berberatoday.com
Ma Dhabbaa In Hargeysa Noqotay Hoy Si Shuruud La’aan Ah Looga Qaato Baasaaboorka Soomaaliya ?
May 24, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Baasaaboorka Dalka Soomaaliya (E-Passport) oo hore uga Mabnuuc ahaa in laga bixiyo Magaalooyinka Somaliland, ayaa Bilihii u dambeeyay si Caadiya looga qaataa Magaalooyin Hargeysa ka mid tahay.

Haddaad Hargeysa joogto ama aad Magaalo kale ka timaaddo, si fudud baad Baasaaboorka Soomaaliya uga qaadan kartaa Xafiisyo si Qarsoodiya loogu Farsameeyo, sababtoo ah Qofku marka uu Lacagta bixiyo lama waydiiyo Macluumaad ka badan inta Baasaaboorka loogu qorayo.

Xafiisyadan oo Midkood uu Madax ka yahay Nin magaciisa lagu sheegay Asad oo u dhashay Somaliland ayaa  xogo muhiim ahi ay Warbaahinta u xaqiijiyeen in uu Baasaaboorka ku sameeyo hab Online ah, waxaana Qofka aan Magaalada Hargeysa joogin ee u baahda Baasaaboorkaasi uu si fudud Macluumaadkiisa ugu diri karaa Internet-ka, laakiin arrintan ayaa sida muuqata khatar dhanka ammaanka ah sababi karta, maaddaama oo Qof kastaa aan la ogeyn ujeeddada iyo waxa uu baasaaboorka u doonayaa si fudud u helayo.

Xafiiska Asad ee Hargeysa oo Wakiil ka ah Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Dawladda Federaalka Soomaaliya, ayaa sifo Sharci daro ah loogu bixiyaa Baasaaboorka, iyada oo aan wax Shuruud ah lagu xidhaynin Qofka doonaya.

Warka Baasaaboorka

Dawladda Soomaaliya, gaar ahaan waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa ku guul-dareysatay inay wax ka qabato Baasaaboorka ay Masuulka ka tahay ee Nidaamka Sharciga Baal-marsan looga qaato Magaalooyinka Hargeysa ka mid tahay.

masuulka Laanta Socdaalka Soomaaliya Wakiil uga ah Xafiiska laga bixiyo Baasaaboorka Soomaaliya ee Magaalada Hargeysa, ayaa warku tilmaamay in uu waqti xaadirkan Safar ku jooga Magaalada Muqdisho, waxaana Safarkiisu ku soo beegmayaa Xilli uu Toddobaadyo uun ka hor uu Taliyaha Laanta Socdaalka Soomaaliya uu sheegay in Dhallinyaradii badda ku dhimatay Baasaaboorrada iyo Fiisayaasha ay ku Tahriibeen ka qaateen Hargeysa iyo Garoowe.

Dawladda Somaliland oo dhowr jeer oo hore sheegtay inaan Baasaaboorka Soomaaliya lagu bixin karin Magaalooyinka Dalka, ayaa awood u wayday inay wax ka qabato Arrintan, dhowr jeer oo Warbaahintu isku dayday inay wax ka waydiisana aan suurtoobin.

 

 

 

Xigasho: Maalmahanews

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews