berberatoday.com
Xukuumadda Siilaanyo Oo Weji-gabax Kala Kulantay Ganacsatada Iyo Sir Culus Oo Ka Kashiftay
May 30, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Shir ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa, isla markaana ay isku hor-fadhiisteen Shan Wasiir oo Xukuumadda Siilaanyo ka tirsan iyo Ganacsatada waawayn ee Somaliland, ayaa natiijo la’aan ku dhammaaday ka dib markii la isku fahmi waayey qorshaha ay Wasiirradu wateen oo ahaa inay taageeraan wareejinta Dekedda Berbera.

SHIRKA GANACSATADA IYO WASIIRRADA XUKUUMADDA SOMALILAND (9)SHIRKA GANACSATADA IYO WASIIRRADA XUKUUMADDA SOMALILAND (7)WASIIRRADA KU FASHILMAY SHIRKA GANACSATADA DHEX-MARAY

SHIRKA GANACSATADA IYO WASIIRRADA XUKUUMADDA SOMALILAND (5)

Wasiirrada Shirkan natiijo la’aanta ku dhammaaday oo ay soo abaabushay Rugta Ganacsiga Somaliland, ayaa kala ahaa Wasiirka arrimaha dibedda Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan, Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Ganacsiga Xuseen Aadan Cige (Deyr) iyo Wasiirka Qorshaynta Cali Xuseen Ismaaciil (Cali-Shoombe), sida ay Goob-joogayaasha Shabakada Wararka Berberatoday.com warkan ka heshay iyo Afhayeenka Madaxtooyadu-ba caddeeyeen.

Xubnaha ka socday Shirkadaha oo afkaar ahaan, aragti ahaan iyo aaraah ahaanba kala duwanaa, ayaa qaarkood si weyn uga soo horjeesteen qorshaha Wasiirrada Xukuumadda, halka ay qaar Ganacsatada ka mid ah sida Xubnaha ka socday Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM ay uga ololaynayeen hirgelinta qorshaha Wasiirradu soo bandhigeen, sida ay Berberatoday.com u xaqiijiyeen qaar ka tirsan Xubnaha Shirkaas oo Axaddii shalay ka qabsoomay Madaxtooyada ka qabgalay.

Goob-joogayaasha Shirkaas ka qaybgalay ee Shabakada Wararka Berberatoday warkan ka soo xigtay, waxay intaas ku ladheen, in Kala duwanaanshahaas oo inta badan Ganacsatadu ay ka soo horjeesteen Qorshaha loo soo bandhigay, ayaa sababay Buuq iyo is-faham la’aan, ka dib markii uu Wasiirka arrimaha dibedda Dr. Sacad Cali Shire faahfaahin ka siiyey Ganacsatada Heshiiska horraantii bishan ay Xukuumaddu magaalada Dubai kula saxeexatay Maalgelin iyo Maamul wareejin lagu sameeyo Dekedda Berbera Shirkadda Dubai Ports World (DPWorlad).

Hase-yeeshee, waxaa Shirkaasi Buuq isu beddelay markii uu Wasiir Sacad sheegay sida ila-wareedyadu Aftahannews u xaqiijiyeen in Heshiiska wareejinta Maamulka Dekedda Berbera ee Shirkadda DPW lala galay ay ku lammaan yihiin Shirkado kale oo marka hawsha Dekeddu dhammaato iyaguna Maalgelin ku samayn doona Haamaha Kaydka Shidaalka iyo Garoonka Diyaaradaha Berbera. Waxa Warkan Berberatoday.com heshay intaas ku daray in markii Wasiirku soo hadal-qaaday in Haamahana Heshiis lagu maal-gelin doono ay si weyn uga soo horjeesteen qaar ka tirsan Ganacsatada Saamiyada ama Sheerka ku leh Haamaha oo ay Xukuumadda Siilaanyo dabayaaqada sannadkii 2015 ku wareejisay Shirkado waddani ah oo ay u saxeexday inay Gacanta ku hayaan Haamaha muddo shan iyo labaatan (25) sano ah.

Ganacsataas oo Goob-joogayaasha Berberatoday.com soo xigtay ayaa sheegay inay ku doodeen in arrinkaasi ka hor-imanaya Heshiiska Xukuumaddu gacan-ku-haynta iyo Maamulka Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera ay ugu saxeexday 25-ka sano Ganacsatada Shirkadaha Waddaniga ah ee Somaliland qaarkood, isla markaana ay Somaliland iyadoon wareejin Dekedda, Madaarka iyo Haamaha-ba ay iyadu wax badan qabsan karto, sidaas awgeedna waxay sheegeen Ganacsatada Shirkaas ka hadlay inaanay taageerayn, isla markaana soo dhawaynaynin ee ay ka soo horjeedaan Heshiiskaas wareejinta Dekedda Berbera, maaddaama oo ay jiraan Heshiisyo kale oo daba socda.

Markaa ka dib, waxaa la bilaabay dejin iyo wax is-fahansiin, hase-yeeshee, sida ay Xubnaha Goob-joogga ka ahaa Shirkaas ee Aftahannews u warramay sheegeen inaan lagu guulaysan in wax is-afgarad ah laga gaadho ama laga soo saaro qodobbo heshiis lagu yahay, waxaana sidaas awgeed loo ballamay kulan dambe in la isugu yimaaddo, kaasoo aan la muddayn, balse Ganacsatadu sheegeen in loo sheegay in Rugta Ganacsiga Somaliland oo Kulankan laftiisa soo abaabushay ay wakhtiga kulanka dambe u soo sheegi doonto Ganacsatada.

Geesta kale, Madaxtooyada Somaliland oo xalay War-Saxaafadeed, ayaa caddaysay qabsoomidda kulankaas ama shirkaas dhex-maray Wasiirrada Xukuumadda iyo Ganacsatada waaweyn iyo kuwa Dekedda wax kala soo dega ee Somaliland.

Hase-yeeshee, War-Saxaafadeedkaas oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Madaxweynaha Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye (Shamax) oo Berberatoday.com heshay, ayaan haba-yaraatee lagu xusin wax Natiijo ah oo ay Ganacsatada iyo Wasiirradu isla qaateen, balse lagu soo koobay jiritaanka Shirkaas iyo Hadallada Wasiirradu u jeediyeen Ganacsatada iyo in Xubno Ganacsatada ka tirsani sheegeen inay soo dhawaynayaan oo ay taageerayaan Wareejinta Dekedda, taasoo sida Goob-joogayaashu sheegeen Shirkadda TELESOM mooyee cid kale oo la taaban karo oo si buuxda u uga hor-caddaysay Wasiirrada inay heshiiskaas taageerayaa aanay jirin.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews