berberatoday.com
Daawo Muuqalka”Chief Caaqil Saleebaan Caaqil Maxamed Caaqil Cigaal(Hadoodil) Oo Lagu Caleemo Saaray Tuulada Dubur Ee Degmada Sheekh +Sawiro
May 27, 2016 - Written by Berbera Today

Dubur(Berberatoday.com)- Chief Caaqil Saleebaan Caaqil Maxamed Caaqil Cigaal ayaa, maanta lagu caleema saarey munaasibad ilyartu is qabatey Tuulada Dubur ee katirsan Degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil.

Munaasibadan oo aheyd mid si heersare ah loo soo agaasimay islamarkaana, lagu saleeyay mid dhaqan oo Taariikh fac weyn ah gu tirsaneysa waxa kasoo Qeyb galey Madaxdhaqameed tira badan oo kasoo kala baqoolay Gobolada Saaxil,Hargeysa,Togdheer iyo Gabiley,Salaadiin uu hiorkacayo Suldaanka Guud ee Beesha Subeer-Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan,Siyaasiyiin Culumaa,udiin,aqoonyahan,waxgarad Guurti,iyo Marti sharaf kale.

Munaasibadan oo loo asteeyay madal siweyn looga soo shaqeeyay islamarkaana, hidaha iyo 

dhaqanka loogu xardhey si farshaxan leh waxa ugu horeyn hadal furitaan ah ka jeediyay Suldaanka Guud ee Beesha Subeer-Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan,oo isagu taashka ku boqrey isagoo xusay in madasha Caleemasaarka uu Dubur tahey, madal barakeysan oo lagu soo caleemasaarey, Saldanada Subeer-Awal ee uu hogaankeeda hayo isagoo Suldaanku sigaar ah farta ugu fiiqey in Chief caaqilka lagu caleemasaarey goobtan Duburi yahey mid soo taxneyd mudo dheer caaqilnimadiisu oo dhaxaltooyo ah.

Waxa kale oo Madasha Caleema saarka hadal ka jeediyay Suldaan Mawliid Ibraahim Cali(Sabeyse), oo sheegay in uu xaal ka bixinayo hadaladii dhawaan Murashaxa jagada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye ku maagay Shacbiga Gobolka Saaxil,isagoo tusaale ka bixiyay in xadhigii dhawaan la xidhay dabada ku hayey Taageerada uu u muujiyay Siyaasiga Aqoonyahanka ah ee Murashaxa jagada Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen oo madasha ku sugnaa, wasxaanu Suldaan Sabeyse hadalkiisa ku gunaanadey in Beesha halkan loogu caleemasaarayo Chief Caaqilka looga baahan yahey in ay taageero culus u muujiyaan Murashaxa jagada Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen.

Suldaan Shariif Batuun oo kamid ah Salaadiinta Gobolka Saaxil oo hadal ka jeediyay Madasha Caleemasaarka ayaa, isaguna ku dheeraadey in aanu aheyn Chief Caaqilka la caleema saarayaa mid hada la bilaabayo sida dhacda inta badan haseyeeshee, uu yahey mid Taariikh ah oo mudo badan soo taxneyd.

Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh iyo Chief Caaqil Axmed Caaqil yare oo kamid ah caaqilada ugu facaweyn Beesha Subeer-Awal ayaa iyaguna hadal kajeediyay Madashaasi ku dheeraaday Duco iyo xogwaranka soo jireenimo ee Caaqilnimada Beeshani mudada ay soo jirtey.

Waxa kale oo iyaguna madasha hadal ka jeediyay Caaqil Aadan Yasir iyo Caaqil Cabdi Daahir oo labaduba ka Hadley daris wanaaga Beesha Caaqilkan caleemasaartey

Waxa kale oo madasha Caleemaasaarkan hadal ka jeediyay Mujaahid Ibraahim Cabdilaahi Xuseen (Ibraahim-Dhagaweyne),oo isaguna faafaahin ka bixiyay Taariikhda iyo miisaanka ay leedahay Cief caaqilnimada lagu caleema saarey Chief Caaqil Saleebaan Caaqil Maxamed Caaqil Cigaal(Hadoodi),isagoo Mujaahidku Tusaale ka bixiyay halka iyo kaalinta ay mar walba ku laheyd talada Beeshan waxaanu Mujaahidku illaahay uga baryey in uu u fududeeyo Xilka loo igmadey.

 

Murashaxa Jagada Madaxweyne ee Xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo isaguna madasha Caleemasaarka Caaqilkan hadal ka jeediyay ayaa ku dheeraaday, Taariikhda uu tirsanayo Chief Caaqil Saleebaan Caaqil Maxamed Caaqil Cigaal waxaanu ugu duceeyay in illaahay u fududeeyo xilka loo igmadey islamarkaana, ay maanta u tahey mid taladiisu u bilaabantey beesha loo caleemo-saarey oo Taariikh iyo isir u laheyd talada wanaagsan.

Waxa kale oo iyaguna halkaa hadal ka jeediyay Dr Shiine iyo Xubno kale oo tira badan oo isugu jira Marti Sharaftii iyo mudantii kasoo qeyb galey Munaasibadaasi.

 

 

 

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews