berberatoday.com
Ugaadhsiga wariyayaasha oo heerkii ugu xumaa maraaya iyo wariyihii 5’aad oo 5 cisho gudahood la xidhay
May 31, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

Hargeysa(Berberatoday.com)-Ururka Suxufiyiinta Somaliland waxa uu walaac ka muujinayaa talaabada ay xukuumadda Somaliland toddobaad gudihii galabta ugu xidhay wariyihii shanaad magaaladda Laascaanood, kaasoo Booliisku ka kaxaysteen xarunta Telefishanka Somalinews oo uu ku sugnaa Wariye Maxamed Axmed Maxamed oo ka shaqeeya Telefishanka Kalsan.
Xadhiga wariyahaa ayaa dhacay goor uu wariyuhu barnaamijyo ku diyaarsanayey xaruntaasi, waxaana ciidamadda u dalbaday Xildhibaanad ka tirsan Golaha Deegaanka Laascaanood oo goobta ugu soo gashay, iyadoo ugu hanjabtay maxaa laguu xidhi waayey.
Sida ay wariyayaasha Goob-jooga u ahaa xadhiga wariye Maxamed Axmed Maxamed SOLJA soo gaadhsiiyeen waxay markiiba qabsatay Telefoon, iyadoo ay goobta soo gaadheen xaruntaasi isla markaana ay taxaabeen wariyaha.
Wariye Maxamed Axmed Maxamed waxa doraad ku qabsaday madaarka Laascaanood askar Booliis ah oo raadinaysay, hase yeeshee waxa ka sii daayey odayaal u socday soo dhaweynta Madax dhaqameedkii ka qayb-galayey Caleemo saarka Suldaan ka soo jeeda Gobolka Sool.
Ciidamadda Booliiska ayaa xidhay wariye Maxamed Axmed Maxamed iyaga oo aan wax ogolaansho ah ka haysan Maxkamadda Gobolka, taasoo ah talaabo ka baxsan sharciga Saxaafadda, isla markaana ka hor imanaysa xuquuqda Dastuuriga ah ee Saxaafadda.
Wariye Maxamed Axmed Maxamed waxa uu warar ka baahiyey 18-kii May iyo khilaaf ka dhex jiray Golaha Deegaanka Laascaanood, taasoo sababtay in maamulka Gobolku Amro xadhigiisa.
Xadhiga Wariyahan ayaa noqonaya kii shanaad, waxaanu Ururka SOLJA u arkaa caqabad cusub oo ay Xukuumadda Somaliland ku soo rogtay bahda saxaafadda, taasoo meesha ka saaraysa Madax banaanida saxaafadda ee Dastuurku Damaanad qaaday.
Ururka SOLJA waxa uu xukuumadda ugu baaqayaa inay Xorriyadooda usoo celiso wariyayayaasha kala ah Maxamed Axmed Maxamed oo ay ku xidhay Laascaanood iyo Wariye C/rashiid Sh C/wahaab Sh Ibraahim oo maalintii afraad ku xidhan xarunta C.I.D-da Hargeysa.

Ramaas

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews