berberatoday.com
Madaxtooyada Oo Farta Ku Godaysa Wasiirka Ganacsiga Somaliland Bixitaanka Nuqulada Heshiiska Ay La Gashay Dp-World
June 1, 2016 - Written by berberatoday berberatoday

xuseen dayrHargeysa(Berberatoday.com)-Xarunta looga Arimiyo Somaliland ayaa si gaara ula socota dhaq dhaqaaqyada Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Somaliland.

Arinta ayaa ka danbaysay ka dib markii ay madaxtooyadu u tuhuntay in isaga iyo Wasiiro uu ka mid yahay ay dibada u saareen heshiiskii ay qarinaysay ee lala galay shirkada DP World kuna beeray madaxtooyada dareen cadho leh ka dib markii ay warbaahinu gacanta ku dhigtay,

Iyada oo madaxtoyadu ku qanacday in heshiiskaasi laga helay Wasiir Xuseen Dayr oo sida Ilo u dhuun daloola Madaxtooyadu ay u sheegeen Warbaahinta Hangoolnews,

Geesta kale Wasiirka Ganacsiga ayaa si wayn uga biyo diiday waftigii laga reebay ee soo saxeexayey heshiiska lagu wareejinaayay Marsada Caalmaiga ah ee Magaalada Berbera.

Heshiiskan ayaa markii uu dibada usoo baxay waxa baahiyey Saxaafada Madaxa Banaan kuwaasi oo si guud iyo si gaaraba u xusay galdalooloyinka heshiiskaasi oo ku huursanaa Aqalka Madaxtooyada, qorshahuna ahaa in aanu dibada u bixin heshiisku tan iyo inta laga qabyo tiraayo heshiiska kama danbaysta ah eel ala galaayay Shirkada DP World.

Dhinaca kale Wasiir Xuseen Aadan Dayr ayay arintani gayeeysiisey in uu Tuke-Baalcad ka dhex noqdo Aqalka Madaxtooyada Somaliland oo markii hore uu aad ugu dhawaana lagana ixtiraami jirey,

Xogta la socodka dhaqdhaqaaqa Wasiirka ayaa laga yaabaa in ay galaafato Wasiirka Dayr isaga oo mudo dheer hankiisu ahaa in uu ka agdhawaado Madaxtooyada qorina jirey Maqaalo uu ku amaanayo kuna difaacayo Madaxtooyada.

Iyada oo warar xog,ogaal ah oo maalmahii ugu ka soo baxayay Aqalka Madaxtooyada Somaliland ay xusayaan in ka hor bisha Ramadaan ee afka inagu soo haysa uu Madaxwaynaha Somaliland samayn doono Isku shaandhayn Baaxad wayn oo la sheegaayo in ay noqon doonto tii ugu miisaanka cuslayd ee inta xukunka uga hadhay,waxaana wasiir Dayr ay wararkaasi ka soo baxaya Madaxtooyadu sheegayaan in uu u badan yahay in uu noqdo Wasiirada ay Seefta Madaxwayne Siilaanyo Sahayan doonto.

 

 

 

Xigasho Hangoolnews

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews