berberatoday.com
Jarmalka Oo Soo Saaray Qawaaniin Cusub Oo Dadka Soo Galow-Tiga Ah Shaqo Loogu Abuurayo
May 27, 2016 - Written by Berbera Today

Germany(Berberatoday.com)-Hoggaamiyaha Dalka Jarmalka Ayaa Maanta Magaalada Bariga Jarmalka Ku Taalla Ee Meseberg Ku Soo Bandhigtay Sharciga Is-Dhex-Galka. Haddaba Si Kooban Aan Ka Xusno Waxyaabaha Ugu Muhiimsan: Shaqooyinka: Dowladda Waxay Abuureysaa 100,000 (Boqol Kun) Oo Shaqo Oo Lagu Qaadanayo Inta U Dhaxeysa 1 Yuuro Illaa 2 Iyo Bar Yuuro. Dadka Cusub Waxay Helayaan In Aan Caddaan Ahayn Oo Lacag Ah Haddii Ay Diidaan Inay Shaqeeyaan. Sharcigii Hore Ee Dhigayay In Qaxootiga Aanay Qaban Karin Shaqo Iyadoo La Heli Karo Dad Dhalad Ah Ama Midowga Yurub Ka Soo Jeeda Ayaa Muddo Saddex Sano Ah La Xannibayaa, In Kastoo Ay Tahay Kaliya Heerka Shaqo La’aanta Ka Hoose. Waxbarashada Iyo Tababarrada:

Sharciga Cusub Waxaa Qaxootiga Loo Oggolyahay Inay Tababarro Iyo Waxbarasho Helaan Kaddib Saddex Bilood Marka Ay Dalka Joogaan, Iyadoo Aan Loo Eegeynin Haddii Kiisaskooda La Guda-Galay Iyo In Kale. Haddii Muddo 15 Bilood Ah Ay Jarmalka Joogaan Waxay Codsan Karaan Lacag Ay Wax Ku Bartaan, Si Kastaba, Codsiyada Dadka Loo Suntay Inay Ka Yimaadeen ‘Dalalka Nabdoon’ Looma Oggola. Qaxootiga Hela Tababar Shaqo Waxaa Si Toos Ah Loo Siinayaa Deggenaansho Sharci Inta Uu Barashada Ku Jiro. Haddii Waxa Uu Bartay Uu Ku Helo Shaqo Waxaa Loogu Kordhinayaa Laba Sano Oo Sharci Ah.

Haddii Aanu Helin Muddo Lix Bilood Ah Ayaa Loo Kordhinayaa Si Uu U Helo Fursad Uu Shaqo Ku Raadsado. Qaxootiga Waa Inay Qaataan Casharrada Isdhexgalka Ama Waxaa Laga Jarayaa Lacagaha Ceyrta Ah. Degganaansho Joogto Ah: Waqtiga Kama Dambeysta Ah Ee Qaxootiga La Siiyay Degganaanshaha Joogtada Ah Waxaa Laga Beddelay Saddex Sano, Waxaana Laga Dhigay Shan Sano, Waxayna Ku Xiran Tahay Inay Barteen Luqadda Jarmalka Iyo Inay Debbaran Karaan Nolosha. Degganaansho Qasab Ah: Laga Billaabo Hadda Illaa Saddexda Sano Ee Soo Socota, Dowladaha Gobol Ayaa Loo Oggolaanayaa Inay Go’aansadaan Halka Qaxootiga Ay Degayaan, Waxay Taasi Macnaheedu Tahay Inay Meel Ka Mamnuucaan Ama Meel Gooni Ah Ay Dejiyaan. Qaxootiga Kuwa Shaqo Ama Waxbarasho Meel Kale Ka Hela Way Ka Reebban Yihiin.

 

Mukhtar Ahmed Aaden

 Germany Muftah1277@Gmail.Com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews