berberatoday.com
Afhayeenka Ururka Saxafiyiinta Somaliland Ee SECJA Oo Canbaareeyey Xadhiga Weriyaasha Lagu Xidhxidhay Berbera
May 26, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Afhayeenka Ururka saxafiyiinta Somaliland ee SECJA Mudane Maxamed Aaden Dirir Ayaa si rasmi ah uga hadlay Xadhiga Weriyaal Tira badan oo lagu Xidhxidhay Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil,Kaasi oo uu ku tilmaamay Mid xaaraan ah oo Sharciga Baalmarsan isla markaana aan loo meel dayin Balse la iskaga dhaadhicinayo Xukuumada Somaliland Qoraal uu Afhayeenku soo saaray oo Nuqul ka mid ahi Nasoo gaadhay ayaa waxaa uu u dhignaa Sidan. Afhayeenka Ururka Saxafiyiinta Somaliland Ee SECJA Mudane Maxamed Aaden Dirir waxa uu ugu baaqaysaa dawladda Somaliland inay xorriyadooda u soo celiso sadex suxufi oo lagu xidhay magaalada Berbera. Cabdiraxmaan Maxamed Cige oo ka tirsan Somalinews TV iyo Axmed Siciid Maxamed oo ka tirsan Kalsan TV waxa la xidhay 25kii bisha May 2016 halka Mubaarig Cusmaan Siciid oo ka tirsan Star TV la xidhay 26ka May. Sadexdan weriye waxa la xidhay kadib markii uu liis weriyayaal ah uu u soo gudbiyay Booliiska duqa magaalada Berbera Cabdishakuur Cidin si loo xidho. Suxufiyiintan waxa lagu haystaa inay tebiyeen hadalka xildhibaan ka tirsan Golaha Deegaanka Berbera oo shaki ka muujiyay heshiis dhex maray dawladda Somaliland iyo shirakdda DB World. Heshiiskaas oo ku saabsan maamulka dekedda Berbera. Xildhibaanku wuxuu ka hadlay shir ka dhacay Berbera oo uu goob joog ka ahaa Maayarka Magaalada berbera ee Hada Xidhxidhay Weriyaasha,Isagoo Aan la garan Karin Inuu Xildhibaanadiisa Kula Socday Arinkan Iyo Inkale Balse Aanu u Aragno ka Urur Ahaan Mid Madaxa Loogu Buuxinayo Masuuliyinta Dawlada Somaliland Taasi Waxaa Ay keentay Sida ay noo sheegeen suxifiyiin, weriyayaashii ka soo qaybgalay shirka waxa duqa Berberi ku amray inaanay baahin warka xildhibaan Saleebaan Cali Khayre. Suxufiyiintii baahiyay warka ee aan raacin amarka waxa dhamaantood la amray in la soo xidho. Hadaba Ururka Saxafiyiinta bariga iyo badhtamaha Somaliland ee SECJA waxaa uu Canbaaraynayaa Kana xunyahay Xadhiga weriyaasha Lagu Xidhay Berbera oo Sharciga Baal Marsan Anagoo Xukuumada ugu Baaqayna Inay Xoriyadooda Degdeg ugu Soo Celiso Hadii Kale Ay Ka Jawaabi Doonto Wixii Ka Yimaada Xaaraantan Ay Walaaqanayso

 

 

ALAA MAHAD ISKA LEH

Mudane Maxamed Aaden Dirir

Afhayeenka Ururka Saxafiyiinta SECJA

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews