berberatoday.com
War Deg Deg Ah”Maxkamada Gobolka Saaxil Oo Xoriyadoodii Si Buuxda Ugu Celisay Sadex Wariye Oo Afar Maalmood Sharcidaro Berbera Ugu Xidhnaa
May 28, 2016 - Written by Berbera Today

Wariyayaasha Xidhan22Berbera(Berberatoday.com)Maxkamada gobolka saaxil ayaa sirasmiya xoriyadoodii ugu celisay sadex wariye oo mudo afar caano maal ah ugu xidhnaa Saldhiga dhexe ee magaalada Berbera, wariyayaashan oo amarka xadhigooda uu bixiyay gudoomiyaha Golaha deegaanka Degmada Berbera ayaa waxa lagu haystay sidii aynu horeba usoo sheegnay hadal uu dhawaan waftigii ama madaxdii shirkada Dekeda laga kireeyay ujeediyay Xildhibaan katirsan Golaha deegaanka Berbera oo layidhaa Xiuldhibaan saleebaan cali Khayre.

Waxa Maxkamada Gobolka gudoominaayay xiligii la horgeeyay wariyayaasha Garsoor katirsan Maxkamada Gobolka Saaxil oo lagu Magacaabo Jaamac Siciid Jibriil oo aad ula yaabay qodobada wariyayaasha lagu soo eedeeyay oo ahaa Budhcad hubaysan taas oo uumarkii ku amray danbi baadhihii kiiska ku oogaayay wariyayaasha inuu waraaqihiisa laabto sidoo kale amar ku bixiyay inay hada laga bilaabo fasax yihiin Wariyayaashu oo ay albaabka ay doonaan ka bixi karaan.

Wariyayaasha xoriyadooda dib uhelay oo kala ahaa Wariye Cabdiraxmaan Maxamed Cige, Wariye Mubaarig Cismaan Siciid(Nirig)iyo Wariye Axmed Siciid Maxamed oo dareenkooda cabiray ayaa ugu horeyn umahad celiyay guud ahaan bahda garsoorka gaar ahaan Gudoomiyaha maxkmada sare oo aan marnaba ogolayn in Wariyayaal sife sharci daro ah xabsiyada loo dhigo markastana ka dhiidhiya Xaqdarada lagula kaco warbaahinta Madax banaan.sidoo kale waxa wariyayaashu Mahad celibn balaadhan usoo jeediyeen guud ahaan bahda warfidiyeenka ee Gobolada dalka oo dhan iyo ururada saxaafada ee somaliland ee ka hadlay xadhiga xaqdarada ah ee wariyayaasha lagula kacay sidoo kale waxa ay iyagana mahad balaadhan udireen ururada kala duwan ee udhaqdhaqaaqa xuquuqda hadalka iyo xoriyada bina,aadamka oo qeyb weyn ka qaatay sidii loo soo dayn lahaa suxufiyiinta Berbera ugu xidhnaa mayarka Berbera mudada afarta maalmooda.

waxa kaloo ay Wariyayaashu Mahad celiyeen madxda Xisbiyada mucaaradka Somaliland oo aad uga hadlay xadhigooda in badana ugu baaqay cidii xadhigooda ka danbaysay inay faraha ka qaadaan oo xoriyadooda uceliyaan.

Ugu Danbaytii waxa ay sadexda wariye ee xoriyadooda helay sheegeen in uu xadhigoodu ahaa xaqdaro cadaalada ka fog iyagoona maayarka Berbera ku eedeeyay inuu meel kaga dhacay xuquuqdii iyo xoriyadii hadalka iyo muwaadinkaba lahaa waxse ay balan ku qaadeen inaanay kadaalayn shaqada ay bulshada uhayaan wax kasta oo xaqiiqo ahna ay soo gudbin doonaan.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews