berberatoday.com
Shirkii Uu Hogaaminaayay Mulkiilaha HCTV Oo Maansoor Berbera Ka Furmay. Dhalinyaro La Khalday Oo Laga Soo Daabulay Hargeysa Iyo Burco+Xukumada Oo Usoo Dirtay Wasiir Sacad Cali Shire Iyo Masuuliyiinta Gobolka Iyo Degmada Berbera Iyo Ramaax Oo Awdal Kasoo Boqoolay
May 22, 2016 - Written by Berbera Today

DSC_0291Berbera(Berberatoday.com)-Shirkii macaash doonka ahaa ee uu Berbera ka qaban qaabinaayay Mulkiilaha HCTV Farxaan Xaaji cali Axmed ayaa hada ka bilaamay Hutel Maansoor Berbera iyada oo ay ka soo qeyb galeen dhalinyaro uu hogaaminaayo farxaan xaaji cali oo hargeysa uu kasoo daabulay oo kasoo jeeda beesha deegaanka Gobolka Saaxil oo ilaa xalay kusoo daad guraynaayay Berbera oo tiradooda lagu qiyaasay lixdan dhalinyaro ah iyo ilaa sodon kaloo Burco laga keenay waxse iyagu diiday oo aan shirkaas ka qeyb galin dhalinyarada reer Berbera oo qaadacay mashruuca macaash doonka ah ee uu Mulkiilaha HCTV uu Xukumada kaga Ruxuruxanayo in wax looga dhiibo lacagtii xaqal qalinka ahayd ee laga soo qaaday shirkada DP World ee Dekeda Berbera laga kireeyay iyo sidoo kale dano ganacsi oo kale oo uu farxaan Xaaji cali Hoosta kuhaysto dhalinyaradana uu uga dhigayo inuu urur horumarineed u asaasayo kharashkana uu sidaas ku bixinayo balse macnuhu aanu sidaas ahayn,

Xukumada oo fahantay jalaafooyinka uu Mulkiilaha HCTV Maleegayo ayaa shaki badan ka qaaday shirkan una soo dirtay Wasiirkii Arimaha Debeda Dr Sacad Cali Shire Agaasimihii guud ee wasaarada Diinta iyo Awqaafta Saleebaan Siciid Cali oo shirkan kasoo qeyb galay Iyo sidoo kale Masuuliyiinta Heer Gobol iyo Heer Degmo oo iyagana lagu soo amaray inay shirkan dhaqdhaqaaqiisa isha kuhayaan oo ay dhex fadhiistaan ilaa hada ay dhex joogaan sidoo kale waxa isaguna Gobolka Awdal kasoo boqoolay oo shirkan dhex fadhiya Gudoomiyihii Gobolka Awdal Maxamud Cali Hayste(Ramaax) oo mudooyinkii udanbeeyay labadii habeenba mid Berbera uhoyada iyada oo aan ilaa hada la aqoonsan sababta uu gobolkii uu udoomiyaha ka ahaa uga soo ordaayo mid kaloo aanu Xukumina uu heeryada udhigtay waliba isaga oo dhuumanaya oo isqarinaya hadase waxa la sheegayaa inuu shirkaas dhex fadhiyo hadalna ka jeediyay isaga leh hala taageero in Dekeda Berbera shirkado carbeed laga kireeyo.

 

 

Shirka oo ilaa hada socda waxa la sheegay inuu galabta afarta galabnimo soo gabagaboobi doono oo la soo xidhi doono wixii natiijo kasoo baxa kala soco shabakada wararka ee Berberatoday.com

DSC_0291 DSC_0290 DSC_0289 DSC_0288 DSC_0287

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews