berberatoday.com
War Deg Deg Ah”Wariye Cabdiraxmaan Maxamed Cige Oo Xabsiga Loo Taxaabay Iyo Wariyayaal La Raadinayo Iyo Cid Amarka Xadhigooda bixisay
May 25, 2016 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Ciidamada Booliska Berbera ayaa xabsiga utaxaabay Wariye Cabdiraxmaan Maxamed Cige oo Ka Hawla Tvga Somnews iyo Shabakada wararka ee Oodweynenews.com sidoo kale waxza isaga ciidamada Booliska Berbera raadinayaa Wariye Axmed Siciid Maxamed oo ah wariyaha Tvga Kalsan Tv ee Gobolka Saaxil ahana taftiraha guud ee shabakada Wararka Mandheeranews.

Xadhiga Wariyayaashan ayaa waxa la sheegay inuu ka danbeeyo gudoomiyaha Golaha deegaanka degmada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Xasan(Cidin)oo waraaq dacwad ah usoo gudbiyay Taliyaha qeybta Booliska Berbera taas oo aan lagu cadayn danbiga loo haysto balse waxa la sheegay inuu gudoomiyaha golaha deegaanku shalay Wariyayaasha ugu hanjabay inuu xidhi xidhi doono hadii ay baahiyaan hadal uu shalay Xildhibaan Saleebaan Cali Khayre oo katirsan Golaha deegaanku ka jeediyay Madal lagu soo dhaweynaayay madaxdii ka socotay shirkada DP World ee laga kireeyay dekeda Berbera isagoona xildhibaan Saleebaan Cali Khayre waftigaas carabta ahaa usheegay in aanay taageerayn Heshiiska Xukumada Somaliland la gashay shirkadaas ilaa ay arkaan qodobadiisa  iyo waxa ay ku saabsan yihiin iyo sidoo kale faa,iidada dalka Somaliland iyo deegaanka Saaxilba uu uleeyahay 

Sidoo kale waxa ay maanta ciidamada booliska Berbera xabsiga dhigeen Wariye Mukhtaar Cabdiraxmaan Xariir ka hawlagala Tvga qaranka Somaliland wariyahan ayaa Xiliga La xidhaayay la socday Wariye Cabdiraxmaan Cige waxase saacad ka bacdi ay Ciidamada boolisku soo daayeen iyaga oo qaab khaldan xadhigiisu umaray iyada oo aanay jirin wax danbiya oo loo haystay

ahmed saciid

Wariya Axmed Siciid Maxamed ayaan ilaa hada aanay gacan ku dhigin ciidamad boolisku iyaga oo ka raadinaya daafaha magaalada Berbera.

Mayarka oo aanu xadhiga wariyayaashan wax ka weydiin doono ayaanu idiinku soo gudbin doonaa wararkayaga danbe

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews