berberatoday.com
Xukuumadda Oo Ku Guul Daraysatay Gacan-siinta Fannaanka Qaran ee Hal abuur Maxamed Cabdi Basbaas oo Mudaba Xaalad Caafimaad u Jiifa Cisbitaalka Guud Ee Hargaysa Iyo Balanqaadka Aan fulin Ee Madaxtooyada.
May 30, 2016 - Written by Berbera Today
’Hal abuur Maxamed Cabdi Basbaas :Fanaan Qaran oo Xukuumadiisii Hagratay Isla markaana Xaalad Caafimaad daro u Jiifa Cisbitaalka Guud Iyo Balanqaadkii Madaxtooyada oo Beenoobay’’
Xukuumadda oo Ku Guul daraysatay Gacan-siinta Fannaanka Qaran ee Hal abuur Maxamed Cabdi Basbaas oo Mudaba Xaalad Caafimaad u Jiifa Cisbitaalka Guud ee Hargaysa Iyo Balanqaadka aan fulin ee Madaxtooyada.

Hargaysa(Berberatopday.com)-Hal abuur Maxamed Cabdi Basbaas wuxuu ka mid yahay Shakhsiyaadka Tirada Yar ee Fanka iyo Masraxa Soomaalida ku soo dhex jiray Tan iyo Markii Somaliland Xoriyadeeda ka qaadatay Gumaystihii Ingiriiska,Wuxuu Abwaan iyo Majaajilayste Maxamed Cabdi Basbaas uu ka mid ahaa Fannaaniintii kaalinta muga leh ka soo qaatay halgankii dib u xoraynta waddanka.

Sideedaba Fannaanku ma dhaqdo hanti balse Waxaa Hanti uu ku meel maro u ah Bulshadiisa,iyo Dawladiisa,Taas oo macnaheedu yahay hantidiisu Waa Magac qudha,Iyadoo ay Sidaas tahay Wuxuu Hal abuur Maxamed Cabdi Basbaas uu dhawrkii Bilood ee u danbeeyay Xaalad Caafimaad u Jiifay Cisbitaalka Guud ee Caasimada hargaysa,Muu helin Xurmadii uu ka Mudnaa Qarankiisa,Muu helin daryeelkii Waayeelnimo ee uu Mudnaa.

Maxamed Cabdi Basbaas Wuxuu ku sinaan labadii sanno ee u danbaysay ahaa bukaan socod,Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Warfaafinta haatana ah Wasiirka Xannaanadda Xoolaha ayaa badhtamihii bishii February oo uu Xilka Wasaarada Warfaafinta ku wareejinayay Wasiir Caddaani wuxuu Madashaas ka sheegay inuu Madaxweyne Siilaanyo ka ogolaaday 9 Xubnood oo ka mid ah Hal doorka Warfaafinta oo Xaalado Caafimaad la soo derseen Waxaa dadkii uu Wasiir Cukuse Xaadiriyey ka mid ahaa Maxamed Cabdi Basbaas oo Xiligaas lagu hayay Gurigiisa hargaysa.

Hasa yeeshee Maalmo kooban kadib markii ay Xaaladiisu ka sii dartay Waxaa la dhigay Cisbitaalka Guud,Hal abuur Masrax Maxamed Cabdi Basbaas Waxaa ku booqday Cisbitaalka Guud Wasiirka Maddaxtooyadda Maxamud Xaashi Cabdi oo uu Weheliyo Wasiirka Xannaanadda Xoolaha Mudane C.laahi Maxamed Daahir Cukuse oo isagu ahaa Mas’uulka Sababta u ahaa inuu Madaxtooyada geeyo Warka sheegaya in Basbaas uu yaalo Cisbitaalka Guud.

Wasiirka Madaxtooyadu Wuxuu balanqaaday Isagoo dul taagan Sariirta uu ku Jiifay Hal abuur Maxamed Cabdi Basbaas inuu Madaxweynaha u ku wargalin doono xaaladiisa Caafimaad,isagoo intaas ku daray in Qaranka Somaliland Wixii awood ah ee Caafimaadkiisa Wax lagaga qaban karo inay u huri doonaan.

Balanqaadkaas Waxaa laga Joogaa ku Sinaan laba Biloodd,Xitaa Wasaaradii uu ka tirsanaa ee Warfaafintu kama warhayso,lagama Bixin Kharashka Daawooyinka iyo Jiifka ee Cisbitaalka iska dhaaf in dibad loo qaado’e.

Alle ha u Naxariistee Abwaankii Caan baxay ee Cali Sugule ayaa hore u Yidhi.

Haduu Geel ilmihii Korsado,

Gobina Meecaado

Gabadhii ku Maahmaahday

Waa Gaari la Hubaaye

Kol hadaanad geerida horteed

Geesiga aqoonsan,

Goblan weeye Soomaaliyeey Garashadaadii?

Abwaan Kale ayaa Isna laga hayay .

Ma Gudaan Nin Qaaliya

Ilaa Qaamukii Galo.

Qadhiidh uma Hurtaan

Iilse waw Qodi taqaanaan.

Kol hadii Garashadii Xukuumadu sidaas tahay Waxaa isweydiin leh yaa u Maqan Fannaan Maxamed Cabdi Basbaas,Waa Bulshadiisa waa kuwii uu u adeegayay,Waa raasamaalka qudha ee uu adduunka ka haysto,Waa Waajib ina wada saaran in Xaalada abwaankan loo guntado sidii wax loola qaban lahaa inagama mudna in Sidaas ay Xukuumadiisii ku eeganayso inaguna ku eegno.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews