berberatoday.com
Dhacdooyinkii Ugu Layaabka Badnaa Ee Imtixaannaadka Shahaadiga Ah, Askar Iyo Arday Dhaawacyo Soo Gaadheen & Maamuleyaal Taageeray QISHKA Oo La Xidhay
June 1, 2016 - Written by Berbera Today

Magacyada Dugsiyada Mushkiladaha Ugu Badan Ka Dhaceen, Arday Laga Soo Saaray Faashash Ay Ugu Talo-galeen Inay Kula Dagaalamaan Ilaaliyeyaasha Imtixaanka Iyo Fadeexadda Sannadkan U Soo Hoyatay Waalidiinta Ardayda Qishka Qorsheystay

 

Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxa Gobollada iyo Degmooyinka Somaliland ka socda Imtixaannaadka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare iyo Dhexe ee Somaliland, kaasi oo ay ka qayb-gelaayaan Arday ka badan 25 Kun.

Imtixaannaadka Shahaadiga ah ee Fasallada 8-aad ee Dugsiga dhexe iyo Fasallada 4-aad ee Dugsiyada Sare, ayaa Sannadkan ilaalintooda la adkeeyay, waxaana Arday kasta oo Imtixaankaasi u fadhiistay lagu baadhay qalabka sheega waxyaabaha ka samaysan birta, sida Mobeellada oo Ardayda qaarkood inta ay Imtixaanka ku sawiraan Internetka ku diri jireen, si Macalin ama Qof ay hore ula soo heshiiyeen uga soo shaqeeyo isla-markaana dib ugu sii diro. Laakiin taasi ayaa Sannadkan ka baxday Meesha, maaddaama oo Qalab sheegaya lagu baadhayo Ardayda.

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaannaadka Qaranka Daa’uud Axmed Faarax (Daa’uud Gadhweyne), ayaa ka hadlay dhacdooyinkii ugu xumaa ee ay ku kacaan Arday doonaya inay Imtixaanka Qishaan ama Qof kale uga shaqeeyo iyo Macalimiin uu qaarkood ku sheegay inay Ardayda uga sahqeeyaan Imtxaanka.

Daa’uud oo ka hadlayey Shir-jaraa’id oo uu ku qabtay Hargeysa, ayaa yidhi, “Dhowr Iskuul baa waxa ka dhacay Shaqaaqooyin yaryar, Askar la dhaawacayna way jiraan, Arday la dhaawacayna way jiraan.”

Daa’uud waxa kale oo uu sheegay, “Iskuulka la yidhaahdo Salaama waalla baadhayaa, wixii ka dhaceyna laba Macalin baa ka dambeeyay baa la yidhi oo Ardayda ku dhiiri-geliyey inay baadhitaanka Diidaan, waxaana dhici karta in Macalimiintaasi yihiin kuwii ka shaqeyn jiray Imtixaanka Marka Ardeygu Internet-ka ugaga diro Mobile-ka iyagoo dibadda jooga.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Ardayda, gaar ahaan Habluhu waxay yidhaahdeen waxaanu ka naxnay Xabadda kor loo ridayey, Dabadeedna waxaanu ku nidhi ha samaynina wax keenaya in Xabad la rido, Askartana waanu wada shirnay, anigoo ku hambalyeynaya in Askar badan oo dhaawacyo ku yaaleen aanay haddana Cidna Xabad ku ridin.”

Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaannaadka Qaranka Somaliland, waxa kale oo uu ka hadlay Dugsigii Rabshadaha ugu badan ka dhaceen iyo Maamule la xidhay, “Iskuulka ugu Mushkiladda badnaa wuxuu ahaa Iskuulka la yidhaahdo Caalami. Waayo? Ardaydii waxay ku talo-galayaan uun QISH, haddaynaan ka hor-tagina waxay noqonaysaa inay laayaan Ardaydu Ciddii ilaalinaysa oo Cid Imtixaannaadka ilaalisaba la waayo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey, “Maamuleyaal baa xidhan, sida Mid laga soo qabtay Alleybaday oo Gabiley ku xidhan. Maamulehaasi Imtixaan buu ka qaaday Fasal, markaasuu doonayaa in lagaga soo shaqeeyo Iskuula dibaddiisa. Bal ka waran Maamulihii oo isugu Qishka baraya Ardeyda, waxaasaa na haysta haddaanu nahay Xafiiska Imtixaannaadka Qaranka.”

Daa’uud oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in Ardaydu marayaan inay soo qaataan Moobillo badan, “Ardayada baanu ka qaadnay Saddex Moobil, markaa Dugsiyada Hoose/dhexe ayaaba Sannadkan nagaga daran Dusiyada Sare oo aanu hore uga caban jirnay, Waayo? Ardayda qaarkood waxaanu ka qaadnay Faashash ay doonayaan inay kla dagaalamaan Dadka Imtixaanka ilaalinaya.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray inay aaminsan yihiin in Mushkiladdaasi oo dhan ay ka dambeeyaan Macalimiin iyo Maamuleyaal doonaya inaan Imtixaannaadka la adkaynin.

 

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews