berberatoday.com
Rafaad Noqotay Buurtaad Rakadeeda Fuushee…uma qudh-qudhsana Eng.Faysal aragtida shacabku ka rumaysan-yahay. W/Q Tarabay Rooble
May 27, 2016 - Written by Berbera Today

Faysal waxuu isu haystaa ka keliya ee dalka lexo-jeclo qaba,ka keliya ee xisbiga hogaamin kara,ka keliya ee dalka hogaamin kara.Somali-duna waxay tidhaa(Nin isfaanshay waa ri Gudoomiyaha xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee UCID Eng.Faysal
C.Waraabe waxa uu yaqiinsaday inuu gaar u leeyahay xisbiga qaran ee
UCID.Waayo waxa kaw ka ahaa asaasayaashii xisbigaas.Raggii la curiyay
xisbiga UCID way uga huleeleen markay la heshiin kari waayeen,waxna uu
ka dhagaysan waayay. 14sanno ayuu haatan Gudoomiye ka yahay.Waana
sababta 2aad ee uu ugu dheggan-yahay lahaanshaha xisbiga qaran ee
UCID.Sidaa darteed maanta wuu la yaaban-yahay in xubnaha iyo

 

taageerayaasha xisbigu la xisaabtamaan.
Talaabooyinkaasi waxay meesha ka saaraysaa dhamaan
dimuqraadiyada,nidaamka xisbiyada badan,jiritaanka xisbiga qaran ee
UCID. Dadweynaha JSL maanta way ka dheregsanyahiin hab-dhaqanka
Eng.Faysal hase-yeeshee isagu waxuu isu haystaa ka keliya ee dalka
lexo-jeclo qaba,ka keliya ee xisbiga hogaamin kara,ka keliya ee dalka
hogaamin kara.Somali-duna waxay tidhaa(Nin isfaanshay waa ri
isjaqday). Waxa kale oo ay Somalidu tidhaa(Ismoog aqalkii bay
aslaysaa). Siyaasiga 2jeer guul daraystay waa inuu ku qancaa
rabitaanka shacabka,saaxada siyaasadana ka nastaa oo nolosha dhinac
kale uga wareegaa mar hadii shacabku aanu doonayn Eng.Faysal inuu
dalka hogaan ka noqdo. Qanac la’aanta Eng.Faysal iyo keli talis-nimadu
waxay keentay inay siyaasiyiinta iyo aqoon-yahanka JSL ka fogaadaan
xisbiga UCID. Bal u fiirso cidda garab-yadiisa ka muuqda,waa
dhalin-yaro fulisa uun amarkiisa iyo hadba sida uu isagu rabo.Hadana
uma qudh-qudhsana Eng.Faysal aragtida shacabku ka rumaysan-yahay.

Hadaan dhaqamadiisa tilmaan ka bixiyo waxa ka mid ah odhaaho uu
odoyaal xigaal u ah dhegaha ugu shubo oo ah (maraykan ayaa ila
socda,Europe ayaa ila socota) waxaanay doonayaan inaan dalka
hogaamiyo!!!! Markuu sidaa ku warramayo tolow dadka ma waxuu u haystaa
inay dhimirka wax ka qabaan! Cajiib.
Ninka wararkiisu noocaa yahiin xaguu codka ka helayaa,ma maraykan mise
Europe ilayn shacabka J.Somaliland way barteen Faysal eh.

Ayadooy sidaa tahay ayuu hadana xabaal ku aasay xeerkii xisbiga UCID
iyo xeerka xisbiyada ee No.14. Bal hada eega dacwad ka dhan ah ayaa
xisbigu ka gudbiyay hadana dheg uma dhigin ee ololahiisii ayuu iska
wataa. Gudida diiwaan-gelinta ansaxinta xisbiyada qaranka iyo
ururaduna way ka war-wareegayaan go’aan qaadashada.Maxaa jira,miyaanay
Gudidaasi haynin dacwada iyo jawaabta dacwadaysanaha,maxay uga
baahantay u yeedhitaanka danbe ee lay soo sheegay inay bisha june 4da
isugu yeedhayaan qareenada 2da dhinac iyo min 4xubnood oo ka socda 2da
dhinac! Ma maxkamad-baa miyaanay iyagu eegayn uun xeerku waxa uu
fasaxayo inay ku gar-qaadaan, eegaana xeerka UCID iyo xeerka xisbiyada
ee NO.14 waxay ka iftiiminayaan khilaafka 2da dhinac.Waayo
dacwadaysanahu waa Eng.Faysal iyo Gudida anshaxa ee isagu
magacaabay.Markaa Gudida go’aan ayaa laga filaayay ee kaalaya murma
loogama fadhiyo.
Waxaan ku soo afjarayaa heesta tidhaa(Rafaad noqotay buurtaad
rakadeeda fuushee).
Tarabay Rooble
(taraby016@gmail.com)
Boston/USA

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews