berberatoday.com
“Ilaa Hadda Baarashuut Baa Ii Go,an Meel Uu U Dhigi Doonnana Mooyi” Mujaahid Axmed Mire
May 30, 2016 - Written by Berbera Today

London(Berberatoday.com)-Mujaahid Axmed Mire Maxamed oo ka mid ahaa foollaadkii saraakiishii millateri ee hor kacayay dagaalkii hubaysnaa ee ururkii SNM oo ku dhawaad 20 sanadood ku noollaa dalka dibadiisa, gaar ahaan dalka Ingiriiska ayaa la filayaa in uu dhawaan ku soo laabto Somaliland.

Siday faafiyeen shabakadaha wararka qaarkood sida Salaanmedia waxa ka socda gudaha abaabul la xidhiidha soo dhawaynta Axmed Mire  oo ahaa taliyihii hogaaminayay ciidamadii SNM ee aaga bari ee  galay 27may.1988 magaaladda Burco. Axmed Mire ayaa wixii ka dambeeyay dabayaaqadii sagaashanaadkii ilaa hadda ku noollaa carriga Ingiriiska, halkaas oo uu ka bilaabay waxbarasho heer caalami ah,isla markaana uu ku qaatay derajadda PHD, isagoo dhanka kalena waday hawlo la xidhiidha ka shaqaynta arrimaha bulshada.

Ma kala cadda in Axmed Mire mar kale ka mid noqonayo jilayaasha siyaasadda Somaliland iyo in kale, isla markaana ma kala cadda inuu ku negaan doono halkan iyo inuu ku laaban doono qurbaha. Hase yeeshee siday tibaaxeen xoggo laga soo xigtay dad u dhuun dalloola Mujaahidka, waxa la ishaarayaa in ay suuragal tahay inuu ku negaado Somaliland oo uu ka qayb qaato arrimaha siyaasadda, oo uu ka saahiday 1998 kadib markuu ka waayay meel uu ka qabsado gaadhigii xukuumaddii Maxamed Ibraahin Cigaal ee xiligaa, taasina ay u horseeday inuu u dhaqaaqo aqoon duruksi uu ka gaadhay ilaa darajadda u sarays. “Ilaa hadda baarashuutkaa ii go,an meel uu u dhigi doonnana mooyi” sidaa wuxuu kaga jawaabay xilligaa su,aal uu Muuse Jaambiir oo waqtigaa Jamhuuriya ka tirsanaa ku waydiiyay madaxtooyada dhexdeeda Muj. Axmed Mire Maxamed.

20 sano kadib dadka siyaasadda indha indheeyaa waxay ku tilmaameen Axmed Mire miisaan wayn oo siyaasadeed oo hadduu qayb ka noqdo masraxa axsaabta siyaasadda culayskiisa leh, isla markaana ilaa shalay markii uu soo duulay maqalka imaatinkiisu, su,aasha ugu wayni waxay ahayd xisbigee buu ku biirayaa?  Dhanka kale siday faafisay shabakada Salaanmedia qabanqaabiyayaasha foolladaynta soo laabashada Axmed Mire waxay ugu baaqeen shacabka iyo dawladdaba inay ka qayb qaataan soo dhawayntiisa

 

 

Xigasho Ogaal

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews