berberatoday.com
War Deg Deg Ah”Madaxweyne Siilaanyo Oo Cafis U Fidiyey Salaadiintii Ku Xidhnaa Mandheera
May 22, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Siilaanyo,waxa uu xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-3992/052016 ku sii daayey xubno isugu jira salaadiin, chief caaqil iyo 11 xubnood oo kale oo weheliya kuwaasoo maxkamadi ku ridday xukun ciqaabt ah.

Warsixafadeedkan oo soo gaadhay xafiiska warqabaadka ee Berberatoday.com ayaa u dhigna sidan:-

9

Cafis Madaxweyne: 22/05/2016

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Siilaanyo,waxa uu xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-3992/052016 ku sii daayey xubno isugu jira salaadiin, chief caaqil iyo 11 xubnood oo kale oo weheliya kuwaasoo maxkamadi ku ridday xukun ciqaab ah, ka dib markii ay hawlgal sharci darro ah ka fuliyeen goobta loo yaqaano Hadayta.

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Xubintiisa 5aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 149aad ee Xeerka Ciqaabta Guud;

Markuu Arkay: Talo-bixinta Sharci ee Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka;

Markuu Arkay: Talo-soo-jeedinta Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka;

Markuu Tixgeliyey: Qoraalka Codsiga Cafiska ah ee Madax-dhaqameedka iyo Odayaasha ee halkan ku lifaaqan;

Wuxuu Go’aamiyey

In uu cafis gaar ahaaneed u fidiyo maxaabiista xukuman ee kala ah:

1. Suldaan Ibraahim Suldaan Sulub Suldaan Nuur

2. Suldaan Mawliid Cali Ibraahin (Sabbeyse)

3. Chief Caaqil Cabdiraxmaan Xasan Xoore

4. Xasan Maxamed Cali (Xasan Madoobe)

5. Mustafe Cabdi Ruush

6. Maxamed Jaamac Abokor

7. Siyaad Guuleed Xasan (Qoosha)

8. Sidiiq Ciise Maxamuud (Kastam)

9. Siciid Gaas Aadan

10. Farxaan Maxamed Cabdillaahi

11. Siciid Ismaaciil Faarax.

12. Cadaani Maxamed Axmed

13. Amiir Xaashi Xandule

14. Xasan Cismaan Cumar

Cafiska kooxdan ayaa waxa uu ka danbeeyey codsi ay madaxweynaha u soo gudbiyeen salaadiin iyo madax-dhaqameed ka soo jeeda beesha Waqooyiga iyo Galbeedka Maroodi-jeex iyo Saaxil.

Dalabka cafiska ee duqayda beesha ay ka soo jeedaan xubnaha xukunku ku dhacay, ayaa waxa lagu soo khatimay fadhi ku qabsoomay Xafiiska Madaxweynaha, kana qaybgaleen, Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka, wasiirada Madaxtooyada, Maaliyada, Ganacsiga iyo Maalgashiga, Wershedaha iyo gudoomiyaha, ahna murashaxa Xisbiga Kulmiye.

Hoggaan dhaqameedka oo ay horkacayeen xubno salaadiin ahi, kana mid ahaayeen Suldaan Axmed-nuur Cabdilaahi Samaale iyo Salaadiin kale ayaa halkaa kaga dhawaaqay codsigooda cafis dalabka ah, iyagoo horena u soo qaddimay cafiskaas oo qoraal ah.
Waxay duqaydu intaa u dhaafeen hadal ku waajahan xaalada dalka iyo dawladnimada, iyagoo ku bogaadiyey madaxweynaha iyo xukuumadiisa horumarka balaadhan ee dalka ka hirgalay, iyo nidaamka dawladnimo ee dhinacyada badan ka taabbo qaaday intii uu hoggaanka dalka hayey Madaxweynaha Qaranka Somaliland mudane Axmed Maxamed Siilaanyo.

Madaxweynaha oo isna halkaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyey codsiga duqayda, sheegayna inuu maamuus iyo xushmad u hayo, dhaqan ahaan iyo odayaal ahaanba, waxanu hadal kooban ku yidhi madaxweynuhu “Waan aqbalay codsigiina. Waxan idin hayaa sharaf iyo qaddarin aad iga mudan tihiin. Waan cafiyey odayaasha aad iga dalbateen in aan sii daayo, waxanan idinku dardaarayaa in la wada ilaashado nabadgelyada aad marka horeba gadhwadeenka ka tihiin iyo wada jirka dalkeena iyo dadkeena”.

Odayaasha oo hadalka ku soo noqday ayaa mahadnaq balaadhan u jeediyey Madaxweynaha, sii daynta uu sii daayey odayaasha iyo xubnihii wehelinayey ee xidhnaa, waxanay ballan qaadeen in sidii ay awalba ahaayeen, una taageeri jireen ay u taageeri doonaan arrimaha nabadgelyada iyo wixii qaranka iyo dadkaba dani ugu jirto.

 

12345679

ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews