berberatoday.com
“Awoowyaasheen Isma Gumeysan,Aabayaasheena Isma Gumeysan,Innaguna Rag Isgumeysan Karra Ma Nihin,Waxa Aynu Nahay Rag Wax Wada Leh.”Wasiirka Madaxtooyada Oo Hadal Garnaqsiya Kula Hadlay Bulshada G/Sool
June 1, 2016 - Written by Berbera Today

Xudun(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda JSL, Md. Maxamuud Xaashi  Cabdi yo wefti ballaadhan oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo uu hogaaminayo ayaa maanta xadhiga ka jaray mashaariic horumarineed oo laga hir galiyey degmada Xudun ee gobolka Sool.

Wasiirka Xaashi iyo weftigaasi oo saaka si ballaadhan loogu soo dhaweeyey degmadaasi, ayaa furay mashaariic saddex ah, sidoo kalena maamulka degmada ku wareejiyey deeq raashin ah.

Soo dhawayntaasi ka dib ayaa munaasibad ballaadhan lagu qabtay xarunta degmada Xudun, halkaasi oo khudbado laga jeediyey, Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Maxamuud  Xaashi  oo ka mid ahaa madaxda halkaasi ka hadashay ayaa jeediyey khudbad garnaqsi, ah oo dhinacyo badan taabanaysay, waxaanu yidhi

“Ugu horrayn waxaanu ka mahad celinaynaa sidii diiranayd, niyada furnayd, dhaqanka wannaagsan ahayd ee aad noogu soo dhawayseen Degmadan Xudun iyo sidii naloo sooray, intaba waanu ka mahad celinaynaa. mar labaad waxaanu iyadana boggaadinaynaa niyad samida dadka iyo bulshada qoor-waynteeda dareenka ka muuqda. waxa aynu nahay dad wallaalo ah, dad waddan leh ayeynu nahay, dad dhaqan soo jireen ah leh ayeynu nahay, waa waxa aynu kaga duwan nahay qoomiyadda Soomaaliyeed ee geeska Afrika ku dhaqan bulsho dhaqan ab iyo isir leh ayeynu nahay. dhaqankeedana way ku jirtay wax kala tirsiga iyo is qabashadu, waxa kale  oo ku jirtay sida aynu u kala baxno iyo wax aynu ku kala baxno, dabaro iyo xeerar ayey lahayd.

Walaalayaal anagu waxaanu ka soconaa Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo ka madaxda yahay, Xukuumadaa aanu ka midka nahay siyaasadeeda waxa u bud dhig u ah inay horumariso gobolka Sool, inay Nabad waarta ka abuurto gobolka Sool, degmadan Xudun waa degmooyinka ugu waaweyn gobolkan.

Gobolka Sool waa gobol ka mida gobollada Jamhuuriyadda Somaliland, waa gobol u baahan in la horumariyo oo mashaariic badan laga fuliyo. ma suuro gali karto in dalkan yar iyo dadkan aynu is nahay in qaybina ay badhaadho oo barwaaqo ku noolaato qaybina ay ba’do!. wuxuu baynu wada qabi karnaa, caqliga wanaagsana kuma jirto in ina la dhiso ina dib loo dhigo. sidaa darteed waxa naga go’an oo aanu Madaxweynaha wakiil kaga nahay oo uu naga ogyahay in wiixii horumar ah aanu xooga saarno Gobollada Somaliland ee bariga ee ka hooseeyaa kuwa galbeedka.

mashaariicdan aynu maanta degmadan ka furaynaa waa kuwo muhiin ah, odhan maynu wax waliba way dhamaadeen. odhana mayno baahiyi ma jirto, waa mashaariic bilow ah oo u muhiim ah maamulka iyo nabad galyada. haddii aanay halkan nabadi ka jirin oo aanay saldhig boolis yeelan   magaalada bulshada ku nooli nabad kuma noolaan karto, sababtaas ayaanu saldhigan u dhisnay. sidoo kalena maanta waxaanu furnay Xaruntii maamulka degmada iyo garoon loogu tallo galay inay dhalinyaradu kubada ku ciyaarto. baahiyaha kale ee laga waramayna wiixii suuro gal ah waanu  qabanaynaa, waxa kale oo aanu ka hawl galaynaa sidii Maxkamad degmadan loogu dhisi lahaa.

waxaan halkan ka markhaati kacaynaa in dareenka dadweynaha Xudun uu shalay iyo maanta kala duwan yahay, odhan mayno wuu qabyo tiran yahay, oo saxar la’yahay hasayeeshee aad ayuu u fiican yahay shalayna wuu ka duwan yahay.

Awoowyaasheen isma gumaysan, Aabayaasheena isma gumaysan, inaguna rag is gumaysan karra ma nihin, waxa aynu nahay rag wax wada leh. halkan maanta dawladnimo ayaanu ku maraynaa. geeleenu bancade ayuu wada daaqaa taariikhda ma soo marin inaynu is gumaysanay  wakhtiguna wakhtigii maaha  waxa aanu wadnaa waa dawladnimo, reero is gumaysana ma nihin, reero-na kama socono anagu, maanta geelayagii waanu ka nimid, waxa aad nagu soo dhawayseen waa dawladnimo.

Walaalayaal Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu waxgaradka iyo qoorweynta reer Sool iyo Sanaag barri u dhigay gogol, maaha go’gol been ah, waa mid run ah, waxaanu doonaynaa Wallaalayaal in aanu idin turxaan saarno, waxaanu doonaynaa in aanu tabashadiina bi’ino, waxaanu doonaynaa inaynu Qaranka wada qaybsano waynu wada leenahee, qarqarkiina qaybsada oo goosta, ka qayb gala Diiwaangalimaha iyo doorashooyinka. Rag dudi karra ma tihidin, rag wax wada leh ayeynu nahay, ninka halkan Xudun ku nool Xamar waxa uga dhaw Hargeysa, Gar-adag iyo Caynaba.( Laba ILLAAHAY ayaa u daawe qaada, Laba iyagaa daawe qaata). waxa aynu nahay kuwii ILLAAHAY u daawe, qaaday, dalka, dhulka, dhaqanka, dhalashada iyo dhiiguba waa inaga dhaxeeyaa, dhismaha dawladnimaduna waa inaga dhaxeeyaa, wixii la qawadayo waxaanu qabnaa in la toosiyo, (khalad waa markii la qabtaa.)

Maanta dani kuma jirto in ninka dudayaa uu qori qaato, oo jabhad sameeyo, oo maxaad qori u qaadan oo jabhad u abuuro oo qallalaase dhibaato iyo khasaare dadkaaga u galin,? wax aynu wada leenahay ayaa miiska yaalee, rag kala gar qaadan kara ayeynu nahay, wax gaar ah cidna laguma sandulayn karo. waxaan adkaynayaa inaynu nabada iyo horumarka ka wad shaqayno dhamaanteen.”

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews