga Hctv Farxaan Xaaji Cali Oo Berbera Ka Abaabulaaya Shir Dhalinyaro Uu Madaxtooyadda Kaga Ruxanaayo Lacagtii Xaqul-qalinka Ahayd Iyo Madaxtooyada Oo Looga Yeedhay Laba Jeer
May 21, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Milkiilaha Telefishanka Hctv farxaan X Cali Axmed ayaa bilaabay dhaqdhaqaaqyo uu ku ruxanaayo madaxtooyaddu inay wax uga dhiibto dakhligii xaqul-qalinka ahaa ee dhowaan xukuumada somaliland kasoo qaadatay saxeexii wareejinta dekedda Berbera. 
Mulkiilaha Tv-ga Hctv ayaa gudaha magaalada Berbera kusii daabulaayo qaar kamid ah dhalinyarada beesha ciise muuse, halkaasoo uu lagu wado inuu maalinta berri ka furmo shirka dhalinyarada ciise muuse.
Shirkan oo uu soo abaabulay farxaan X Cali, isla markaana bixiyey kharashka shirka iyo kirooyinka huteelka dhalinyarada la dejiyey, ayaa iskaga kala keenay magaalooyinka Hargeysa, burco iyo kuwo uu ka abaabulay gudaha Berbera ayaa ujeedkiisu yahay inuu kaga soo horjeesto wareejinta dekedda Berbera.
Nuxurka uu mulkiilaha TV-ga Hctv farxaan ka leeyahay ayaa ah in wax laga siiyo lacagtii xaqul-qalinka ahayd ee dhowaan xukuumadda kaga soo qaadatay dalka Dubai shirkada Dp wolrd oo damac ka hayo inay maamusho dekeda Berbera, sidoo kale Waxa durbaa Farxaan Xaaji Cali uu suuro gashay inuu helo farrimo uga yimi wiilka Madaxweyne siilaanyo sodoga u yahay oo isagu damacsan inuu baajiyo arrintaa Farxaan dabada ka wado, isla markaana waxa la sheegay in maanta ilaa caawa laba jeer mulkiilaha TV-ga HCTV Farxaan galay madaxtooyadda, Hase-yeeshee waxa la sheegay inay weli isku mari layihiin dakhliga lagu laaluushaayo Farxaan Xaaji Cali.  Shirka ayaa isaga lagu wadaa inuu maalinta berri ah ka qabsoomo magaalada Berbera waxse aad ukacsan oo kasoo horjeeda Mulkiilaha farxaan Xaaji Cali iyaga oo ku sababaynaya inuu ujeeda gaara iyo dano uu isagu leeyahay uu ka rabo shirka uu qabanqaabiyay, waxaa laga yaabaa in hadii maalinta beriya laysku dayo inuu shirkaasi qabsoomo uu ka dhaco iska horimaad ka dhex dhacay dhalinyarada reer Berbera iyo kuwa uu Hargeysa kasoo diray Farxaan Xaaji Cali oo ku qawlaysanaya dhalinyarada muuqooda.
Dhalinyarada ayaa waxa uu Mulkiilaha HCTV Farxaan Xaaji Cali Axmed  Maskaxda kaga qabsaday inuu urur dhalinyaro oo beesha Ciise Muuse ah usamaynayo wixii kharash ku baxayana uu isagu bixinayo arinkaas oo aan Mulkiilaha HCTV looga baran islamarkaana aan waligiiba la afkaar ahayn beesha uu kasoo jeedo mudooyinkii uu warbaahinta HCTV lahaana hadimooyin badan kula kacay beesha uu kasoo jeedo ayaa waxa aynu ka xusi karnaa dagaalkii uu Beesha uu kasoo jeedo la galay xiligii Xukumada iyo Beesha deegaanka Gobolka Saaxil isku maandhaafeen Warshada shamiitada Berbera ee sibidhka oo xiligaas xukumadu soo siisay ganacsadaha Dahabshiil iyada oo farxaana Xiligaas ku dagaalamaayay in uu saami ku leeyahay warshadaas balse aanu arinku sidaas ahayne uu ku dagaalamaayay qorshe lacageed oo loo balan qaaday, waxaanu xiligaa dagaal adag oo aan gabasho lahayn la galay beesha uu kasoo jeedo ee deegaanka Gobolka Saaxil isaga oo adeegsanaya Tvgiisa HCTV.
Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews