Ardayda Dugsiyada Dhexe Iyo Sare Ee Somalilnd Oo Maalinta Bari Ah U Fadhiisanaya Imtixaankii Shahaadiga Ah
May 27, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxa maalinta bari ah oo ah maalin sabti ah kuna beegan may.28,2016-u fadhiisanya imtixaanaadkii shahaadiga ahaa ardayda dugsiyada dhexe iyo sare ee dalka Somaliland gaaar ahaan ardayda fasalada 8-aad oo dugsi dhexe ah iyo ardayda 4-aad oo dugsi sare ah.

Waxaana ardayda sanadkan dhamanaysa sanad dugsiyeedkii u danbeeyey ay si wayn ugu diyaar garoobayan imtixaanka shahaadiga ah,waxaana indhahaagu qabanayaa arday koox koox u wada socota oo isku diyaaarinaysa imtixaanka isl markaaan qaybaysa casharada imtixaanka lagaga qadayo.