berberatoday.com
Ciidamada Booliska Berbera Oo Wariyihii Labaad Xabsiga Utaxaabay
May 26, 2016 - Written by Berbera Today

Amed SiciidBerbera(Berberatoday.com)-Ciidamada Booliska Berbera ayaa habeenkii xalay Xabsiga Utaxaabay Wariyihii labaad ee la raadinaayay oo ah Wariye Axmed Siciid Maxamed oo ah wakiil wareedka Tvga Kalsan Tv ee Gobolka Saaxil, wariyahan oo xadhigiisu la xidhiidho warqadii dacwada ah ee Gudoomiyaha golaha deegaanka Berbera ugudbiyay Ciidamada Booliska Berbera.

Wariye Axmed Siciid Maxamed waxa la qabtay isaga oo kasoo galay dhinaca magaalada Hargeysa oo uu ku maqnaa oo uu shalay subax hawl ugaara utagay.

Waxaana Hada saldhiga dhexe ee magaalada Berbera ku xidhan Laba wariye oo kala Ah Cabdiraxmaan Maxamed Cige oo Ah wakiil wareedkii Tvga Somnews Iyo Wariye Axmed Siciid Maxamed Oo ah wakiil wareedkii Tvga Kalsan Iyo shabakada wararka ee Mandheeranews.com

 

Xadhiga wariyayaashan ayaa sidaanu horeba usoo sheegnay waxa amarkiisa bixiyay Oo waraaq dacwad ah ka gudbiyay Mayarka Degmada Berberra sida ay sheegeen ciidamada Booliska oo wariyayaasha tusay waraaqdaas sida ay noo xaqiijiyeen wariyayaasha xidhani.

qaabka ay mareen ciidamad boolisku xadhiga wariyayaashan ayaa sharcoyada baalmarsan waxaana waajib ah in marka wariye la xidhayo la sito waaran maxkamadeed oo sharciya oo cadaynaya soo qabashada wariyaha dacwada loo haysto.

 

Maayarka degmada  Cabdishakuur Maxamud Xasan oo aanu isku daynay nin aanu waxz ka weydiino xadhiga wariyayaashan ee lala xidhiidhinayo inuu ka danbeeyo ayaanay noo suurgalin in aanu tilifoonkiisa gacanka ku helo ama uu naga qabto waxse aanu isku dayaynaa in aanu jawaab saxa ka heli doono saacadaha soo socda.

Gudoomiyaha golaha deegaanka Degmada Berbera ahna mayarka degmada Berbera ayaa xadhiga uu wariyayaashan kula kacay waxa uu noqonayaa kii ugu horeeyay ee uu wariyayaal ku xidho mudo afar sanadood ku dhaw oo uu hogaaminaayay Maamulka degmada Berbera,

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews