berberatoday.com
Dawlaha Jaarka Dhow La Ah Somaliland Oo Kala Hororsanaaya Cilaaqad Diblumaasiyadeed Oo Ay La Sameeyan Gudoomiyaha Waddani Cirro Iyo Safar Uu Ugu Baxay Itoobiya, Kenya Iyo Jabuuti Oo Ugacan Haadineysa
May 30, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Wadani oo dhowaan uun kasoo laabtay safar Diblumaasiyadeed dalka Maraykanka, ayaa isla shalay Sabtidii Safar ugu kicitimay dalalka deriska, gaar ahaana dalalka Itoobiya iyo Kenya. 
Gudoomiye Cirro oo galabta si weyn loogu soo dhoweeyey dalka itoobiya ayaa sida la sheegay kulamo Diblumaasiyadeed lasoo qaadan doona madaxda sarsare ee heer federaal xukuumadda Itoobiya, kuwaasoo ay isla qaada dhigayaan xidhiidhka laba dal iyo xaalada siyaasadeed geeska Africa, waxana la filaya inuu maalmo ku sugnaado xarunta Xukuumada Itoobiya ee Addis sababa Gudoomiye Cabdiraxmaan cirro.
Sidoo kale waxa maalmaha soo socda uu Gudoomiyaha xisbiga wadani Md. Cabdiraxmaan maxamed cabdilahi (Cirro) uu safar Diblunaasiyadeed uu ku tegi doona Dalka Kenya, halkaasoo sida la sheegay uu kulamo lasoo qaadan doono madaxda dawladda Kenya.
Geesta kale waxa jira xoggo hoose oo soo gaadhaya shabakadda xogreebnews oo sheegaya in Gudoomiye Cirro oo safar kale dhowaan ugu kicitimi doono Xukuumadda aynu jaarka nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti, iyadoo la sheegay inuu kulan lasoo qaadan doono madaxweynaha dalka Jabuuti Md Ismaacil Cumar Geele, kuwaasoo isla falan-qeyn doona arrimaha laba dal iyo sidoo kale xaalada geeska Africa.
Si kastaba ha ahaatee, gudoomiyaha xisbiga wadani Md Cirro ayaa la sheegay inay xukuumadaha somaliland la jaarka ahi ay si weyn u xiiseynayaan inay kulamo iyo xidhiidh wanaagsan la sameeyan. Sidoo kalena waxa ay wararku sheegayaan inay kala hororsanaayan kulamada gudoomiyaha xisbiga wadani, isla markaana mid walbaana aaminsan tahay inuu yahay diblumaasi cilaaqad wanaagsan la sameyn karaa dalalka jaarka hadduu ku guuleysto xilka Madaxweynenimada somaliland doorashada sannaadkan soo socda la filaayo inay somaliland ka dhacdo.
Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews