berberatoday.com
Qaybta Labaad Ee Heshiiska Dekedda Berbera Oo Uu Geeska Afrika Soo Turjumay –
May 27, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Waa qaybtii labaad ee warbixintii uu wargeyska Geeska Afrika ka soo ururiyey shuruudaha iyo xakamayaasha sharci ee ku xusan heshiiska horudhaca ah ee maamulista dekedda Berbera ay Somaliland kula gashay Imaaraadka Carabta.

deked 22

 

Waxaa xusid mudan in sida aynu qaybtii hore ku soo xusnay ay warbixintani soo qaadanayso heshiiska mucdiisa iyo qodobbada ugu muhiimsan maadama oo uu yahay heshiis  qoraalkiisu aad u dheer yahay.

Ballaadhinta dekedda:

Heshiiskan waxaa lagu caddeeyey in shirkadda lagu wareejinayo dekedda Berbera ay masuul ka noqon doonto fulinta horumarinta iyo ballaadhinta dekedda hadda jirta iyada oo u maraysa dhowr weji oo kala dambeeya, tusaale ahaan marka koowaad waxa ay xoojin ku samaynaysaa seeska furdadda, waxa aanay dhisme iyo horumarin ku samaynaysaa barxadda, sidoo kalana waxa ay soo kordhinaysaa qalabyo shaqada rarka iyo rogista iyo adeegyada dekedda fududaynaya.

Waxa ay shirkaddu dhaqso u dhisaysaa 400 o mitir oo ah furdad (Biriish oo kale ah), waxa aanay ballaadhinaysaa barxadda iyo dekedda , qalabyo dheeraad ahna waa ay keenaysaa. Kuwaas oo isku darka qiiimahoodu aanu ka badan karin 170 milyan oo doolar.

Wejiga labaad waxa uu imanayaa haddii dekeddu shaqada ay qabataa gaadho boqolkiiba 75 shaqadii ay qaban karaysay, waxaana mar labaad lagu samaynayaa ballaadhin iyo kordhin iyo qalabyo cusub oo isku dar aan ka badan karin 210 Milyan oo doolar. Waxaana shardi ah in shirkadda dekedda lagu wareejinayaa ay tartan loo siman yahay oo madax bannaan ku soo bandhigto qandaraasyada la xidhiidha hawlaha ballaadhinta dekedda.

Iyada oo dhinaca dawladda Somaliland laga rabo in ay bixiso dhammaan rukhsadaha iyo ogolaanshiyaha lagama maarmaanka u ah hawsha ballaadhinta iyo in la xaqiijiyo amniga dekedda Berbera.

Cashuurta ay shirkaddu siinayso Somaliland:

Heshiis ku waxa uu dhigayaa in shirkadda lagu wareejiyey maamulida dekedda Barbera ee ay ku midoobeen Somaliland iyo dawladda Imaaraadku aanay wax cashuur ah bixin doonin 10-ka sano ee ugu horreeya muddada heshiiska, halka boqolkiiba 50 keliya ay bixin doonto shanta sano ee xiga, taas oo macnaheedu yahay in shirkaddani ay cashuurta dawladda bixinteeda bilaabi doonto uun marka ay 15 sano gacanta ku hayso shaqada dekedda Berbera.

Waxa aanu heshiisku mamnuucayaa in shirkadda lagu qasbo in ay bixiso wax adeeg kastam ama cashuuro ah ama wax kale oo cashuuro toos ah ama dadban ah oo soo baxa muddada uu heshiiskani socdo.

Yaa ka masuul ah amniga dekedda?

Heshiiskan waxaa lagu  caddeeyey in amniga gudaha sida taarka iyo deyrka ku wareejisan goobta ee ammaan ahaan loo isticmaalo ay ka mid yihiin masuuliyadaha shirkadda. Laakiin wixii deyrkaa ka dambeeya ee bad iyo berriba ah ay sugayso amnigiisa dawladda Somaliland.

Haddii isbeddel sharci uu Somaliland ka dhaco muddada heshiiskani socdo:

Haddii taariikhda uu heshiiska wareejinta dekeddu dhaqangalka noqdo kadib uu isbeddel dhinaca shuruucda ahi dhaco, kaas oo sababi kara in uu kordho kharashka shirkaddu isticmaasho, ama uu dhimo dakhliga shirkadda, ama uu taas lidkeeda keeno, iyo haddii isbeddelkaas sharci uu saamayn ku yeesho awoodda  ay shirkaddu u leedahay gudashada waajibaadkeeda ku cad heshiiska wareejinta, waxaa ka dhalanaya:

– Sharci ahaan ku qasbanaan doonin in ay fuliso waajibaadkeeda ku caddaa heshiiska wareejinta.

– Sidoo kale shirkaddu waxa ay xaq u yeelanaysaa in magdhow la siiyo, haddiiba isbedello sharci oo saamayntaas lihi ay yimaaddaan.

Haddii ay dawladda Somaliland doonto in wax ka beddel lagu sameeyo heshiiska wareejinta

Heshiiska horudhaca ah ee ay labada dhinac wada saxeexdeen waxa kale oo lagu caddeeyey in haddiiba ay dhacdo in taariikhda saxeexa heshiiska kadib ay dawladda Somaliland doonto in wax laga beddelo waajibaadka uu heshiiska wareejinta dekeddu saarayo dawladda ama shirkadda, ay shirkadduna xaq u yeelan doonto in ay deedefayso arrintaas iyada oo taasi keeni karto in ay dawladdu shirkadda siiso magdhowga lacagtii xaqal-wareejinta iyo heshiiskii ballaadhinta dekedda.

Magdhowga labada dhinacba ku waajibaya:

Heshiiska wareejinta dekedda Berbera ee ay xukuumadda Somaliland la gashay Imaaraadka Carabta waxa kale oo lagu xusay in shirkadda maamulaysa dekedda xaq loogu yeelanayo in laga joojiyo lahaanshiyaha iyo shaqada dekedda, laakiin ay magdhow xaq u yeelanayso, marka ay dhacaan xaalado ay ka mid yihiin; Dawladda oo jebisa qodobbada uu heshiisku ku waajibiyey, ama dhacdo siyaasi ahi ay timaaddo. Iyada oo dhacdadaas siyaasiga ahna uu heshiisku ku sii macneeyey colaad dhacda (Haddii si rasmi ah xaalad dagaal dawladdu ugu dhawaaqdo iyo haddii kalaba), haddii dekedda cid kale ama dal kale oo ku soo duulay uu qabsado, haddii weerar ay ku soo qaadaan xoogag shisheeye oo cadow ah, haddii dagaal sokeeye dhaco, haddii kacdoon dadweyne kaco, haddii jabhadayni dhacdo, haddii kacdoon hubaysani uu dhaco, haddii milateri ama awood kale xoog ku qabsato talada dalka, haddii ay dhacaan rabshado amniga wax yeeli karaa, haddii xasilooni darri rayid ahi dhacdo, haddii argagaxiso timaaddo ama si kale mu’aamaradi dalka ugu dhacdo, iyo sidoo kale haddii go’doomin, cuna-qabatayn, ama bandoo ama xayiraad haddii dekedda la saaro.

Sidoo kale shirkaddu waxa ay xaq u yeelanaysaa in ay shaqada joojiso, balse aanay magdhow helin, haddii ay dhacaan xaaladaha ay ka mid yihiin, qarax dab, danab, duufaanno, daadad iyo dabaylo, ama wasakhow ku yimid qashin ama wasakh ka dhalatay Nukliyeer, Kiimiko, ama sun bayolojiyeed, waa se haddii aanay waxan oo dham ku iman sababo la xidhiidha dhacdooyin iyo xaalado siyaasi ah.

Laalista heshiiska iyo cawaaqibka ka dhalanaya:

Heshiiska uu Geeska Afrika helay ee wareejinta dekedda Berbera waxa uu ogolaanayaa xaqa ay Somaliland iyo dhinaca kale shirkadda dekedda lagu wareejinayaaba u leeyihiin laalista heshiiska si waafaqsan heshiiska rasmiga ah ee wareejinta oo ah ka dambe ee hawsha dekedda si buuxda u wareejinaya. Laakiin labada dhinacba waxa ay xaq u leeyihiin in ay ka dacwoodaan ama dalbadaan kabista khasaaraha/dhaawaca la isla arko ee ka dhasha laalista heshiiska.

Sidoo kale labada dhinac kooda laalaya heshiisan waxaa laga rabaa in uu lacagaha iyo magdhowyada lagu yeelanayo ku bixiyo inta aanay dhammaan 90 ka maalmood ee uu ay qaadanayso laalista heshiiska wareejinta dekeddu.

– Haddii Somaliland ay heshiiskan laasho waxaa waajib ku noqonaya in uu bixiyo qiimaha dhammaan deymaha ay cid saddexaad ku leedahay shirkadda ee la xidhiidha waajibaadka shaqo ee shirkaddu ka waddo dekedda, iyo sidoo kale wixii kharash ah ee ka dhasha khasaare ama burbur ku yimid qalabka.

– Sidoo kale waxa ay Somaliland bixinaysaa qiimaha qalabka shirkaddu ay keentay dekedda, si ay ugu shaqayso. Iyada oo weliba qiimuhu noqonayo waxa uu qalabku markaa suuqa ka joogo ama lacagta marka hore lagaga soo iibiyey shirkadda ee ku cad buugaagteeda xisaabta.

La soco inshaalah qaybo kale

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews