berberatoday.com
“Xildhibaan Saleebaan Hadduu Ficil Uxuub Siibtay.Runta Iyo Xaqiiqada Dahsoon Hoosta Ka Xariiqay.Xogta Suxufiyiintii Qortee Xor Uga Faalootay.Xabsi Wariyayaashaa La Dhigay Sow Xad Gudub Maaha”Gabayga Xaqsoor Abwaan Xiis Maxamed Cilmi(Shanfool)
May 28, 2016 - Written by Berbera Today

sxboBerbera(Berberatoday.com)-Abwaan Xiis Maxamed Cilmi(shanfool)oo kamida Abwaanada dhalinyarada ah ee reer Berbera ayaa gabay qiima badan ku cabiray xadhiga tacdiga iyo xaqdarada ah ee Mayarka Berbera kula kacay sadexda wariye ee maalintii afraad ugu xidhan saldhiga dhexe ee Berbera gabaygan oo xaqsoor layidhaa ayaa waxa uu Abwaanku ku bilaabay sidan”

 

Xaq u dirirka xaalka is barkaday xeerarka is dhaafay.

Xaajada berbera & wakhtigan xiisada istaadhan.

Dekedan ay xanteedani ku timi carab xidhiidhkeeda.

Xujo weeye aan shacabku garan dheefta xoorka lehe.

Xildhibaan saleebaan hadduu ficil u xuub siibtay.

Runta & xaqiiqada dahsoon hoosta ka xariiqay.

Xogta suxufiyiintii qortee xor uga faalootay.

Xabsi wariyayaashaa la dhigay sow xad gudub maaha.?

Hayeeshee xajiin iyo haddii xumaha loo baaqo.

Xangaruufo lays-kula kacoon nabad la xaalaynin.

Xoog kuma hanuunsamo ninkii lagu xanuujaaye.

Xasilooni aadmiga hadii lagu xurmayn waayo.

Xarbi laguma helo samo falkiyo waan ku xidhayaaye.

Tabashadu xaq dhawrkay ku tahay xubin walaaleede.

Mar haday xamaasadi dhacdoo la is xushmayn waayo.

Xabad hooyo wiil kuma dhashoo xoolo lagu waaye.

Xilkasnimo dadweynaha haddaan loogu gogol xaadhin.

Xukun Iyo dagaal laguma helo xal iyo waan waane.

Xinjir iyo marbay geeri tahay inad xanaaqdaaye.

Cadli iyo xaqsoorbaa naflaha lagu xanaanshaaye.

Ma xaslado kalsoonida bulshada talis xasuuqaaye.

Qarankii xaq dhawr ka aradaa guul ma xooxsado’e.

Xiqdiga iyo aar-goosashadu xamarba naafeeye.

Xilkii aan dulqaad iyo lahayn taliyo xeerbeegti.

Xuquuq iyo wax qabad kama dhaxlaan shicib xuseenoowe.

Mid xafida mid xaaraan gurtoo dhaca xalaalaysta.

Hantidiyo xantoobsiga ninkii xeelad wax u qaatay.

Iyo kaan xatooyada aqoon een xawilan maalkooda.

Xusuustaa miduun shar iyo khayr xaasilka u hadha’e

Mansabyada xisaabaa ku maqan XAAKIN qorayaaye.

Aakhiro intaan Xaashiyaha xaalka laga eegin.

Een laysku xaadirin warbixin xaraf la dhaafaynin.

Xasanaad adduunyada tabcada xayga noloshaada.

hhh

DHAMAAD XIIS MAXAMED CILMI ( SHANFOOL )

GABAYGA XAQSOOR 

 

 

BERBERATODAY.COM

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews