berberatoday.com
Guud Ahaan Somaliland Imtixaankii Shahaadiga Ahaa Oo Maanta Xidhmay Iyo Wasaarada Waxbarashada Somaliland Oo Dugsiyada Gaarka Loo Leeyahay Eedaysay
June 1, 2016 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Imtixaanka shahaadiga ee dugsiyada 4aad iyo 8aad ee sanadkan ayaa maanta usoo xidhmay ardeydii u fadhiisatay.

Imtixaanka sanadka waxaa hadheeyay buuq iyo qish badan taasi oo ay sababtay technoolijiyada iyo mobilada casriga ah kadib markii ay ardeydu su’aalihii iyo jawaabihii imtixaanada iskaga  gudbinayeen degalada ay bulshadu ku wada xidhiidho.

Goobaha qaar oo imtixaan lagu galayay ayaa la xidhay kadib markii ay isku dhaceen ardeydii imtixaanka galaysay iyo macalimiintii ilaalada ahaa kuwaasi oo isku maandhaafay qish ay ardeydu doonaysay inay sameeyaan balse macalimiintu ka diiday.

Dugsiyada gaar loo leeyahay ayay wasaarada waxbarashada Somaliland si gaar u tilmaantay kuwaasi oo ay ku eedeysay inay ardaydooda u dirayeen qishka imtixaanka oo ay wasaaradu ku qabatay.

“Laba meelood ayay fadhiisatay qishkii dugsiyada gaarka ah qaarkood ayuu dhexfadhiistay sababtuna waa nin tukaankiisa in dad wanaagsani uga soo baxaan doonaya”ayuu yidhi wasiirka waxbarashada Somaliland Cabdilaahi Habane.

Wasiirku waxaa kale oo uu sheegay inay jireen niman suuqa ku iibinayay imtixaano hore loo qaaday kuwaasi oo ardayda uga dhigayay imtixaanka imika la galayo.

“Ragii suuqa ku iibinayay waanu soo xidhnay, qaladii ka wada hadlaysay whats app ka waa la hayaa iyaga oo guruuba, iyo wixii ay isku dirayeen”ayuu yidhi Cabdilaahi Habane. Waxaanu intaasi ku daray

“Anigaa whats app-ka la iigu soo diray imtixaanka waxaa uu noqday kii saddex sano ka hor laga qaaday ardeyda oo dhinac kale ayaa loo jeedinayaa, Daa’uud (Guddoomiyaha imtixaanaadka qaranka)ayaa ku idhi eeg wuxuu igu yidhi waanu haynaa imtixaanka oo isagii maaha”

Somaliland waxaa inta badan kaalmaha hore ka gala imtixaanka shahaadiga dugsiyada gaarka loo leeyahay oo ay inta badan dhigaan macalimiinta diyaarisa imtixaanka dawladu qaado.

 

Maamule kormeere ka ahaa dugsi lagu galayay imtixaanka ayaa lagu xidhay magaalada Gabiley kadib markii uu ardayda u ogolaaday inay imtixaanka dibada kaga soo shaqeeyaan waxaa kale oo wasaarada waxbarashadu imtixaanadii ka joojisay dugsiyo lagu dagaalamay.

Waa markii u horeysay ee wasaarada waxbarashada iyo xafiiska imtixaanaadka qaranku ka joojiyaan dugsiyo lagu dagaalamay imtixaanka.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews